Daraasad Ay Hay’adda African 70 Samaysay Oo Lagu Sheegay In Loo Baahan Yahay $151 Milyan Oo Hargeysa Lagaga Saaro Biyo-Yaraanta
Hargeysa, Somaliland, June 22, 2010 (Saxafi) Sida lagu sheegay daraasad ay samaysay hay’adda Talyaaniga ah ee African 70, isla markaana nuqul ka mid ahi gaadhay hay’adaha ku shaqada leh ee Somaliland ugu yaraan 151 milyan oo dollar ayaa loo baahan yahay in lagu maalgeliyo ceelal la qodayo, dayactir lagu samaynayo ceelasha Geed-Deeble iyo Biyo xidheen laga samaynayo meesha la yidhaahdo Butuji oo dhawr iyo soddon kilo mitir dhinaca waqooyi-galbeed kaga beegan magaalada Hargeysa.
Ilaa hadda ma jirto cid sheegtay inay dhaqaalaha intaasi le’eg gelinayso mashruuca lagu horumariyo biyo soo saarka Hargeysa.
Xukuumadda Somaliland ayaa la sheegay inay hore arrintani ugu bandhigtay dawladda Shiinaha oo sannadihii 1980-maadkii dhistay biyo-soo-saarka Hargeysa, hase yeeshee waxa ay warar xog-ogaal ah oo Saxafi heshay sheegeen in aanay jawaab togan oo ah inay mashruucaasi maalgeliso ka helin.
Inta badan hay’adaha ku sugan Somaliland ayaan iyaguna u haynin dhaqaale intaasi le’eg oo ay ku maalgeliyaan, sababta oo ah inta badan way yar yihiin mashaariicda horumarineed ee ay fuliyaan, intooda badanina ma dhaafsana mashaariicda gargaarka aadminimada.
Marka intaasi laga yimaado ayaa waxa ay wararku sheegeen in xukuumadda Somaliland lagula taliyay inay beesha ganacsatada Somaliland u bandhigto si ay u maalgashadaan, isla markaana ay noqoto waxa la yidhaahdo hantida ay dadweynaha iyo dawladdu wada leeyihiin.
Inkasta oo daraasadani la sameeyay sannadihii ina dhaafay, haddana xukuumadda Somaliland ayaan halkeedii ka soo qaadin, waxaase la sheegay inay ganacsatada Somaliland qaarkood la soo hadal qaaday.
Sida ku cad warbixinaha caalamiga ah iyo xogaha dawladda SOmalilandba dadweynaha ku dhaqan caasimadda Hargeysa waxa ay helaan in ka yar 14 litir qofkiiba maalintii, taasi oo la odhan karo, waxay ka sii hoosaysaa heerka ugu hooseeya qaaradda Afrika oo ah in qofkiiba maalintii helo ugu yaraan 33 litir oo biyo ah qofkiiba maalintii, halka ay wadanka ugu sareeya adduunyada Maraykanka ay tahay inuu qofkiba maalintii helo 200 oo litir oo biyo ah.
Iyada oo ay arrintani jirto, isla markaana lagu jiro xilligii ololaha doorashada ee ay hogaamiyayaasha siyaasadu wax badan balan qaadaan ha fuliyaan ama yaanay fulinin’e ayaanay gebi ahaanba soo gelin saaxadda ololaha, iyada oo ay dadka qaarkood ku macneeyeen, dadweynaha caasimadda Hargeysa oo la jahawareersan baahiyaha tirade badan ee is-dul yaalaa inay ilawsiiyeen inay hogaamiyayaasha tartamaya la soo qaadan, iyada oo dhinaca xukuumadda aan laga jeclayn in arrintaasi la soo qaado, mucaaradkuna inay soo ogaadaan iska daay’e, malaha ay ka baqdeen sida xukuumadda oo ay is-yidhaahdeen haddii aad balan qaadaan oo aad guulaystaan armaa beri la idiin qabsadaa.
Haddaba, iyada oo ay berito tahay maalintii ugu dambaysay ee ololaha doorashada Somaliland waxa la filayaa inay dadweynaha reer Hargeysa la soo qaadi doonaan hogaamiyayaashooda waxa ay ka yeelayaan biyo yaraanta ay wehelka la yihiin.
Comments
Post a Comment