Ciidanka Amniga Boorama Oo Xidhay Masuuliyiin Xisbiga KULMIYE Ah Iyo Gaadiid Ay Wateen
Boorama, Somaliland, June 26, 2010 (Saxafi) - Ciidanka amniga Boorama ayaa xabsiga u taxaabay xubno ka tirsan masuuliyiinta xisbiga Kumiye ee Gobolka Awdal iyo taageerayaal la socday.
Sida uu warku sheegayo taliyaha ciidanka Amniga ee gobolka Awdal ayaa la sheegay inuu bixiyey amarka xadhiga Afhayeenka xisbiga Kulmiye ee G/awdal Naasir Maxamuud Qawrax iyo gaadhigiisaba, taasina ay keentay in masuulka xisbigaasi la geeyo saldhigga Booliska.
Lama sheegin sababta loo xidhay masuulkaasi, waxayna arrintani ku soo beegantay wakhti dadweynaha Somaliland u diyaargaroobayaan doorashooyin maanta dhacaya, sidaa darteedna masuulkaasi oo qayb ka ah xisbiyada tartamaya ayaa xadhigaasi keeni karaa arimo aan dan u ahayn doorashooyinka, loona qaadan karo xadgudub gef ku ah sharciga iyo dastuurka doorashooyinka.
Comments
Post a Comment