Xukuumadda Somaliland Oo Ka Hadashay Arragtideeda Ku Waajahan Hantida Dalkii La Isku Odhan Jiray Soomaaliya Iyo Daymaha Lagu Lahaa
Maxay
Noqonaysaa Astaanta Ama Calanka La Dhigayo Madasha Wadda Hadalku?
-
Ma Jiraa Wax
Xidhiidh Ah Oo Dhexmaray Somaliland Iyo Xukuumadda Cusub Ee Soomaaliya Mudadii
ay jirtay?
-
Muxuu Yahay Doorka Dawladda Imaaraadku ku
leedahay wada-hadalada Turkiga?
Hargeysa,
Somaliland, 08, April 2013, (Saxafi) – Xukuumadda Somaliland ayaa faahfaahin ka
bixisay nooca wadda-hadalada ay la yeelanayaan Soomaaliya. Islamarkaana, ka
jawaabtay aragtideeda ku waajahan hantidda dalkii la isku odhan jiray
Soomaaliya iyo daymaha lagu leeyahay.
Wasiirka Arrimaha
dibada ee Somaliland Maxamed Cabdilaahi Cumar oo waraysi gaar ah oo uu siiyay
shalay wargeyska Saxafi wax lagaga weydiiyay tobanaan su’aalood oo u badan
arrimaha Soomaaliya iyo Somaliland, waxaa uu sheegay in aanu ka muuqan doonin
ama la dhigi doonin madasha lagu wadda hadlayo ee Turkiga calanka Soomaaliya.
Waraysigaas oo aad u
dheer waxaa uu u dhacay sidan:
S: Ka waran siyaasadda arrimaha debada muddadii aad wasiirka ahayd
maxayse kaga duwantahay siyaasadii xukuumadihii kaa horeeyay, maxaa isbedel ah
ee aad keentay, maxaase kuu qabsoomay?
J: Horta siyaasadda arrimaha dibadda ee dalkii ilaa intii ay Somaliland
jirtayba waxay ahayd isku mid, waxay ku salaysnayd sidii dalkani u noqon lahaa
xubin buuxda oo ka tirsan adduunka ama beesha caalamka, aqoonsi hesha, taageero
hesha, iskaashi hesha, saaxiibana dunida ku yeelata. Marka dhankaas laga
hadlayo waa siyaasad joogto ah oo dan joogto ah oo dalkani leeyahay ka
shaqaysa. Hase yeeshee markaan u soo noqdo intii Xukuumadda Madaxweyne
Siillaanyo joogtay, xagay wax idiin marayaan iyo maxaase idiin soo kordhay.
Waxaanu sii kordhinay dedaalkii hore u sii socday, waxaanu suurto-gelinay in
guulo waxtar lehi ku soo kordhaan saddexdii sannadood. Waxa ka mid ah in
Somaliland loo arkay siyaasiyan inay tahay dal ka muuqda Geeska Afrika iyo
Bariga Afrikaba (regional player), oo aanu caalamku iska dafirin ama iska indho
tirin jiritaankeeda. Waxaa ku soo kordhay oo kale inay Somaliland ka qayb-gal
buuxa ku yeelatay fagaareyaasha lagu gorfeeyo siyaasadda ee Somaliland iyo
Geeskaba, hadday tahay IGAD, Afrika iyo Beelweynta kale ee Caalamka. Waxa kale
oo soo kordhay in wadda-shaqaynta dawladda Somaliland iyo waddamada kale ee
caalamkuba uu kordhay oo qaarkood xafiisyo halkan ku yeesheen oo Ingiriisku ka
mid yahay, waddamo kale oo Afrikaan ahina ku soo biireen. Waxa kale oo ka mid
ah mucaawinooyinkii dawliga ahaa oo aan weligeed Somaliland dawlad ahaan loo
siin in hadda loo bilaabay. In Somaliland laga talo-geliyo arrimaha Geeska
Afrika ka dhacaya. Waxa intaas ka dambeeyay oo aan u arkaa muhiim, in
Somaliland iyo Somalia oo arrimahoodu isku dhex qasnaa oo had iyo goorna ay
Somalia gacanta sare ka lahayd Somaliland marka siyaasadda Geeska laga hadlayo,
in dunidu u kala qaaday laba qaybood oo kala duwan oo is-barbar yaala oo iyagu
danahooda ka wada hadli kara, oo cid cid ka saraysa iyo cid cid jujuubaysaa
aanay jirin marka ay timaado qadiyadda Somaliland, taas oo wada-hadaladii
bilaabmeen kal hore, imika aanu diyaar-garowgeedii ku jirno wejigii labaad.
Arrintan oo qadiyadda Somaliland ka dhigaysa mid aan u dabranayn arrimaha
Somalia.
S: Waxa aad marar
badan ku celcelisay in aad isticmaalaysaan nooc siyaasadeed oo magaceeda aad ku
sheegteen Engagement policy? Hadda dadka u sharax noocaasi siyaasadeed?
J: Marka hore maaha
siyaasad [Policy] ee waa qalab [Tool] aanu isticmaalayno, laakiin siyaasaddu
dalku waxay tahay sidii ay Somaliland aqoonsi iyo iskaashi buuxa dunida uga
heli lahayd in laga shaqeeyo, taas weeye ujeedadu. Hase yeeshee Tools-ka aanu
isticmaalayno waxaanu ku soo kordhinay oo aanay dawladihii hore lahayn, wax aanu
u bixinay (an engagement policy). Micnaheedu waxa weeye in Somaliland ka
qayb-gal iyo wakiilba ku yeelato fagaareyaasha caalamiga ah. Waxa kale oo uu
(engagement policy)-gaasi la micno yahay in aanu qadiyadda Somaliland u marno
dariiq kasta oo suuro-gal ah oo sharafta iyo milgaha qaranka Somaliland waxba u
dhimayn. Waxa ka mid ah inaanu wada-hadal la galno Somalia taas oo aan hore u
dhicin. (Engagement policy) waxaanu uga jeednaa, furfurnaan, wada-hadal iyo
biseyl siyaasi ah oo qadiyadda Somaliland lagu iib-geynayo, lagu difaacayo,
lagu taageerayo, meel kastoo caalamka ka mid ah oo munaasib ah xataa haddii ay
ku jirayso Somalia. Wayna jirtaa saameyn ay nagu yeelatay, oo arragtidan cusubi
wuxuu ahaa mid fahamkeeda dadku uu adkaa oo
dalka ku cusbaa, waxay qaadatay muddo inaanu sharaxno, waxaanu kulamo la
galnay Baarlamaanka, ururada bulshada, axsaabta siyaasadda, mutacalamiinta iyo
qurbo-jooga.
S: Tan iyo intii
la dhisay xukuumadan hadda jirta ee Somalia ma jirtaa wax saamayn ah oo ay
idinku yeesheen xagga arrimaha debada?
J: Maya, oo
wada-hadalkii ugu horeeyay ee rasmi ah (formally) waa kan hadda nagu dhexmaraya
Turkiga sida la qorsheeyay. 13-ka bishan (April) ayaanu ku balansan nahay inuu
shir laba geesood ah oo madaxeed halkaas (Turkiga) ka dhaco. Markaa saameyn
siyaasadeed oo ay nagu yeesheen ma jirto waayo waxaanu u aragnaa inaanu kala
nahay laba dal oo kala jaad ah, laakiin waxa naga dhexeeya wada-hadal?
S: Ma jiraa wax
xidhiidh ah oo idin dhexmaray muddadii ay jirtay dawladani?
J: Maya, ma jiro
wada-hadal fool-ka-fool ah oo rasmi ah oo na dhexmaray dawladdan cusub ee
Somalia.
S: Wada-hadalka
Turkiga, ka dawlad Somaliland ahaan maxaad la tegaysaan maxaad se ka
wada-hadlaysaan?
J: Waxaanu ka
wada-hadlaynaa waxa weeye, annagoo ka duulayna baaqii Shirkii London ka soo
baxay sannadkii hore ee ku baaqayay inay labada dal wada yeeshaan kulamo,
Beesha Caalamkuna ku taageerto, waxa laga wada-hadalayaana waa xidhiidhka
mustaqbal (future relations) ee labada dal. Somaliland waxay goosatay inay dib
ula soo noqoto xorriyadeedii muddo dhawr iyo labaatan sannadood ka hor, markaa
geestayada waxaanu ka hadlaynaa waxa weeye in Somalia garowsato, ixtiraamtana
go’aanka shacabka reer Somaliland ee sharciyan iyo siyaasiyanba ay xaqa u
leeyihiin. Taas bedelkeeda waxaanu annagu u samaynaynaa inaanu cilaaqaad
wanaagsan iyo jaarnimo la yeelano, iskaashi buuxana meelo badan oo aanu is
leenahay wax baad ka tari kartaan ama istari kartaanba ka yeelano.
S: Habeen ka hor
intii aanad shirka jaraa’id kaga dhawaaqin wada-hadal Turkiga, waxa jirtay in
Madaxweynaha Somalia oo la hadlayay Jaaliyadda Imaaraadka Carabtu uu ku
celceliyay in Somaliland tahay qayb Somalia ka mid ah, marar badan oo kalena
taas way ku celceliyeen, dedaalna waxay ugu jiraan in Midnimadii Soomaaliyeed
soo noqoto, markaa hadday iyagu (Somalia) mawqifkaas Midnimada ku
adkaysanayaan, idinkuna (dawladda Somaliland) aad madax banaanida Somaliland ku
adkaysanaysaan, muxuu noqonayaa wada hadalkiinu, muxuuse yahay doorka
dhexdhexaadinta ee Turkigu?
J: Marka ugu horeysa
Turkigu kaalinta uu ka qaadanayaa waa fududayn iyo martiqaad, kaalintiisuna
maaha dhexdhexaadiye. Wada-hadaladu waa sidii kuwii London iyo Dubai, waa laba
geesood, oo maslaxadooda difaacanaya oo ka hadlaya. Wada-hadalada haddii aanu
ka weyno danta aanu ka leenahay oo ah inaanu qadiyadda Somaliland ixtiraam,
garowshiiyo iyo aqoonsiba ugaga helno Somalia, wada-hadaladu ma dheeraan
doonaan.
S: Dadku waxay
isweydiin karaan ka hor intaan shirka la tegin, waa maxay magaca loo bixinayo
wada-hadalada, taas dadka bal u sharax?
J: Magaca hore
ayaanu ugu heshiinay, waana wada-hadal u dhexeeya Somaliland iyo Somalia (a
dialogue between Somaliland and Somalia).
S: Maxay
noqonaysaa astaantiisu ama calanka la siinayaa?
J: Calan ma jiro,
hadduu Calan Somalia ahina jiro, ma jirayo wada-hadal, weligeedna ma dhicin,
kii London iyo kii Dubai-toona, haddii dawladda Turkiga ee marti-gelinaysa
calankeeda la keeno waa caadi.
S: Dad badani
dhaliil badan ayay u soo jeedinayaan qaabka xukuumaddiinu u galayso
wada-hadalada Somalia, taladiina aad isku koobteen, iyagoo dadkaasi qaba
maadaama waxa laga wada-hadlayaa yahay masiirkii ummadda oo aanay xukuumadda oo
keliyi go’aan ka gaadhi Karin, maxaad taas ka leedahay?
J: Arrintaas sidaas
anigu uma qabo, dawladda ayaa u madaxbanaan inay maamusho, meelaha aanu u
aragno inaanu la tashi la samayno waanu la samaynaynaa. Arrintu maaha masiirkii
ummadda, su’aasha halkan lays weydiinayaa maaha madaxbanaanidii Somaliland
miyaa laga noqdaa mise waa lagu taagan yahay maaha, ta u baahan la-tashiga qaran
waa taas ee loo baahan yahay inay dadkuna go’aan ka qaataan ee u baahan cod
shacbi, arrintuna halkaas ma taagna. Arrintu waxay taagan tahay sidii
qaddiyadda Somaliland ictiraaf iyo taageero loogu heli lahaa, taasina waa
maandhaytka xukuumadda, cid aanu taasna ogolaansho uga baahannahay ma jirto,
waxaanay la mid tahay annagoo raadinayna aqoonsigii iyo iskaashigii, taasina
waa wixii codka naloogu doortay.
S: Turkiga iyo
Imaaraadkaba waxaad ku tagteen Safar ka hor intii aydaan ku dhawaaqin
wada-hadalada bilaabmaya, markaa dawladda Turkigu ma wakhtigan aad hadda ku
dhawaaqdeen ayuu marti-qaadka wada-hadalka ayuun bay idin soo gaadhsiyeen, mise
markii aad safarka ku tageen ayay idinkala hadashay?
J: Haa. Dawladda
Turkigu markaas aanu safarka ku tagnay iyo marar ka horeeyayba waxay aad u
jeclayd oo ay soo jeedinaysay labada geesoodba [Somaliland iyo Somalia] in dib
loo curiyo oo dib loo bilaabo wada-hadalkii labada dal, mana aha markii u
horeysay ee Turkigu arrintaas dalbadaan. Markaa markii aanu tagnay way nala soo
qaadeen, labada geesoodna way ogolaadeen arrintaas marti-gelinta ee maanta lagu
dhawaaqay.
S: Maxay tahay
doorka ay dawladda Imaaraadku ku leedahay wada-hadaladan?
J: Dawladda
Imaaraadku way taageersan tahay inay Somaliland iyo Somalia ay is-arkaan, waana
dawladii marti-gelisay kulankii labaad ee 28-kii June 2012 ee wada-hadaladii
Ingiriiska ka soo bilaabmay. Dawladda Imaaraadka iyo kuwo kaleba waxay
danaynayaan wada-hadaladaasi inay mar labaad curtaan.
S: Hanti badan oo
ay dawladii Somalia ku lahayd adduunyada ayaa jirtay, waxaa laysweydiin karaa
wasiirku ma ka fekeray sidii loola qaybsan lahaa, tusaale ahaan safaaradihii ay
dunida ku lahayd iyo hantidii kaleba, mase diiwaangeliseen inta ay tahay?
J: Maaha hanti oo
keliya. Laakiin dawladii Somaliyadii hore ee Siyaad Barre madaxda ka ahaa waxaa
jirtay deyn aad u fara-badan oo lagu lahaa iyo hanti aan sidaas u badnayn oo
dhismayaal teel-teel ah oo meelo ka dhisan, waxaanuna ku samaynay baadhis.
Annagase waxa nagala weyn waxaas oo dhan, dawladdii Somalia ee Midowga ahayd
waxtar kamuu soo gaadhin shacabka Somaliland muddadii soddonka sannadood ahayd
ee ay jirtay, waxaanu maalin dhawayd qiyaasnay mashaariicdii lagu caawiyay
state-kii Somalia 1960 ilaa 1991-kii. Waxaanay noqotay 7% wixii soo gaadhay
wixii berigaa la odhan jiray gobolada waqooyiga imikana la yidhaahdo
Somaliland, waana arrimaha keenay in Somaliland dib ula soo noqotay
madaxbanaanideedii, laakiin imika taas iskumaanu hawlin, waxaana muhiimadeenu
tahay in Somaliland noqoto dal madax banaan oo aqoonsi hela. Markay gaadho
heerkaas laba dal oo madax banaan, oo mid walba la aqoonsan yahay ayaa waxyaabo
badan oo xisaabtan ah iyo wax aynu la wadaagi karnaaba way jiraan, dhibaatooyin
lala qaybsanayaaba way jiri karaan.
S: Waxa laga
yaabaa in wada-hadaladan muddo kale loo balamo oo ay muddo dheer qaataan,
markaa muddada u dhaxaysa wada-hadaladaas sidee loo qaybsanayaa mucaawinooyinka
Somalia la siiyo?
J: Mucaawinooyinku
haddaba iskuguma kaaya jiraan, waxaanu naloo siiyaa mucaawinooyinka si toos ah,
oo waxaanu leenahay Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF) oo hadda durba saddex
dawladood ay ku soo shubeen lacagaha ay na siiyaan, macaa Turkiga ayaanu
doonaynaa inay halkaas soo mariyaan. Ta labaad mucaawinooyinka kale ee
hay’adaha kale bixiyaan Nairobi ayaa lagu kala qaybiyaa oo intay Somaliland la
tagayaan waa u gaar, intay Somalia la tegayaana waa u gaar, halkaas wax iskaga
kaaya xidhani ma jiraan. Maalgashiguna maaha mid aanu marti uga nahay oo
Somalia iyo Muqdisho mara maaha, cidda samaynaysana annagaa wada-hadalka la
galna, markaa wax Somaliland iyo Somalia ka dhexeeyaa ma jiraan…..
S: Waxay dad badasni ku tilmaamaan Wasaaradda Arrimaha Dibadda
Somaliland ay tahay gebigeeduba mid aan dhaafsiinayn wasiirka oo shandadiisa uu
ku sito, arrintaas maxaa ka jira? Dadka
qaarna waxay yidhaahdaan waa nin reer Baydhabood ah, muxuu kaga jawaabay,
Aqoonta gaar ahaan uu bartay Wasiirkuse maxay tahay la soco cadadka kan xigga
…..
Comments
Post a Comment