Guddida Doorashooyinka Oo Sheegay Inay Todobaad Gudihii Doorashada Kadib Ku Dhawaaqi Doonaan Natiijadda
Axmed Siillaanyo Iyo Daahir Riyaale Ma Ku Qanci Doonaan Natiijada Doorashada, Maxayse Ka Yidhaahdeen?
“Waxaanu Rajaynaynaa Inay Doorashadani Meeqaam Wanaagsan Gaadhsiin Karto Sumcadda Somaliland, Una Horseedi Karto Inay Aqoonsi Hesho” Goob-Joogayaasha Caalamiga Ah
Shukri Xaaji Bandare Maxay Ka Tidhi Waxyaabaha Ay Ku Kala Duwan Yihiin Komishankan iyo Komishankii Ay Ka Midka Ahayd?
Hargeysa, Somaliland, June 25, 2010 (Saxafi) – Gudoomiyaha Guddida Doorashooyinka Qaranka Somaliland, Ciise Maxamed Yuusuf (Xamari) ayaa sheegay in ay guddi ahaan in ka yar todoba maalmood ku dhawaaqi doonaan natiijadda doorashada 26-ka June Insha Allah ay dadweynaha reer Somaliland codkooda ku kala dooran doonaan musharaxiinta ay saddexda xisbi soo sharaxdeen.
Gudoomiyuhu wuxuu sidaa ku sheegay waraysi khaas ah oo uu shalay siiyay Wargeyska Saxafi, waxaanu ugu horeyn isaga oo ka waramaya arrintaasi yidhi. “Waxa aanu natiijadda ku dhawaaqi doonaa todobaad ka dib xilliga doorashada, waxaananu kaga wada dhawaaqi doonaa meel keli ah”
Gudoomiyuhu waxa uu waraysigan khaaska ah kaga hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin goobo cusub oo lagu kordhiyay goobihii hore ee codbixinta, dad aan iyaguna kaadhadh haysanin laakiin awood u leh inay codeeyaan, kaadhadh la sheegay in Awdal xukuumadda lagu wareejiyay, goobo rabshado ka dhaceen xilligii diiwaan gelinta iyo waxa ay ka yeelayaan, diiwaan gelinta hantida musharaxiinta, kalsoonida lagu qabo komishan ahaan, iyo weliba goob joogayaasha caalamiga ah ee dalka yimid, ugu horeyna isaga oo GUdoomiye Xamari ka hadlaya tirada shaqaalaha waxa uu yidhi.
Goobaha cusub ee la kordhiyay iyo tirade shaqaalaha
“Waxa ka hawlgeli doonaa ilaa 15,000 oo hawl-wadeeno, kuwaasi oo iskugu jira, hawl-wadeenada Komishanka iyo wakiiladda xisbiyadda ee goobaha doorashada, oo tiradoodu tahay ilaa 1783 goobood oo ku kala filiqsan 21-ka degmo ee uu dalku ka kooban yahay” “Ugu yaraan ilaa 700 oo goobood oo ayaa lagu kordhiyay goobihii hore ee doorashooyinka dalka”
Dad aan kaadhadh haysanin balse waraaqo ku codaynaya
Gudoomiyaha Komishanka waxa kale oo la weydiiyay dad ka mid ah liiska codbixiyayaasha ee Komishanku soo saaray oo iyagu aan kaadhadh haysanin, balse waraaqo ay ku codayn karaan la siiyay, waxaanu isaga oo arrintaasi ka waramaya yidhi. “Waxa jira dad badan oo la siiyay waraaqo la aqoonsan yahay oo lagu codayn karo, kuwaasi oo ah kuwii aanu hubinay, ee aan kaadhadhka loo samaynin, markii dambena aanu ka helnay inay ku qoran yihiin buugaagtii goobaha ay kaadhadhkooda sitaan, sidaasi darteedna waxa ay tiradoodu dadkaasi noqonaysaa ilaa 7000 oo qof, laakiin way jireen dad badan oo kaadhadh haystay, balse aanu ka weynay goobtii magacyadooda, kuwaasina ma codaynayaan”
Goobihii ammaan xummaddu ka dhacday
Waxa jirtay xilligii diiwaan gelinta goobo ka tirsan gobolada bariga Somaliland, isla markaana ay ka dhaceen shaqaaqooyin xilligii diiwaan gelinta, balse Gudoomiyaha Komishanku isaga oo Saxafi uga waramaya waxa uu yidhi. “Waxa jiray goobo ka tirsan gobolka Sanaag oo la dhigay meelo aan ahayn meelihii markii hore lagu diiwaan geliyay, dadkiina ay iskaga diiwaan geliyeen meelo aan meelihii ahayn, ka dib markii ay waxoogay ammaan xumo ahi ka dhacday meelahaasi, sidaasi darteedna markii kaadh bedelka waxa aanu geynay meelihii markii hore loogu talo galay, dabadeedna waxa aanu ku soo celinay meelihii kale ee sida ku meel gaadhka ah loo dhigay oo ay dadku kaadhadhkooda ku bedesheen, sababta oo ah dhammaan goobahani hadda waxa gacanta ku haysa Somaliland, waxaananu ku hawlanahay in meelahaasi marka hore la dhigo meelihii loogu talo galay ka dibna dib loogu soo celiyo meelihii kale ee la dhigay”
Kaadhadh la sheegay in xukuumadda lagu wareejiyay Awdal
Waxa jiray warar sheegayay in kaadhadh kuwa codbixinta lagu gelayo ah lagu wareejiyay xukuumadda gobolka Awdal, hase yeeshee isaga oo ka hadlaya Gudoomiyuhu waxa uu yidhi. “Ma hayno annagu kaadhadh lagu wareejiyay xukuumadda, sidoo kale waxa aan ku arkayay jaraa’idka in komishanka gobolka laga dhigay xafiiska badhasaabka, balse ma jirto wax ay komishanka gobolku noo soo sheegeen oo aanu ognahay”. Waxaanu Gudoomiyuhu intaasi ku daray oo uu yidhi. “Shaqaalihii Komishanka ee ka shaqayn lahaa gobolada Awdal iyo Togdheer waxa aanu u soo bedelnay Hargeysa, halka aanu kuwii Hargeysa-na u kala dirnay gobolada Togdheer iyo Awdal. Goob walba waxa ka hawlgelaya saddex askari, waxaana guud ahaan nala hawlgeli doona ilaa 5400 oo askari oo aanay ku jirin saraakiishoodu”
Diiwaan gelinta hantida musharaxiinta
Gudoomiyaha oo la weydiiyay inay hantida musharaxiinta diiwaan geliyeen iyo inkale waxa uu ku jawaabay “Annagu hanta kamaanaan diiwaan gelin, laakiin Maxkamadda Sare ayaa awood u leh inay ka diiwaan geliso, hase yeeshee Maxkamadda ayay ka soo diiwaan geliyeen, waxaanay noo soo gudbiyeen nuqulo ka mid ah”
Komishanka iyo goob joogayaasha caalamiga ah
Gudoomiyaha Komishanku waxa kale oo uu ka waramay goob-joogayaasha caalamiga ah ee ka soo qayb galay doorashooyinka madaxtinimada Somaliland. “Goob joogayaashu waa laba nooc, kuwaasi oo iskugu jira kuwo maxali ah iyo kuwo caalami ah, ilaa hadda inta aan ogahayna ma jirto cid laga horjoogsaday oo goob jooge/yaal caalami ah oo fiise loo diiday, guud ahaanba goob joogayaasha caalamiga ah ee dlaka yimid tiradoodu waa dhawr iyo tobaatan, ka kala socda dawlado kala duwan, waxaana ku jira diblomaasiyiin hore oo maraykan ah, balse waxa kale oo jira wadamo Afrikaan ah oo ay GUdoomiyayaashoodii Komishanku ay saaka nala joogaan. Laakiin ma hayno goob joogayaal ka yimid Itoobiya.”
Dhex-dhexaadnimada Komishanka
Laakiin Gudoomiyaha Komishanka oo la weydiiyay arrinta dhex-dhexaadnimada waxa uu yidhi. “Sidii la noo dhaariyay ayaanu u jecelnahay in aanu hawsha uga soo baxno, isla markaana aanu u qabano si daacad ah (Insha Allah) waxaanay natiijadu nagu qaadanaysaa ugu yaraan muddo todobaad ah”
Balan-qaadka musharaxiinta
Dhinaca kale Gudoomiyaha xisbiga KULMIYE, Axmed Maxamed Maxamuud SIilaanyo, oo ah musharaxa xisbigiisa ugu taagan jagada madaxtinimada ayaa isaga oo ka jawaabaya su’aalo laga weydiiyay inuu ku qanci doono natiijadda ka soo baxda doorashada waxa uu yidhi. “Komishanka waan ku kalsoonahay, shacbigayga waan ku kalsoonahay, Insha Allahu Tacaalaa, waxaan rajaynayaa inay inoo qabsoonto doorasho aan colaad lahayni oo xor ah oo xalaal ah, anigu wax yar iyo wax badan ka hadli maayo, laakiin Komishankana waan ku kalsoonahay, shacbigaygana waan ku kalsoonahay, waanan u hogaansamayaa wixii ka soo baxa doorashada”
Sidoo kale su’aal la xidhiidha inuu ku qanci doono iyo inkale natiijadda ka soo baxda doorashada madaxtooyadda Somaliland ayaa la weydiiyay madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, waxaanu isaga oo arrintaasi ka hadlaya yidhi. “Waxaan balan qaadayaa sidii aan markii horeba u balan qaaday in aan si wanaagsan u wareejiyo xilka, haddii la igaga adkaado doorashada, isla markaana dhammaanba musharaxiintu waxa ay sugayaan waxa ay dadku doonayaan, dhammaantayana waxa waajib ku ah in aanu u hogaansami doono natiijadda doorashada”
Aragtida goob joogayaasha caalamiga ahi ka bixiyeen doorashooyinka.
“Ugu yaraan afar kooxood oo laba u socdaan Ceerigaabo, labana u socdaan Laascaanood ayaa mar dhaw ambabixi doona, kooxo kalena waxay u ambabixi doonaan Berbera, Togdheer (Awdal) iyo agagaarka Hargeysa” Sidaa waxa yidhi, Dr. Steve Kibble madaxa goob joogayaasha caalamiga ah ee doorashada Somaliland ka markhaati kacaya. Waxaanu intaasi ku daray “Inta aan ogahay kuma jiraan dawladdo, laakiin waxa ay ka kala socdaan ururo kala duwan oo beesha caalamka ah, waxaananu qabanaynaa hawshii aanu qabanay sannadkii 2005-tii oo kale haba ka fududaato marka loo eego xaaladda nabadgelyada ee ka sii dartay awgeed, isla markaana tan iyo intii aanu joognay ee ololuhu socday waxay u socdeen si xor ah oo xalaal ah, inkasta oo ay jireen cabashooyin la xidhiidha in xukuumaddu hantida qaranka u isticmaalayso ololaha, haddana waxa arrintaasi kala xaajoonayay Guddida Anshaxa ilaa haddana si xor ah oo xalaal ah ayay u socotaa. Waxaananu si weyn ugu kalsoonahay inay doorashadu u qabsoomi doonto si xor ah oo xalaal ah” ayuu yidhi, Dr Steve Kibble. Waxaanu intaasi ku daray oo uu yidhi. “Goob joogayaashu waxay ka kala socdaan ugu yaraan 16 wadan oo ay ka mid yihiin UK, Holland, Ireland, Portugal iyo wadamo kale, waxaanuse rajaynaynay inay yimaadaan koox balaadhan oo ka socota wadanka Koonfur Afrika, balse nasiib wanaag, malaha waxaan u malaynayaa inuu koobkii adduunku ka socdo dalkaasi”. Hase yeeshee Mr. Kibble isaga oo ka hadlaya inay kulamo la yeesheen hogaamiyayaasha tartamaya, waxa uu yidhi. “Waxa aanu hadda ka soo baxnay kulan aanu la yeelanay Axmed Siilaanyo xisbiga KULMIYE, wax yar dabadeedna koox naga mid ah ayaa la kulmi doonta madaxweynaha, Rayaale xisbiga UDUB iyo weliba Faysal Cali waraabe UCID oo aanu galabta (Shalay) la balansanahay, dhammaantoodna waxa aanu weydiinaynaa in aanu cod ka sii qaadno inay u hogaansamayaan doorashada wixii ka soo baxa” “Goob joogayaal ahaan la nooma ogola in aanu wax faalo ah ka bixino siyaasadda xisbiyadda Somaliland, balse waxa aau rajaynaynayaa inay doorashadani meeqaam wanaagsan gaadhsiin karto sumcada Somaliland, isla markaana ay horseedi karto inay beesha caalamka ka hesho aqoonsi caalami ah” ayuu hadalkiisa ku soo gebagabeeyay Kibble.
Kala duwanaashaha komishankii hore iyo kan maanta
Shugri Xaaji Boodare waxay ka mid ahayd Komishankii ugu horeeyay ee ay Somaliland yeelato sannadkii 2002-kii doorashadii ugu horeysay ee dalka laga qaban qaabiyo. Hase yeeshee iyada oo ka waramaysa sida u aragto doorashadan maanta iyo waxa ay kaga duwan tahay doorashooyinkii ay qabteen waxa ay tidhi. “Waxa aan rajaynayaa inay doorashadani u qabsoomi doonto si ka duwan sida kuwii aanu qabanay, isla markaana ay noqon doonto mid sax ah 99% , aad baanay dhinac ahaan nooga wanaagsan yihiin oo iyaga dadka oo dhami kaadhadh ayay haystaan, balse haddii aanu annagu is-amaano guddidii hore waxa ay timid meel aanay jirin cid uga horeysay iyo wax u dhisani toona”. “Isma lihin wax dhibaatooyin ah ayaa dhacaya oo xagga farsamada ah, haddii laga tegi waayo, waxa dhici karta in waqtigu ku yaraado”.
Comments
Post a Comment