Komishanka Oo Shaaciyey Tirada Dadka Codkooda Dhiibanaya Maalinta Doorashada

Go’aan Komishanku Soo Saaray Oo Uu Ku Xayiro Dhaqdhaqaaqa Gaadiidka Maalinta Codbixinta
“Waxaa codayn doona 1, 069,914 qof, waxaana hore isku diiwaangeliyey 1,375,660 qof.”
Hargeysa, Somaliland, June 21, 2010 (Saxafi) – Komishanka Qaranka, ayaa shalay si rasmiya u shaaciyey liiska codbixiyayaasha doorashooyinka madaxtooyadda Somaliland ee todobaadka soo socda dalka ka dhici doona dalka.

Afhayeenka Komishanka Dooraoyinka Qaranka Maxamed Axmed Xirsi (Geelle) oo shalay shir jaraa’id ku qabtay Harygeysa, ayaa sheegay in tirada dadka isu-diiwaangeliyay codaynta ee xaqa u leh inay codeeyaan ay tiradoodu dhan tahay 1,069,914 (Hal Milyan, sagaal iyo lixdan kun, sagaal boqol iyo afar iyo toban codbixiye)
Afhayeenka oo arrimahaas ka hadlayaa wuxuu yidhi,
“Waxa lanaga sugayay liiska codbixiyayaaha doorashada Madaxtooyada ee aanu muddaba hawshiisa ku jirnay ilaa markii aanu shaqada la wareegnay, dabadeedna aynu samaynay bandhigii liiska iyo kaadhadhkii cusbaa ee la bixinayay, markaa waxa lanaga sugayay liiskii kama dambaysta ahaa ee doorashada lagu gali lahaa, markaa maanta ayuu noo soo dhamaaday oo aanu soo saarnay.
Liiska kama dambaysta ah ee doorashada lagu galayaa waxa uu noqday 1,069,914 codbixiye, kolkaa sida uu na farayo xeerka diiwaangalinta ee xeer No/37/2007-dii soo baxay qodobkiisa 29-aad marka aanu liiska kama dambaysta ah soo saarno in axsaabta qaranka iyo wasaarada daakhiliga mid walba aanu siino koobi oo cajalad koombuutar ah ku jira, markaa tii baanu saaka (shalay) siinay inta aanu xafiiskayaga ugu yeedhnay xisbiyadii, markaa liiskaasi waxa uu noqonayaa liiska kama dambaysta ah ee doorashada lagu galayo goobahana aanu u dirayno ee lagu codayno.
Sanadkii 200-8-dii markii diiwaangalintu dhacday waxa is-diiwaangaliyay oo magacyadoodu ay soo baxeen 1,375,660 qof, liiskan kama dambaysta ah ee aynu maanta soo saarnay waxa weeyaan 1,069,914, markaa faraqa u dhaxeeya waxa weeyaan (saddex boqol iyo shan kun todoba boqol iyo lix iyo afartan) intaas ayaa ka baxday inaat oo ah intii aan xaqqa u lahayn inay codayso ee laga sifayay, taas oo qiyaastii noqonaysa 22% liiskii hore ee aynu haynay.”
Afhayeenka komishanka oo la weydiiyay inuu sheego tirada gobol kasta codkooda ka dhiiban doonta ayaa ka gaabsaday, isla markaana sheegay inaanay tirooyinka codbixiyeyaasha gobol-gobol u soo saarin ee wadarka guud uun hadda shaacinayaan.
Dhinaca kale guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka Md. Ciise Yuusuf (Ciise-xammari), ayaa shalay soo saaray wareegto uu xayiraad ku saarayo dhaqdhaqaaqa isu-socodka gaadiidka xisbiyada, hay’adaha iyo kuwa dawladda maalinta loo dareerayo doorashada ee 26 June.
Guddoomiye Ciise-Xamari, ayaa sheegay sida uu dhigayo Xeerka doorashooyinka ee Xeer. Lr 20 in xayiraad la saaray dhamaan isu-socodka gaadiidka laga bilaabo Lixda subaxnimmo illaa iyo Siddeeda fiidnimmo.
Guddoomiyaha Komishanka, ayaa wareegtada uu ku xayirayo gaadiidka waxa uu ku socodsiiyey Taliyaha booliska, Warbaahinta iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha.
Nuqul ka mid ah Digreetada uu soo saaray Guddoomiyaha Komishanka oo soo gaadhay Saxafi, ayaa isaga oo dhammaystiran u dhignaa sidan:
“Sharciyan waxaynu wada ogsoonahay in doorashada madaxtooyada dalkan Jamhuuriyadda Somaliland loo dareeri doono maalinta guusha badan ee 26ka june, 2010.
Sidaas daraadeed, Komishanka Doorashooyinka Qaranku, markuu arkay qodobka 27aad ee Xeerka Doorashooyinka, Xeer Lr. 20-2/2005
Waxa uu xayiray maalinta doorashada, dhaqdhaqaaqa gaadiidka dawladda, gaadiidka dadweynaha, kan hay’adaha caalamiga ah iyo maxalliga, gaadiidka xisbiyada iyo kuwa shirkadaha gaarka loo leeyahay, laga bilaabo 6da subaxnimmo illaa 8da fiidnimmo.”

Comments