“Hadday Burco Khal-Khal Gasho Somaliland Oo Dhan Baa Khal-Khalaysa” Muj: Ibraahim Dhego Weyne

Burco, Somaliland June 1, 2010 (Saxafi) – Ururka UDHIS ayaa shir balaadhan oo lagaga hadlayo adkaynta nabadgalyada ku qabtay magaalada Burco ee gobolka Togdheer.
Shirkan oo ay soo qabanqaabiyeen urur siyaasadeedka UDHIS ayaa waxa ka soo qaybgalay Aqoonyahan, Odayaal iyo siyaasiyiin tiro badan.
Ururkan UDHIS oo ah urur siyaasadeed ay ku bahoobeen mujaahidiin badan oo ka mid ah raggii dalka u soo halgamay ayaa waxay kulankan u qabteen sidii nabada iyo deganaanshaha loo adkayn lahaa, waxaana weftigani ka koobnaayeen Mujaahid Ibraahim Dhagaweyne, Maxamuud Cumar Xaashi, Siciid X Axmed Qulunbe, madax iyo masuuliyiin kale.
Muj: Ibraahim Dhagaweyne oo halkaasi ka hadlay ayaa si weyn farta ugu fiiqay in dalka gudihiisa laga waddo fawdo iyo khal khal amaan xumo ah, waxaanu xusay rag uu sheegay in gawaadhi loogu iibiyey Magaalada Hargeysa si ay dhibaatooyin uga sameeyaan gobolada bari, waxaanu gobolada bari uga digay raga oo uu tilmaamay inay iska ilaaliyaan, nabadoodana ilaashadaan, isagoo arrimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “ Shalay (Doraad) Hargeysa waxaa ka dhacay, dadkii dadka xasuuqay ayaa baabuur looga iibinaayey, si ay rabshad labaad u sameeyeen waxaanay idiin dhaafeen dhanka Bari maalintii shalay ahayd, mushkiladaasina wax kale maahee waxaa la rabaa in gobolka Togdheer ay soo gaadho fidmadu, markii gudaheena wax laga waayey waxa loo tafa xaytay sidii dibada laynooga soo gali lahaa”
Muj: Ibraahim Dhagaweyne waxa kale sheegay inay Burco ka mid tahay meelaha la rabo in laga huriyo dagaal iyo colaad, waxaanu dadka degan gobolka togdheer ugu baaqay sidii ay u xoojin lahaayeen nabadooda, isagoo arrintaas ka hadlaya waxa uu yidhi “ Burco waxaanu leenahay meelaha la xoqaayo ayaad ka mid tihiin, nin walowba caruurtaada cesho, haddii ay Burco khal khalgasho Somaliland oo dhanbaa khal khalaysa, haddii Burco hagaagtana Somaliland way hagaagaysaa, Bari iyo Galbeedba Burcaa isku xidha”ayuu yidhi Muj: Dhego weyne
Maxamed Kaahin Axmed oo isna shirkaas ka hadlay ayaa hoosta ka xariiqay in shaqsigu uu xor u yahay codkiisa meesha uu marinaayo iyo cida uu siinayo, isagoo arrintaas ka hadlayana waxa uu yidhi “Shakhsigu xisbiga uu doono ayaa u codaynayaa, laakin maaha in uu Kulmiye ku dagaalamo maxa UDUB codkaa loo siinayaa, mana ah inay Udub ka gubato maxaa Kulmiye intaas oo cod uu u helay, Ucidna sidoo kale, taas waa lagala qurux badan yahay”
Si kastaba ha ahaatee waxa dhamaan dadkii halkaasi ka hadlay sheegeen qiimaha ay nabadu leedahay iyo sida loo ilaashan karo nabada
Comments
Post a Comment