Beelaha Gobeeye Ee Gobolka Saaxil Oo Sheegay Inay Codkooda Siinayaan Xisbiga KULMIYE
Berbera, Somaliland, June 21, 2010 (Saxafi) – Beel ka mid beelaha laga tirada badan yahay ee Gabooyaha ayaa sheegay in codkooda ay siinayaan xisbiga KULMIYE, iyagoo sheegay in xisbiga UDUB oo toddobo sannadood hayey aanu waxba u qaban, isla markaana balanqaadyadii wakhtigii doorashada aanu fulin.
Xaflad balaadhan oo ay iskugu yimaadeen cuqaasha, waxgaradka, suldaano ayaa hotel Al-Xayaat loogu qabtay labada suldaan ee beesha Gabooye ee labada gobol ee Berbera iyo Hargeysa, Suld: Daakir Khaliif Xasan iyo Suld: Maxamed Axmed Bukhwaar, kulankaas oo beeshu ay isla meel dhigaysay ciday codkooda siin lahaayeen .
Salaadiinta, cuqaasha iyo Waxgaradka beeshaasi ayaa sheegay inay isla garteen in codkooda siiyaan xisbiga KULMIYE, waxaanu sheegay Suldaan Daakir in 7 sano oo uu talada hayey xisbiga UDUB uu balan qaadyo faro badan u sameeyeen beelaha Gabooyaha, balan qaadyadaasi oo aanay Xisbiga UDUB waxba ka qaban oo beenoowday.
Waxaanay sheegeen in imikana aanay waxba soo wadin, sidaa darteed waxay bahweynta gabooye ka codsadeen in codkooda ay siiyaan xisbiga KULMIYE.
Suldaanka Gobolka Saaxil ee beesha Gabooye Suldaan Maxamed Axmed Bukhwaar oo isna halkaas ka hadlay ayaa yidhi “ Gacmo madhan ayaanu ka taaganahay Xukuumada maanta joogta oo hada xashiishkii nalagu xaman jiray ayaa naloo diiday, markaa waxaan kula talinayaa dadkayga inay codkooda siiyaan xisbiga KULMIYE.”
Waxa kale oo isna halkaa ka hadlay Af hayeenka beelaha Gabooye ee Somaliland Kamaal Salaad Xasan ayaa tilmaamay dhibaatada haysata bulsho weynta gabooye, waxaanu sheegay in dhibaatada illaahay ka sakow uu KULMIYE ka qaadi doono, balanqaadyo badana uu la galay masuuliyiinta beesha.
Guddoomiyaha xisbiga kulmiye ee gobolka Saaxil, Dr:Cismaan Cabdi Barkhadle (Shiine) iyo guddoomiyaha ololaha doorashooyinka ee xisbiga KULMIYE. Maxamed Faarax Xirsi ayaa beesha u balan qaaday in qof kasta oo gabooye ahi la xuquuq yahay dadka uu deegaanka kula nool yahay, isla markaana uu xaq u leeyahay waxay xaq u leeyihiin kuwa uu la deegaan yahay.
Comments
Post a Comment