26-kii June Si Wanaagsan Ayay Inoogu Dhacday Ee Ilaahay Ha Inaga Badbaadiyo Caadifada 1-da July

By: Maxamuud Jaamac Axmed
Ilaahay Mahadii Si wanaagsan ayey inoogu qabsoontay doorashadii Madaxtooyada ee dalka ka dhacday sabtidii ina dhaaftay taasoo ay ka marag kaceen goob joogayaashii caalamiga ahaa, isla markaana qabsoomida doorashadaasi ay farxad wayn u ahayd shacbiga Somaliland guud ahaan.
Doorashadu sideedaba waa qaab ahdaafta lagu gaadho ee iyadu qudheedu hadaf maaha, ahdaafta la doonayo in laga gaadho doorashada waa in la xaqiijiyo rabitaanka shacbiga oo uu soo baxo musharaxa ugu taageerada badan dabadeed uu masharaxaasi fuliyo amuuraha uu u ballan qaaday dadwaynihii doortay.
Waxaan dalka ka dareemayaa caadifad ballaadhan oo ku saabsan xisbiga ku badin doona doorashadii 26-ka june dhacday, markaan arrinkaasi dhinac ka eego dadwaynaha waa u garaabayaa, oo natiijada doorashadani waa mid noloshooda si wayn saamayn ugu leh, isla markaana dadwaynuhu doorashadan qayb ayey ka yihiin siday saddexda xisbi qayb uga yihiin.
Laakiin arrinka aan jeclaysan waayay waxay tahay caadifada iyo taageerada xad dhaafka ah ee ay dadwayne badan u muujinayeen xisbiyada oo aan dareemayo inuu ka xoog badan yahay taageeradii la muujin jiray wakhtigii ololaha doorashooyinka, iyadoo taageeradani aanay ahayn bannaan baxyo …iwm, balse ay tahay ku talax tagga ay dadwaynaha qaar ku talax tagayeen markay qiimaynayaan xaalada daran ee uu wadanku galayo haddii uu xisbi hebel badiyo ama guulaha wadanka u soo hooyan doonta haddii uu xisbiga hebel ee kale uu badiyo.
Sidaa awgeed ujeedada ugu muhiimsan ee aan dadka ku wacyi galinayo waxay tahay inay ogaadaan in saddexda xisbi ay dhamaantood bulshadeena ka soo wada jeedaan oo kala duwanaashaha u dhaxeeya oo qudha uu yahay afkaarahooda siyaasadeed iyo sida ugu haboon ee dalkeena loo horumarin karo, iyadoo saddexda xisbi ay siyaabo kala duwan u arkaan jidkii loo mari lahaa horumarinta iyo aqoonsi raadiska wadankeena, oo saddexda xisbi way ka siman yihiin ilaalinta danaha dalka iyo dadka.
Anigu waxaan aaminsanahay in fikirka ka duwan kan kor ku xusan oo axsaabta lagu qiimeeyo uu yahay mid xag-jir ah, oo cid walba oo xisbi gaar ah u arka inay malaa’iik yihiin halka xisbi kale u arka inay shayaadiin ku jirto waxaan ku waanin lahaa inuu caadifad la’aan uu mar labaad arrinkaasi eego.
Akhriste inta awoodaada ah waxaad ku wacyi galisaa dadwaynaha kuu dhaw inay maadaama waajibkoodii guteen oo ay codeeyeen inay natiijada ka sugaan Komishanka Doorashooyinka Qaranka oo aanay isku daalin malo awaal, oo ciddii ku guulaysata doorashada in loo duceeyo, oo aanay cidi dareemin inuu guul darraystay, balse shacbiga Somaliland guud ahaan uu guulaystay maadaama ay dhacday doorasho xalaal ahi oo nabdoon ciddii doontaa ha guulaysatee.
Codka maskaxda waxa qariya qaylada caadifada oo noocyo kala duwan leh sida:1. jacaylka badan ee aad cid ama dhinac u qabtid, 2. nacaybka xad dhaafka ah ee aad cid ama dhinac u qabtid, 3. cadhada xad dhaafka ah, 4. farxada xad dhaafka ah.
Sidaa daraadeed waa in aynu ka fikirnaa waxa inoo dan ah oo aynaan isku mashquulin waxa aynu jecel nahay.
Illaa bilawgii sannadkan markii aan qiimeeyay xaalada dadwaynaha Somaliland waxaan iska dhaadhiciyay sidan “dadwaynaha Somaliland si wayn ayey ugu bisil yihiin inay galaan doorasho xalaal ah oo nabdoon”, laakiin waxaan is waydiin jiray su’aal ah “talo dadwaynaha Somaliland ma u bisil yihiin inay ku qancaan natiijada doorashooyinka ka soo baxa?”, anigu shakhsiyan waxaan rajaynayaa inay dadwaynaheenu u bisil yihiin qaadashada natiijada ka soo baxda komishanka nooca ay doonto ha ahaatee, anigoo aaminsan inay shacbigeena ay waayo aragnimo ugu filan tahay tijaabadii ay Somaliland soo martay sannadkii 1960-kii.

Comments