Dhaliilaha Ka Soo Baxay Muraaqibiinta Xisbiyadu U Soo Xuleen Inay Wakiil Uga Noqdaan Goobaha Codbixinta

Hargeysa, Somaliland, June 19, 2010 (Saxafi) – muraaqibiintii xisbiyada Qaranka ayaa dhawrkii cisho ee ugu dambeeyey tababar hawlahooda khuseeyey uga socday hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa.
Dadka Goobjoogayaasha uga noqonaya saddexda xisbi ee la doonayo inay markhaati ka noqdaan maalinta doorashadu dhici doonto ee 26 ka bisha June, isla markaana wakiil uga noqonaya xisbiyada ayaa soo xushay dad u badan dadkii suuqa, kuwaas oo aan qaadi karin masuuliyada balaadhan ee loo wakiishay.
Xisbiyada qaranku dadkan ay soo xusheen ayaa u muuqday dad xiitaa diyaar u ahayn casharada la siinayo, iyagoo aan dhagba u dhigayn wax la barayo, balse rabay kaliya inay ku sugaan waxogaaga yar ee la siinayo, taas oo aan fahmin waxyaabaha ay u yimaadeen ee ay hawshoodu tahay, iyadoo meesha lagu barayey waxyaabaha waajibkooda ah iyo waxyaalaha aan waajibkooda ahayn.
Dhalinyaradan wakiilada u noqon doona xisbiyada ayaa dhibsanayey casharada la siinayo, kuwaas oo qaarkood kor ugu dhawaaqayey miyeyna wakhtigii nusasaaca gaadhin iyo soo gebogebee, halka qaarkood shaadhadhka badhamaan furan ku yimaadee oo u muuqday dad aan edaab lahayn, mararka qaarkoodna waxa meesha ka dhacayey khilaaf iyo buuq kaas oo hakad galinayey hawl- socodkii barnaamijka
“ Runtii dadka meesha la iskugu keenay waa dad aan aqoon badan lahayn, waa dad suuqa laga keenay xiitaa aan fahan sanayn waxa meesha loo yimid, qaababka ay u hadlayeen iyo dib jirnimada ka muuqda ayaa ahaa mid wajiyadooda laga dheehan karayey, markaa waxaan odhan lahaa sida Komishanka oo kale waxay ahayd in dad nadiif ah oo jaamacadaha laga soo xulay ay keensadaan xisbiyadu,” sidaa waxa yidhi mid ka mid ah dadkii tobabarku u socday ee wakiilka ka ahaa xisbiyada.
“In ka badan toban jeer ayey hawshu u istaagtay khilaaf soo kala dhexgalay muraaqibiinta iyo dadka casharada bixinayey, waxa mararka qaarkood dhacayey in qof magac aanu lahayn ku xaadiro, markii uu qofkii lahaa yimaadana loo sheego in magacaa qof ku xaadiray taas oo buuq dhalinayey marka muddo la joogaba hadana qof yara habsaamay ayaa yimaada isago magaciisa qof kale ku xaadiray, waxaanu ku dhamaysanay buuq iyo sawaxan kolba imanayey marka dadkan xisbiyadu ay soo xusheen maaha dad ka bixi kara hawshan miisaanka ah, waa dad xiitaa si dhib yar loo iibsan karo oo u muuqda dad ehlu mirqaan ah oo waxba war ka hayn ” sidaas waxa yidhi mid ka mid ah muraaqibiinta oo aan jeclayn in magaciisa la shaaciyo.
Sidoo kale waxa iyaduna meesha ka dhacday waxyaalo la yaab leh oo in badan oo ka mid ah dadkii meesha joogay ka yaabiyey, waxayna qisadani ku dhacday laba ruux oo isku abti ah oo ka mid noqday dadkii isku qabsaday dadka ka qaybgalaya muraaqibiinta xisbiyada, ka dib markii uu habsaamay ninkii liiska ku qornaa, ka dibna uu ku xaadiray wiilkii abtiga loo ahaa, markii uu ninkii magaca lahaa yimidna uu buuq iyo sawaxan ka dhashay taas oo dadkii madasha joogay ay ku soo ururaan “ qisooyin badan ayaa ka dhacay meesha, waxaan la yaabay markii ay inan iyo abtigii isku qabsadeen magac, inankii abtiga loo ahaa ayaa ka soo horeeyey kii weyna, markii uu magaca ku xaadiray ayuu kii weynaa yimid, markii loo sheegay in magaciisa lagu xaadiray ayuu si weyn u xanaaqay, markii dambe waxa uu arkay qofka ku xaadiray inuu yahay wiilkii uu abtiga u ahaa, markaas ayey kala naxeen oo uu kii weynaa ku yidhi kii yara orod oo tag, anaga inoo soo qaadaya inta la bixinayee” sidaa waxa yidhi mid ka mid ah ka qaybgalayaasha tobabarka oo magaciisa ka gaabsaday.
Arrintan kolba muranku ka dhalanayey waxa keenay dad badan oo iska yimid oo aan liiska ku jirin, taas oo markii magacyada la xaadiriyey qofkii lahaa magaca haddii aanu joogin ku xaadiriyey.
Si kastaba ahaatee, dadkan xisbiyadu soo xusheen ayaa ahaa dad aan u qalmin inay muraaqibiin noqdaan, kuwaas oo badan koodu masuuliyadan qaadi karin marka loo eego dhalinyarada uu Komishanku qaatay oo u badnaa ardayda jaamacadaha oo ah dad nadiif ah, dadkaas oo lagu aamini karin hawsha loo igmaday.

Comments