Badhasaabka Hargeysa Oo Dhaliilay Digniin Loo Jeediyey Badhasaabada U Ololeeya UDUB


Hargeysa, Somaliland, June 21, 2010 (Saxafi) – Guddoomiyaha Gobolka Hargeysa Maxamed Cabdi Daa’uud ayaa sheegay in ay qayrul distuur tahay in looga digo badhasaabada gobollada dalka in ay ka qayb galaan ololaha doorashada madaxtooyada, isagoo difaacay ololaha badhasaabada gobolladu ugu ololaynayaan Xisbiga talada haya ee UDUB.
Guddoomiyaha oo shalay xafiiskiisa shir jaraa’id ku qabtay, ayaa waxa uu tilmaamay in aanay guddida ilaalinta anshaxa doorashadu sharci u lahayn in ay ka hadlaan ololaha ay badhasaabada gobollada dalku ku jiraan.
“Marka ay ka hadlayaan badhasaabada ee ay leeyihiin badhasaabadu waa shaqaalaha dawlada ayey ka mid yihiin ama xubnaha uu agaasimuhu ugu hooseeyo ayey la mid yihiin oo siyaasad ma geli karaan, taasi waa mid qayru dastuuri ah, sharcina uma laha in ay kelmadaa ku dhawaaqaan.
Waan ogahay oo walaalahay waxay eegayaan oo ay ku dhaqmayaan wixii ay ku heshiiyeen xisbiyadu ee loo yaqaanay code of condact, kaasi ayey markaa iyagu tixraacayaan, laakiin waxa wanaagsanayd qofku markuu mutacalim yahay ee uu aqoon leeyahay iyaga iyo xisbiyadaba waxa ku waajib ahayd markay is qorayeen xeerkaasi code of condecti-ga waxaa u wanaagsanayd in ay tixraacaan shuruucda dalka u taala. Haddii ay tahay dastuurka iyo haddii ay tahay xeerarka kale ee dalka ka soo baxayba.
Dhanka kale Guddoomiyaha Gobolka Hargeysa Maxamed Cabdi Daa’uud waxa uu amaan u soo jeediyay shacabka reer Somaliland oo uu sheegay inay kaalin muuqata ka qaateen in hawsha ololaha doorashada Madaxtooyadu ku dhamaato hab nabadgalyo ah.

Comments