Axmed Siilaanyo Oo Ka Hadlay Xubnaha Iska Casiley Xukuumadda Rayaale Iyo Fariina U Diray Bulshada Reer Somaliland Ee Codkeeda Bixinaysa Maanta
“Waxay Shacabka Iyo Wasiiradu Arkeen Inay Nidaamkii Rayaale Iyo UDUB U U Dhamaatay, Ganacsatana Kama Dambayso”
Hargeysa, Somaliland, June 26, 2010 (Saxafi) – Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo) ayaa shacabka ku hambalyeeyey sidii nabadgalyada lahayd ee ololaha ku dhamaaday,isla markaana waxa uu shacabka, ciidanka amniga ugu baaqay inay u feejignaado sidii ay doorashadu nabadgalyo ugu dhici lahayd.
Guddoomiye Siillaanyo waxa kale oo uu ka hadlay wasiirada iscasilay waxaanu sheegay inay arkeen in xisbigii UDUB dumayo, sida uu bulshadu u arkeen, sidaas darteed ay iskaga tageen xisbiga UDUB iyo xukuumadda Rayaaleba.
Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Axmed Siilaanyo oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “ waxaan iskugu kiin yeedhay si aan ummadda Somaliland ee barito (maanta) u dareeraysa Doorashada aan u diro hambalyo, waxaanan rajaynayaa in uu ilaahay doorashada inooga dhigo mid nabadgalyo inoogu dhamaata, waa in aynu dhamaanteen is hareero taagno,waxaanan Ciidamada Amaanka ka dalbanaynaa inay dhex ahaadaan, oo waajibka saaran si wacan uga soo baxaan, ummadda waxaan u rajaynayaa waynu ogayn inta aynu usoo halganay inta aynu dhibaato usoo marnay, inta khilaaf u soo marnay inta mudoharaad usoo marnay si aynu u hirgalino dimuqraadiyadeena.
Maanta waxaan leeyahay qofkasta meesha kaga beegan ha kaga hagaago oo qofkasta si xilkas ah ha uga soo baxo hawsha. anagu haddii aanu xisbiga KULMIYE nahay oo musharaxa Madaxweynaha ahay waxaan ummadda u balan qaadayaa in wixii ka soo baxa doorashadaas aan u hogaansamayo, sida waajibka iyo sharcigu dhigayo, waana dimuqraadiyadii dalkeena meel fiican gaadhsiin lahayd.
Hadaynu koligeen wada nahay shacabka reer Somaliland ciidan iyo shacab waa in si xilkastnimo ah ugu dareerno doorashada, isla markaana la shaqayno Ciidamada nabadgalyada, iyaguna ay la shaqeeyaan oo ay daacad ka ahaadaan.”
Intaa kadib, Axmed Siillaanyo waxay suxufiyiintu weydiiyeen su’aalo dhawr ah, su’aalahaas iyo jawaabihii uu ka bixiyay gudoomiyaha KULMIYE, waxay u dhaceen sidan:
S: Sideed u aragta wasiiradan is casilay, maxaadse ka odhanaysaa hadalkii ka soo yeedhay Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale ee uu sheegay in wasiirada is casilay ay ganacsato reer Somaliland ahi ka dambeyso, inkastoo aanu magac dhabin ?
J: Waxay ila tahay horta Wasiirada iscasilay wasiiradiisii ayey ahayd, ganacsato kama dambeyso, waxay dadka iyo shacabku arkeena ayey wasiiraduna arkeen, baribaa nin lagu yidhi haddii aad doon rogmanaysa dul joogto maxaad samayn lahayd, wuxuu yidhi dee waan ka boodi lahaa, dee waxa weeyi dadkani waxay arkeen inay UDUB u dhamaatay, in nidaamkii Daahir Rayaale u dhamaatay. Markaa ganacsatana kama dambayso, cidkalana kama dambeyso, ganacsataduna awalba way joogeen, iyagaa iskood uga tagay kuligood, wax walba way lahaayeen, cid walba way lahaayeen, ummaddii markay ka dhaqaaqday ee ay aragtay xaaladu sida ay tahay, waa ayaan daro in uu cid wax saaro, iiguma muuqato inay xaq iyo gar tahay.
S: Haddii aad dalka qabsataan mudadaa yar ee shanta sanno ah ma isleedihiin isbedel muuqda oo dhan walba leh waanu qabanaynaa,?
J: Horta marka hore waxyaalaha aanu qabanayno haddii aanu xilka qabano insha allaahu tacalaa, baahiyaha ummadda oo dhan waa laga yaabaa in aan muddo kooban lagu qaban karin, laakiin waxay kala yeelanayaan kala horaysiin iyo mudnaan, ahmiyadu waxa weeyi in aan ummadda wax laga dhicin ee wax loo kordhiyo, in ummadda wax loo qabanayaana ay dariiq cad haysataa ayaa muhiim ah, ka aanu bilaabaynaa dariiiqaa cad ayaanu dariiqa saaraynaa, insho allaahu tacaalaa baahiyaha aanu tilmaamnay ee la wada arkayo ee wada muuqda ee shacbigu ka warqabo sida aanu wax uga qaban lahayn ayaanu ku dedaalaynaa oo isbedelka dhabta ah ee loo baahan yahay aanu ku keeno.
S: Warar ayaa sheegaya in wasiirada Xukuumada ka tirsan in ay ololaynayeen iyaddoo uu Komishanku sheegay inuu ololihii xidhmay, ta kale waxa la sheegayaa in xubnihii Komishanka ee guddoomiye goobeedyada ahaa in ay la shiraysay oo guryo gaar ah kula shiraysay, arrimahaasi ma ka warqabtaa, Komishankase ma kala hadashay ?
J: Waxaan ka warqabno iyo wax aanan sidaas uga warqabinba way jiraan, hawlaha qaar waxa ku shuqul leh komishanka, dawladu xaq uma laha inay isticmaasho hantida qaranka, gaadiidka Qaranka, dawladu waxay u dhisan yahay Qaranka oo dhan, wixii hawl xisbi ah waa ka xaaraan gaadiid haday tahay iyo haddii ay xoolo tahayba iyo haddii ay lacag tahay ta qaranka inay ku ololeeyaan maaha, waa inay mid xisbi ku ololeeyaan.
Waa is ognahoo maamulka maanta jira wax ka xaaraan ahi ma jiro, hawsha awal horaba waanu ku baranay, waana ku niqiinay, laakiin sida ay tahay anaga oo leh waa xaaraan maqdaca wax wanaagsana maaha, ayaanu hadana sida ay tahay hadana kaga guuleysanaynaa.
Comments
Post a Comment