Ciidanka Qaranka Ee Xeebaha Galabeedka Oo Loo Xidhay Ilaalinta Amniga Doorashooyinka Iyo Tuhunada Ku Xeeran Geedi-Socodka Doorashada Ee Gobolka Awdal
Boorama, Somaliland, June 25, 2010 (Saxafi) –Wararka ka imanaya dhinaca xeebaha galbeedka ee gobolka Awdal, ayaa sheegaya in jiiddaasi laga dhigay soone milateri isla markaana doorashooyinka halkaasi ka dhacaya amnigiisa loo xilsaaray taliyaha ciidanka qaranka ee xeebaha galbeed Maxamed Xudhuun oo dhalasho ahaan ka soo jeeda gobolka Awdal.
Sida uu ku soo waramay weriyaha gobolada galbeedka ee wargeyska Saxafi, Maxamed Cumar Sheekh, tallaabadan ciidanka qaranka loogu xidhay ilaalinta doorashooyinka, ayaa waxay ka duwan tahay doorashooyinkii hore ee degaanadaasi ka dhacay oo la isku dari jiray ciidankaas iyo ciidanka Booliska, kuwaas oo laga soo diri jiray caasimadda Hargeysa haddii ay ku filaan waayaan ciidankan Booliska gobolka Awdal, waxana arrintani durba walaac ka dhex abuurtay bulshoweynta ku dhaqan degaanadaasi oo yaqaanna ama bartayba hab-dhaqanka ciidankaasi iyo sida uu mar walba daacadda ugu yahay amarada xukuumadda iyo madaxdeeda balse aanu wax xidhiidha ah la lahayn xisbiyada ku loolamaya doorashooyinka berri ka dhici doona dalka.
Ciidanka qaranka ee xeebta ayaa wakhtigii lagu jiray doorashooyinkii baarlamaanka Somaliland degaanka Lughaya ka dhigay aag u xidhan xukuumadda, isla markaana sanaadiiqdii doorashooyinka ee la dhigay degaanada Saylac iyo Lughaya uu ciidankaasi isku xeeray ilaa intii ay ka ka buuxsamayeen sanaadiiqdii codbixinta ee halkaa la dhigay.
Wararka ka imanaya degaanka Lughaya ayaa iyaguna sheegaya in raxan ka tirsan ciidamada qaranka ee xeebaha galbeedku degaanka Lughaya u sii galbiyeen xildhibaan Cabdi Gaagaale, oo isaga laga soo doortay xisbiga UDUB, ciidankaas oo sida la sheegeyo Cabdi Gaagaale ka caawinaya sidii wakhtiga doorashada degmadaasi looga soo saari lahaa wasiir ku-xigeenkii degaanka iyo miyiga Siciid Maxamed Bile ee isagu ku biiray xisbiga Kulmiye.
Si kastaba ha ahaatee ciidanka qaranka ee xeebaha ayaa horeba loogu yaqaannay inaanay wax naxariis ah u gelin shicibka wakhtigii ay xoolaha u iibgeysayeen, dalka Djibouti-na dad shicib ah ku laayey degaanka Saylac, iyagoo ka amar qaadanayey xukuumadda sare.
Comments
Post a Comment