Bustaha Komishanku Saaray Nidaamkii Codbixinta Awdal, Hagardamooyinka Loo Geystay Nidaamkii Doorashooyinka Ee Boorama Iyo Aamusnaanta Komishanka

Faallo: Maxamed Cumar Sheekh, weriyaha Saxafi ee Boorama
Dadweynaha magaalada Boorama ayaa sida magaalooyinka kale ku jaahwareersan natiijada ka soo bixi doonta doorashadii 26 ka dhacday guud ahaanba Somaliland, iyagoo si gaar ah isha ugu haya codadka xisbiga UDUB ku muquuniyey xisbiyada mucaaradka kadib olole qarsoon oo dadweynaha reer Awdal badi loogu sheegay inay doorashadani ku tartamayaan Reeraha Somaliland wada degaa.
Inkastoo la ogyahay xoogga dhaqaale iyo kan ciidan ee xisbiga UDUB iyo masuuliyiinta dawladdu  si badheedha  uga muujinayeen goobaha codbixinta Boorama, ayaa dhinaca kale waxa  iska muuqatay dhaq-dhaqaaqyada cunsurinimadu ka muuqato ee lagula kacayey cid kastoo gobolkan ah oo lagu tuhmo inay xisbiga Kulmiye u codeynayaan, sida uu xalay sheegay musharaxa mansabka Madaxweyne ku xigeenka xisbiga Kulmiye Cabdiraxmaan Saylici goobjoogayaal  iyo masuuliyiin ka tirsan xisbigaasi mucaaradka ahna xabsiga loo taxaabay, halka kuwa kalena shan farood iyo calaacal lagaga soo saaray goobjoogayaashii xisbigaasi ee ku sugnaa  degmooyinka Boorama.
Run ahaantii lagama sheekayn karo waxyaalaha maalintii 26ka Juun ay la soo shir tegeen masuuliyiinta sarsare  ee gobolka Awdal kaga jira Xukuumadda Rayaale, kuwaas oo gefku ah xeerarka doorashada loo dejiyey, iyadoo gaadiidkii dawladu badi la siiyey warqado fasaxa ah, halka kuwa mucaaradka ahna afar gaadhi laga siiyey fasax. waxa intaa dheeraa faragelinta masuuliyiinta dawladdu, gaar ahaana maayarka Boorama ku hayey goobaha codbixinta, iyadoo dhinaca kale ama galbeedka Boorama masuuliyiinta Kulmiye ee Gobolka Awdal la  sheegay in lagu soo daadiyey  dad sita direyska Itoobiya , oo goobaha codbixinta kala shaqaynayey masuuliyiinta dawladda iyo xisbiga UDUB, ilaa maantana warar aan weli la xaqiijin  sheegayaan  in lagu jiro qorshe shaki badan xambaarsan oo lagu sheegay in goobaha ka baxsan magaalada Boorama, sida Baki oo kale, sanaadiiqdii codbixinta ay la socdaan xubno ka tirsan gobolka, wasiirada Somaliland iyo cutub ka tirsan ciidanka qaranku, iyadoo la sheegay inay  sanaadiiqdaasi dib ugu dhigayaan sidii codad badan loogu buuxin lahaa xisbiga UDUB, loona yarayn lahaa ama loo dhaafin lahaa faraqa  la sheegay in xisbiga UDUB lagaga horeeyo gobolada kale ee dalka, Booramana laga difaaco  codadka gobolada kale lagaga horreeyo xisbiga UDUB.
Haddaba marka loo dhabbo galo waxyaalaha dhacay baaxadooda, iyo gefefka loo geystay xisbiyada mucaaradka ayaad mooddaa in dhinaca kale komishanka qaranka ee heer gobol iyo heer qaranba la qarinayo waxa dhacay, isla markaana la dambabasayo fool xumooyinkii masuuliyiinta dawladdu ka samaynayeen Boorama.
Ma jirto ilaa imika shay keliya oo falalkaasi ka mid ah oo Komishanka qaranku soo hadal qaaday, taas oo aad moodo inuu wax kasta oo liddi ku ah nidaamka doorashooyinka uu ka gaabsanayo ka hadalkiisa taasina ay  dareenno kala duwan ku abuurtay bulshada xaqooda dhinaca doorashada lagu tuntay.
Sidoo kale ayaa komishanka qaranka ee gobolka Awdal xubno ka tirsan la tuhunsan yahay inay  dhinaca kale kala shaqaynayaan masuuliyiinta xukuumadda.
Soomaalida ayaa tidhaahda  “wax kastoo la qariyo qudhunbaa ku jira“, sidaa darteedna hab-dhaqanka saraakiisha dawladda ee gobolka Awdal ka muujiyeen  nidaamkii doorashada magaalada Boorama iyo aamuska komishanka ee guud ahaanba waxyaalaha dhacay ayaad mooddaa inay dadweynaha ku abuurtay shaki badan, sidaa darteedna loo baahnaa in komishanku war cad ka soo saaro  hagar-daamada loo geystay nidaamka doorashooyinka ee Gobolka Awdal iyo gaar ahaan Boorama, taas oo keeni karta in dedaalkii komishanka iyo hawl-karnimadii uu nidaamka doorashooyinka ku soo waday  aanay u noqon hal bacaad lagu lisay. Ilaa imika lama calaamadayn sanaadiiq ama komishanku kama hadal sanaadiiq  iyo goobo u xidhnaa xisbiga UDUB, lagamana hadal dhirbaaxooyinkii ciidamada amnigu u geysteen masuuliyiintii xisbiga Kulmiye ka joogay goobo ka tirsan galbeedka Boorama, lamana hayo cabasho laga dhegeystay xisbiga Kulmiye, kuna saabsan  arrimaha dhacay, waana arrimaha qarsoon ee weli komishanka  qaranka ee gobolku bustaha saaray, waana arrimaha  looga baahan yahay in laga qanciyo xisbiyada mucaaradka ah si ay waxyeelo u soo gaadhin natiijooyinka la filayo in komishanku ku dhawaaqo.

Comments