Dil-dilaaca Maamulka Rayaale Iyo Xisbiga UDUB
Wasiirkii Labaad Ee Muddo Laba Toddobaad Gudahood Ah Iska Casila Xilkii Uu Ka Hayey Xukuumadda Riyaale
Guddoomihii Degmada Bali-Cabane Oo Xilkii Iska Casley Xilli Madaxweyne Rayaale Socdaal Ku Marayo Degaankaas
Boorama, Somaliland, June 19, 2010 (Saxafi) - Wasiir ku Xigeenka wasaaradda Miyiga iyo Deegaanka Siciid Maxamed Bile ayaa xilkii uu dawladda uga hayey wasaaradaasi iska casilay, isla markaana ku biiray xisbiga Kulmiye ee mucaaradka ah.
Sida uu ku soo waramayo wereyaha gobolada Galbeedka ee Saxafi Maxamed Cumar Sheekh ayaa sheegaya in xaflad balaadhan oo loogu sameeyey magaalada Boorama uu xilkii iskaga casilay wasiir ku xigeenka Deegaanka iyo miyiga Siciid Maxamed Bile, waxaana xafladaas ka soo qaybgalay musharaxa mansabka Madaxweyne ku xigeenka xisbiga KULMIYE Eng: Cabdiraxmaan Saylici, Masuuliyiinta sar sare ee xisbigaasi ee Heer Qaran iyo Heer gobol, Xildhibaano, Cuqaal iyo waxgarad kale , ayaa wasiir ku xigeenkaasi uu si rasmi ah ugaga dhawaaqay inuu xilkii uu dawladda iyo wasaaraddaasi ka hayey uu iska casilay, isla markaana ku biiray xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE.
Wasiir ku xigeenka wasaarada Deegaanka iyo Miyiga Siciid Maxamed Bile oo arrintaas iscasiilada ka hadlayey waxa uu yidhi “ waxaan maanta (shalay) idiin sheegayaa inaan xilkii iska casilay masuuliyadii dawladda ee ahayd wasiirku xigeenka wasaaradda Miyiga aan iska casilay kadib markii aan ogaaday inaanay jirin maamul dawladeed oo hagaagsan , Xukuumadda maantuna tahay mid wakhtigeedii dhammaaday, sidaa darteedna waxa taageeradayda ku biirin doonaa xisbig mucaaradka ee Kulmiye oo aan u arko inuu yahay xisbiga keliya ee dalkan ka saari kara marxaladdan lagu jiro .
Waxa halkan ila jooga Cuqaashii iyo waxgaradkii beesha oo talo ahaan igu raacay iyaguna inay ila taageeri doonaan xisbiga aan ku biiray .In badan ayaa la igula taliyey arrinta iscasilaadda , balse aan ka dhego adaygay, anigo is lahaa waxbaa isbedeli doona , hase yeeshee waxa kasii dhaca Mooye waxba uma soo kordhaan”
Musharaxa mansabka Madaxweyne ku xigeenka xisbiga KULMIYE Eng: Cabdiraxmaan Saylici oo isna halkaas ka hadlay ayaa iscasilaadda Siciid Maxamed Bile soo dhaweeyey, isla markaana uga mahad celiyey taageerada u xisbiga KULMIYE u ballanqaaday
Iscasilaadan Siciid Maxamed Bile ayaa ah dhirbaaxooyinka dhinaca siyaasadda ee waayadan dambe ku dhacayey xisbul xaakimka UDUB, iyadoo iscasilaaddiisu ay laba maalmood uun ka dambaysay markii xilka xisbigaasi uu iska casilay guddoomiyaha degmada Lug-haya Baxsane Aaye iyo xoghayihii degmadaasi Cabdi Jaamac.
Siciid Maxamed Bile, ayaa sidoo kale noqonaya masuulkii labaad ee Gobolka Awdal oo xukuumadda ka tirsan oo xilkii uu u hayey iska casilay, waxaana ka horeeyey oo isna xilkii uu u hayey xukuumadda iska casilay Aadan Jaamac Hoorri, oo ahaa wasiir ku xigeenkii hore ee wasaarada Hawlaha guud iyo guriyeynta, kaas oo lagu bedelay Siciid Maxamed Bile oo ay ka soo wada jeedaan deegaanka Lughaya.
Dhinaca kale guddoomiyihii degmada Balli-Cabane Sulub Maxamuud Xarbi ayaa shaaca ka qaadey inuu iska casiley xilkii Guddoomiyenimo ee uu ka hayey degmadaas xilli uu Madaxweyne Riyaale iyo wefti uu horkacayaa ay socdaal taageero raadis ah ku mareen degaanadaas maalintii shalay.
Sulub Maxamuud Xarbi oo shalay shir jaarid ku qabtey magaalada Hargeysa ayaa caddeeyey inuu xilkii guddoomiyanimo uu si rasmiya iskaga casiley waxaanu sheegay in dadweynaha deegaankii uu xukumayey ay waayeen ballanqaadyadii xukuumaddu u sammeysay, sidaas darteedna uu ugu baaqayo taageerayaashiisa in ay kulan iskugu yimaadan xarunta Balli-Cabane maanta, halkaas oo uu ku caddeyn doono mawqifka taageerayaashiisa iyo kiisa gaarka ahba.
Guddoomiyaha is casiley oo ka hadlay sababaha is casilaadiisa, ayaa yidhi: “Sababaha aan isku casiley waxaa ka mid ah markii aan arkay inuu maayarkii cidlo yaalo ayaan go’aan gaadhay inaan iska casilo oo aanan cidlo ku dhicin iyo sababo kaleba, waxaanan ku faahfaahin doonaa xafladda berito (maanta).”
Mar la weydiiyay inay is-casilaadiisani wax saameyn ah ku yeelan karto maadaama ay ku soo beegantay xilli uu Madaxweyne Riyaale safar ku marayo degaanka uu maamuli jiray, ayaa waxa uu Sulub ku jawaabay “Dabcan way ku leedahay wax badan ayaa ka hor imanaya oo dhibaato ku keenaysa, ballan-qaadkii uu hore u ballan-qaadeyna muu fulin, toddoba sanadood oo ballan-qaadaanu ku jirnay, toddobo sanno oo balanqaadyo kale ah kuma jireyno,” ayuu yidhi Sulub Maxamuud Xarbi.
Guddoomiyaha Balli-Cabane ee shalay is-casiley ayaa noqonaya guddoomiyihii saddexaad ee iska casiley xilkii gudoomiyenimo ee ay ka hayeen saddex degmo oo dhammaantood ku yaalla koonfur-galbeed ee gobolka Hargeysa muddadii uu socday ololaha doorashada Madaxtooyada, kuwaas oo dhammaantood sheegay inay waxba ka fuli waayeen balanqaadyadii ay xukuumadda iyo xisbigeeda UDUB degaanadooda u ballanqaadeen ololayaashii doorashadii Madaxtooyada ee 2003-dii.
Sidoo kale tan iyo intii uu bilaabmay ololaha doorashada ayaa waxaa muuqday hoos-u-dhaca taageerada xisbiga xukuumadda ee UDUB, iyadoo ay si weyn u muuqatay inay taageerayaasha labada xisbi ee mucaaridku ka xoog badan yihiin kuwo xisbiga talada haya ee UDUB, waxaanay taasi keentay inay soo baxaan warar iyagu sheegaya in madaxweyne Riyaale ku talo jiro in uu ka hadho tartanka ololaha doorashada madaxweyne-nimada. Balse labadii maalmood ee u dambeeyay ee uu xisbiga UDUB u lahaa kaltanka ololaha doorashada ayaa waxaa laga dareemay xawaaraha ololaha xisbiga UDUB isbedel, kadib markii ay labada musharaxa ee xisbigaasi socdaalo taageero raadis ah ka bilaabeen afarta gobol ee galbeedka dalka.
Xogaha la xidhiidha warka sheegay inuu Madaxweyen Rayaale ku talo-jiro inuu ka hadho tartanka ayaa sheegay inay arrintani ku dhalatay madaxweyne Rayaale markii safar taageero-raadis ku tegay gobolka Sanaag, halkaas oo inkastoo si weyn loogu soo dhaweeyay, hadana wararku waxay sheegeen inay dadweynaha degaanadaasi ay si cad Madaxweynaha ugu sheegeen inaanay doorashadan diyaar u ahayn inay codkooda mar kale siiyaan xisbiga UDUB, maadaama aanay waxba ka hayn ballanqaadyo is-barkaday oo uu Madaxweyne Riyaale u sameeyay dadka degaanadaas ku dhaqan ololihii doorashadii uu kursiga ku fuulay 2003.
Sidoo kale, waxaa maalmihii u dambeeyay ee ololaha doorashada si weyn u muuqatay in uu is-dhimay xawaarahoodii ama ay saaxadda ololaha siyaasaddaba ka baxeen wasiiradii ugu dhowdhowaa Madaxweyne Riyaale, gaar ahaan wasiirada Maaliyadda Cawil Cali Ducaale iyo Hawlaha Guud Siciid Sulub, waxaana arrintaas lagu macneeyay guul-darooyin ay kala kulmeen degaanada ay dhalasho ahaan ka soo jeedaan oo doorashooyinkii hore Madaxweyne Riyaale taageero xoog badan ka helay, balse wakhtigan ay waxgaradka iyo siyaasiyiinta degaanadaasi u caddeeyeen xisbiga talada haya inaanay hadda diyaar u ahayn inay taageeraan xisbiga UDUB, bedelkeedana ay taageerada siinayaan xisbiyada mucaaridka ah.
Guud ahaan marka laysku soo xoriyo arrimahan iyo is-casilaadaha xubnaha golaha wasiirada iyo maamulada degmooyinka iyo gobolada dalka, iyo weliba masuuliyiinta xisbiga UDUB ee heer qaran iyo heer gobolba leh, ayaa waxaa muuqata dil-dilaac soo waajahay xukuumadda Rayaale iyo xisbigeeda UDUB, xilli maalmo yari ka hadheen maalinta ay dadweynaha reer Somaliland u dareerayaan inay codkooda ku kala doortaan murashaxiinta saddexda xisbi oo tan iyo bilowgii bishan ololayaal ballaadhan ka waday gobolada iyo degmooyinka, iyadoo aanu qarsoonayn dareenka isbedel doonka ah ee ay bulshada reer Somaliland inteeda badani ku hadaaqayaan.
Comments
Post a Comment