Dufcadii Ugu Horeysay Ee Goobjoogayaasha Doorashooyinka Madaxtinimada Somaliland Oo Dalka Soo Gaadhay Iyo Dawladaha Ay Ka Socdaan


Hargeysa, Somaliland, June 19, 2010 (Saxafi) – Dufcadii ugu horeysay ee goob-joogayaasha caalamiga ah ee ka markhaati furaya in doorashooyinka madaxtinimada Somaliland ay xor iyo xalaal u qabsoomaan, ayaa todobaadkan dalka soo gaadhay.
Sida ay Saxafi u sheegeen ilo xog-ogaal ah oo u dhuun-daloola Komishanka Doorashooyinka Qaranka waxa la filayaa inay dalka yimaadaan ilaa 72 goob jooge oo ka kala socda wadamo ay ka mid yihiin France, Maraykanka, Norway, Sweden, Germany, UK iyo bariga Yurub, Koonfur Afrika.
Sida uu Saxafi u xaqiijiyay sarkaal ka tirsan Komishanka oo codsaday in aan magaciisa la sheegin waxa hadda dalka soo gaadhay saddex xubnood oo ka socda dalka UK, kuwaasi oo u gogol xaadhaya goob-joogayaasha kale ee dalka imanaya.
Inta badan goob joogayaashani waxa la filayaa inay dalka soo gaadhi doonaan wixii ka dambeeyay 20-ka bisha June, ama lix maalmood ka hor xilliga doorashada.
Sida uu wargeyska Saxafi ku helay warar xog-ogaal ah dhawr dawladood ayaa iyagu xubno goob joogayaal ah u soo diri doona, kuwaasi oo ka mid noqon doona 72-ka goob jooge, halka ay goob joogayaasha kalena noqon doonaan kuwo ka socda hay’addo kala duwan oo ay maalgeliyaan dawladaha u dhashay.
Maaha markii ugu horeysay ee ay goob-joogayaal ka soo qayb galaan doorashooyinka Somaliland, hase yeeshee tan iyo intii ka dambaysay sannadkii 2001 aftidi dastuurka mar kasta oo ay doorashooyinka ka qabsoomayaan Somaliland waxa yimaada goob joogayaal caalami ah oo ka markhaati kaca qaabka ay u qabsoomeen doorashooyinka Somaliland.
Hase yeeshee, waxa doorashada sannadkani ay kaga duwan yihiin kuwii ka horeeyay waxa markii ugu horeysay ay dadweynaha reer Somaliland ku codayn doonaan kaadhadh diiwaan gashan, inkasta oo ay jiraan waraaqo la siiyay dad aan kaadhadhka haysan ama la waayay kaadhadhkoodii, kuwaasi oo ay dad badani wer-wer ka qabaan inay noqdaan fursad loo adeegsado musuq-maasuq.
Laakiin Komishanka Doorashooyinka Qaranka ayaa la filayaa marka ay maanta ku dhawaaqaan liiska rasmiga ah ee codbixiyayaasha, isla markaana kala cadeeyaan tirada guud ku codayn doonta waraaqahaasi iyo qaabka loo aqoonsan doono iyo weliba xadiga ay leeyihiin. Taasi oo la filayo inay faah-faahin cad ka bixin doonaan qaabka ay dadweynuhu ugu codayn doonaan waraaqahaasi iyo weliba sida looga hortegi karo in aan musuq-maasuq lagu samaynin.

Comments