Guddoomiyaha Guurtida Iyo Qaar Ka Mid Culimada Somaliland Oo Shacbiga Ugu Baaqay Inay Nabadooda Ilaashadaan
“Qolada weyda doorashada waxaanu leenahay Illaahay samirkeeda ha idin siiyo, waxaanuna idinka codsanaynaa in aad ku qanacdaan natiijada una hambalyeysaan cidii ku guulaysata” Baaqa Culimada
Hargeysa, Somaliland, June 25, 2010 (Saxafi) – Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan Nuur), ayaa ummada reer Somaliland ugu baaqay inay maalinta Doorashada Madaxtooyada ay si nabadgalyo ah u codeeyaan, isla markaana ay heegan u noqdaan wixii nabada ay haystaan wax u dhimaya.
Guddoomiyaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan oo shalay shir jaraa’id ku qabtay xarunta Golaha Baarlamaanka ayaa waxa uu Saddexda Xisbi qaran u soo jeediyey inay nabadgalyadooda ilaashadaan, taas oo ku tilmaamay inay tahay hadaf guud oo ka dhaxeeya ummada reer Somaliland meel kasta oo joogaan, waxaanu ku booriyey in Xisbi waliba uu ku qanco natiijada ka soo baxda codbixinta dadwaynaha, isla markaana loo hogaansamo Guddida doorashooyinka, kuwaas oo uu sheegay inay si wanaagsan u waddaan hawlaha doorashada madaxtooyada Somaliland.
Sidoo kale Qaar ka mid ah Culimada waaweyn ee Somaliland ayaa baaq ay kaga hadlayaan marxalada taagan ee dalka shalay ka soo saaray magaalada Hargeysa, isla markaana ka codsaday, Komishanka, saddexda xisbi Qaran iyo dhamaan dadweynaha ku nool somaliland inay nabadgelyadooda ilaashadaan, qolo waliba dhankeeda wixii kaga aadan ka qabtaan.
Culimada ayaa saddexda musharax ka codsaday in kii helo ee nasiibku siiyo ka kale u haneeyo, isla markaana ku qancaan wixii uu komishanku soo saaro, oo aanu qofna isku dayin inuu khilaaf dhaliyo.
Culimadu waxay sidaas ku yidhaahdeen shirjaraa’id oo ay ku qabteen hoteelka Hadhwanaag ee magaalada Hargeysa.
Culimadu waxay bulshada Somaliland ugu baaqeen inay nabadgalyadooda ilaashadaan, dhana uga soo wada jeestaan “ 1.waxa aanu ummadda Somaliland ugu baaqaynaa in ay Alle ka cabsadaan oo a y xishmeeyaan dhaqanka suuban ee Diinteenu ina bartay ilaaliyaana nabadgelyada, xasiloonida iyo kala dambaynta aynu haysano.
2. Walaalayaal Maalin qudha ayey fursadi idiin soo maraysaa in wax la idin waydiiyo oo aad kala doorataan musharaxiin u tartamaya hogaanka ummadda, hadaba codka aad bixinaysaan maanta waa fursad aad wax ku hagaajin kartaan ama aad wax ku xumayn kartaan, codkiinu waa masuuliyad iyo amaano idiin saaran oo illaahay idinkala xisaabtamayo haddii aad wax ku hagaajin weydaan oo codka la idin waydiistay aad run ka sheegi waydaan ama aad iibsataan ama aad khiyaamaysaan. walaalayaal waa fursad xisbiyada tartamaya ka aad u malaynaysaan inuu ku munaasibad yahay xukunka ee diinta dalka iyo dadkaba nasteex ah aad ku doorataan.
3. waxa la idinka doonayaa in aad dhalinyarada ku hawlan shaqada doorashada ee martida idiin ah ee gobolada kala duwan laga keenay inaad si fiican oo naxariis leh aad ula dhaqantaan oo aad ixtiraamtaan.
Culimadu waxa kale oo ay ka hadleen oo ay baaq waano ah u direen Komishanka Doorashooyinka Qaranka, iyagoo la hadlayana waxay yidhaahdeen “ 1. walaalayaal haddaad tihiin guddiga Doorashooyinka Qaranka iyo dhamaan hawlwadeenada idinla shaqaynaya ilaa iminka sumcad wanaagsan ayaad ummadda reer Somaliland ku leedihiin waana la idinku mahadnaqayaa oo la idinku ducaynayaa. walaalayala waxa maanta idin saaran xil weyn iyo amaano weyn ilaahay ha idin fududeeyo xilka iyo amaanadaa waxa la idinka doonayaa inaad ilaahay kaga cabsataan ilaahay dartiina u guddataan si cadaalad ah, alla wax uu yidhi ( kuwii alla rumeeyow amaanada u guda dadka idin dhibtay haddii aad wax xukumaysaana dadka cadaalad ku xukuma), dhalinyarada idinla shaqaynayana ku waaniya masuuliyada saaran culayskeeda iyo inay u gutaan si cadaalad ah oo dhamaystiran.
2. Dhalinyarada goobaha ka hawlgalaya waxaanu leenahay mustaqbalkiina ilaashada oo yaan cidina damiirkiina nool ee curdinka ah yaan la isku dayin in ay cidi iiibsato ama geliso muran.
Sida ay u dhacdo saamayn weyna way ku yeelanaysaa wadankan iyo mustaqbalkiisa iyo aayihiisa. Alle ha idin fududeeyo oo ha idiin hawl yareeyo”
Waxa kale oo ay baaq u direen ciidamada Amaanka, waxayna ku bilaabeen “ Ciidamada amniga waxa aanu uga mahadcelinaynaa sida ay u ilaalinayaan amniga guud ahaan waayo waxa ugu weyn ee aynu haysano diinta islaamka ka dib waa amniga, inaga wada dhexeeya oo aynu ku faano haddaba walaalayaal Ciidamada amniga haddaad tihiin waxa aan idin faraynaa in aad foogigo weyn u yeelataan wixii wax u dhimaaya amniga dhex-na aad u ahaataan xisbiyada tartamaya”.
Sidoo kale. Waxay baaq u direen xisbiyada tartamaya, iyagoo ugu baaqay in kolba kii helay ka kale u haneeyo oo uu ku hambalyeeyo “ walaalayaal haddii aad tihiin musharaxa xisbi ee u tartamaya hogaanka ummadda waxa aad ugu horeyn ogaataan alla ka cabsiga waayo waa masuuliyad weyn oo haddii laga soo bixi waayo uu nabigu (SCW) ku tilmamay inay tahay dulli iyo murugo maalinta qiyaamaha haddii sida ay tahay looga soo bixi waayo, hogaanka ummadda qabashadiisu waa imtixaanka ugu weyn ee qof aadamaha ku dhaca, hadddaba kii ku guuleystow ilaahay ummadaas kaga cabso xilkeeda lagu saaray allena ha kuu fududeeyo masuuliyaddaa weyn.
Qolada weydaana waxa aan leenahay ilaahay samirkeeda ha idin siiyo, waxaanan idinka codsanaynaa in aad ku qanacdaan natiijada una hambalyeysaan cidii ku guulaysata waxa khilaaf ahna aydin keenin waxa laga yaabaa inay idin khayr badan tahay alla subxana watacaalaa waxa uu yidhi ( waxa laga yaaba in aad jeclaataan waxaan idin khayr badnayn ama aad nacdaan waxa khayr idiin leh), imtixaanka hogaaminta cida ku guuleysata way yartahay inay sida ay tahay uga soo baxdo.
Gabogabo
Dhamaan alla ha laga cabsado oo qof waliba masuuliyadda ka saaran tartanka doorashada si fiican ha ugu soo baxo, waa amaano iyo masuuliyada la iswaydiinayo aakhiro.
Alla waxa aynu ka baryeynaa in Doorashadu inoogu dhacdo si nabdgelyo ah sida khayr uu ku jiro alla ha ina waafajiyo.” Ayey ku soo xidheen baaqoodii.
Comments
Post a Comment