C/Raxmaan Saylici Oo Socdaal Taageero Raadis Ah Ku Tegay Xeebaha Gobolka Awdal
Boorama, Somaliland, June 19, 2010 (Saxafi) – Musharraxa Mansabka Madaxweyne ku xigeenka xisbiga KULMIYE Eng: Cabdiraxmaan Saylici iyo xubno ka tirsan masuuliyiinta xisbigaaasi ayaa magaalada dib ugu soo laabtay ka dib markii ay socdaal ay dad ku soo kasbanayeen ku tageen degmooyinka Xeebaha ee galbeedka iyo badhtamaha gobolka Awdal
Safarkan uu musharaxaha Madaxweyne ku xigeenka Eng:Cabdiraxmaan Saylici ku tagay deegaanadaasi waxa ku wehelinayey guddoomiyaha ololaha xisbiga KULMIYE ee gobolkada Awdal iyo Selel, Cabdi Siciid Faahiye, waxaanay ujeedadiisu ahayd sidii ay dadka uga soo dhaadhicin lahaayeen in taageero la siiyo, isla markaana maalinta doorashada codkooda lagu taageero, waxaanay ka bilaabeen socodkooda degmooyinka ay ka mid ka yihiin Lughaya ,Garbodadar, Saylac, Cabdiqaadir , Jidhi, Ceelgaal, Lawyacaddo, Xariirad iyo tuulooyinka hoos yimaada magaalooyinkaasi .
Inj.C/raxmaan Saylci iyo Cabdi Siciid Faahiye ayaa Weriyaha Boorama ee gobolada galbeedka Maxamed Cumar wax ka waydiiyey socdaalkooda, waxaanay labadaas masuul sheegeen in socdaalkoodu ahaa mid taageero doon ah, isla markaana ay taageero badan kaga heleen gabi ahaanba dhulkaasi, cid kula tartami kartaana aanay jirin, maadaama dawladda iyo xisbiga UDUB dhulkaasi ay ugu dambaysay sideed sannadood ka hor, intii ka dambaysayna aanay warba u hayn nolosha dadka iyo duunyada ku nool dhulkaasi. iyadoo dhinaca kalena masuuliyiintaasi sheegeen in dadweynaha dhulkaasi ku nooli u muujiyeen sida ay ugu faraxsan yihiin socdaalada uu ku yimaaddo musharrax xisbigaasi ee Madaxweyne ku xigeenka iyo guddoomiyaha ololaha doorashooyinka Cabdi Siciid Faahiye oo iyaga laftoodu kasoo jeeda Deegaanada xeebaha Galbeed ee Gobolka Awdal sidaa darteedna uu balanqaadeen inay codkooda ku taageerayaan xisbiga kulmiye marka la gaadho 26ka Juun.
Comments
Post a Comment