Culimada Boorama Oo Dadweynaha Ugu Baaqay Inaanay Jirin Belaayo Guryahooda Ay Uga Cararaan
Boorama, Somaliland, June 26, 2010 (Saxafi) – Qaar ka mid culimada diinta ee Boorama, ayaa shalay khudbadii Salaadda jimce kaddib dadweynaha Boorama u soo jeediyey inay guryahooda ku ekaadaan oo aanay uga guurin cabsi ka dhalata maalmaha doorashooyinka lagu jiro.
Sida uu ku soo waramay weriyaha Saxafi ee Gobolada galbeedka Maxamed Cumar Sheekh, Culimada diinta ayaa sidoo kale waxay dadweynaha ku wacyigeliyeen inaanay jirin belaayo laga cararo, sidaa darteedna aanay saadaalin belaayo aan dhicin, isla markaana aanay la guurin kaadhkooda codbixinta oo ay codkooda dhiibtaan.
Culimadamn ayaa sidoo kale salaadii jimcaha masaajidyada Boorama dadweynaha uga jeedinayey wacdi la xidhiidha dhinaca nabadgelyada, iyo in la iska ilaaliyo xamaasadda siyaasadeed.
Wacdigan culimada diinta Boorama dadweynaha qaybo ka mid ah kaga joojinayeen guuritaankooda, ayaa la xidhiidha hadallo iyo dhaqdhaqaaqyo muujinaya sida looga walaacsan yahay waxa ka iman kara doorashooyinka Somaliland oo la isku khilaafo.
Sidooa kale ayaa wacdigan ka dambeeyey warar ka imanaya dhinaca Hargeysa oo qaar ka mid ah qoysaskii iyo xaasaskii saraakiisha iyo masuulyiinta xukuumadda Rayaale ee ka soo jeeda G/awdal maalmihii u dambeeyeyba lagaga soo daadgureynayey Hargeysa, iyagoo ka cabsi qaba rabshado ka dhasha, balse arrinta wacdigan keentay ayaa ku soo beegantay wakhti qaar ka mid ah dadweynaha Boorama ka guureen magaalada, una guureen dhinaca dalka deriska ah ee Itoobiya, kuwaas oo sida la sheegay ka cabsi qaba in rabshado ka dhashaan doorashooyinka.
Comments
Post a Comment