Goob-Joogayaasha Caalamiga Ah Oo Doorashadii Somaliland Ku Tilmaamay Mid Xor Ah Oo Xalaal Ah

Hargeysa, Somaliland, June 29, 2010 (Saxafi) - Goob joogayaashii caalamiga ah ee ka qayb galayay doorashada madaxtinimada Somaliland ayaa ku tilmaamay mid si xor ah oo xalaal ah wadanka Somaliland uga qabsoontay, isla markaana ay dadku codkooda si nabad ah u dhiibteen.
Waxa ay intaas ku dareen inay jireen cabashooyin jiray oo ay ka mid yihiin hantida qaranka oo loo adeegsaday ololaha xilligii olaha iyo weliba carruur aan qaan-gaadh ahayn oo ka qayb gashay doorashada.
Goob joogayaashan oo shir jaraa’id ku qabtay huteel maansoor ee magaalada Hargeysa ayaa cadeeyay in doorashadii ka qabsoontay Somaliland ay ahayd mid aan dalal badan oo dunida laga aqoonsan yahay ka dhicin, isla markaana waxa ay shacabka reer Somaliland ku hambalyeeyeen sida fiican ee ay uga qayb galeen doorashadaas.
Ilaaliyaashan caalamiga ah oo isugu jiray kuwo dunida inteeda kale ah iyo kuwo reer Somaliland ah ayaa waxa ka wakiil ahayd hay’ada Progressio, waxaanay badankoodu isku raaceen in doorashadaasi ay si xor iyo xalaal ah u dhacday iyaga oo amaanta ugu badana dusha uga tuuray komishanka doorashooyinka hawsha balaadhan ee ay dhabarka u riteen, waxaanay intaas ku dareen in xisbiyada laftoodu ay muujiyeen karti iyo dedaal amaanteedana way leeyihiinbay yidhaahdeen.
Waxa kale oo ay guddidan ay sheegeen in ay jiraan caruur aad u yaryar kuwaas oo ay goob-joogayaashu ku soo arkeen goobo ka tirsan gobolka Awdal oo ay codbixintu ka socotay codkoodana ka dhiibanayay.
Kormeerayaashan caalamiga  ah ayaa ka dhawaajiyay isla markaana talo ahaan ugu soo jeediyay komishanka doorashooyinka iyo guddida anshaxa  in ay ka soo warbixiyaan isticmaalka gaadiidka ay ummaddu wada leedahay, shaqaalaha dawlada oo ololaha doorashada ka qayb galeen iyo in ay saxaafada dawliga ahi ay u adeegtay dhinac keli ah, waxa kale oo la sheegayaa in warbaahinta madaxa banaani ay iyada lafteedu dhinac ujanjeedho.
Si kastaba ha ahaatee doorashadii madaxtooyada Somaliland ee dhawaan dalka ka qabsoontay ayaa ila hada natiiyadeedii loo dhegtaagayaa, waxaana lagu wadaa in maalmaha soo socda ay komishanka doorashooyinku ku dhawaaqi doonaan.
War-saxaafadeed ay kooxdan goobjoogayaasha ahi u qaybiyeen warbaahinta ayaa waxa uu u qornaa sidan:
“Hay’adda Progressio, Unuga horumarinta iyo Qorshaynta ee Kuliyada Jaamacadda London (The Development Unit of the university college of London), Iyo ururka Somaliland Focus waxay hambalyo balaadhan u dirayaan dadwaynaha reer Somaliland iyo komishanka qaranka, taas oo ku wajahan doorashadii sida nabadgelyada ku dhacday ee dalka ka qabsoontay maalintii sabtidii.
Saddexda hay’adood ee kor ku xusan waxa ku marti qaaday komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland bishii January sanadkii 2009 inay xidhiidhiyaan hawsha goob-joogayaasha caalamiga ah ee doorashada madaxtooyada Somaliland ee 2010. Maalintii doorashada 59 xubnood oo ah goob-joogayaal caalami ah ayaa booqday goobaha codbixinta ee 6 da gobol, iyagoo la shaqaynaya 19 xubnood oo kale oo ka socday hay’ad fadhigeedu yahay Wadanka Maraykanka oo la yidhaahdo International Republican Institute(IRI).
Weftigan goob-joogayaasha caalamiga ahi waxay si wayn ugu faraxsan yihiin ulana dhacsan yihiin inay arkeen wanaaga badan ee ka muuqday doorashada Somaliland. Waxaana hambalyo gaara mudan horumarada laga sameeyay khaladaad hore oo jiray. Maalintii codbixinta waxaa dadwaynaha Somaliland ka muuqday rayn-rayn iyo farxad badan, kuwaas oo u badnaa dumar. Waxa kale oo jiray isu soo bax balaadhan oo doorashada lagaga qayb galay, wallow ay jireen hanjabaadaha kooxaha islaamiyiinta ah inay khalkhal galiyaan doorashada, taas oo noqotay waxba kama jiraan. Guud ahaan se, doorashada Somaliland waxay u muuqataa mid buuxisay shuruudaha “DOORASHO XOR IYO XALAAL AH” oo ku wajahan doonista dadka Somaliland.
Mahad-gaar ah waxa iska leh gudiga doorashada Somaliland. Kartida iyo xilkasnimada shaqaalah komishanka, gaar ahaan kuwa ku sugnaa goobaha cod bixinta jiidaha hore, ayaa ahaa wax aad loogu farxo, wakhtigu haba ku yaraadee, hawshuna ha ku cuslaatee.
Xaqiiqdii waxa jira waxyaabo badan oo wanaag ah. Hase ahaatee waftigani waxa uu qabaa waxoogaa wer-wer ah, taas oo aanu doonayno inay komishanka qaranku si fiican fiiro  gooni ah ugu yeeshaan. Cabashooyinkaasna waxa kamid ah, si aan sharci ahayn in loo isticmaalay hantida qaranka, sida gaadiidka, olole firfircoon oo ay ka qayb qaateen shaqaalaha dawladu iyo saxaafada dawliga ahi wakhtigii ololaha. Iyo cadaalad daro ay tirsanayaan saxaafada xorta ah, inkastoo ay tahay in carabka lagu adkeeyo in tabinta saxaafadu guud ahaan inay isku sinayd.
Hadaba walaacyada gaarka ah ee aanu qabnaa waa dhacdooyin ka dhacay gobolada Sool iyo Sanaag bari. Goobahaas qaar kamid ah codbixiyayaasha oo aan rabin ionay ka qayb qaataan doorashada. Usoo baxa doorashaduna wuu hooseeyay goobahaas. Waxana la soo sheegay goobo la carqaladeeya sanduuqyada codbixinta, ha ugu naxdin badnaato dhimashada hal ruux oo ah shaqaalihii komishanka ee Sool. Hase ahaatee hawlwadeenada komishanku waxay qabteen hawl fiican  goboladaas iyo gobolada kaleba.
Meelaha kale ee walacu uu ka jiro ee aanu rabno inay fiiro gaara siiso Komishanku waa dagmada BORAMA. Dagmada Borama, goob-joogayaasha Caalamiga ahi waxay arkeen caruur codaynaysa iyo kaadhadhka codbixinta ah oo si qaawan loogu qaybinayay dadka, oo ay qaybinayeen dad aan sharci u lahayn. Hase ahaatee, goob-joogayaasha caalamiga ahi waxay arkeen shaqaalaha komishanka oo talaabooyin adag ka qaadayaa dhacdooyinka noocan oo kale ah, sidaa daraadeedna ay soo jeediyeen inaanay saamayn ku yeelanayn natiijada doorashada. Si kastaba ha ahaatee waa arin u baahan in fiiro gaara laga yeesho.
Gabo-gabadii waftigani waxa uu rajaynayaa natiijo dagdag ah oo cad oo ay ku wada qancaan saddexda xisbi qaran. Anagoo og cabashooyinka kor ku xusan, waxaanu kalsoonidayada ku qeexaynaa in nidaamka doorashada Somaliland uu hor seeday “doorasho xor iyo xalaal ah”

Comments