Guddoomiyaha Komishanka Ee Gobolka Awdal Oo Tobabar U Furay Qaar Ka Mid Ah Hawl-Wadeenada Doorashooyinka

Boorama, Somaliland, June 22, 2010 (Saxafi)- Guddoomiyaha Komishan ka Doorashooyinka Gobolka Awdal Cabdirashiid Xirsi ayaa shalay xarunta ururka dhalinyarada SAYS tababar uga furay ku dhawaad 55 xubnood oo ah hawl-wadeenada Doorashooyinka Deegaanka Boorama.
Tababarkan oo socon doona muddo laba maalmood ah, isla markaana uu fulinayo urur la yidhaa SOMSAF, ayaa guddoomiyaha oo la hadlay ka qaybgeleyaasha u sheegay inay geli doonaan hawl weyn oo ah mustaqbalka dalka sidaa darteedna looga baahan yahay inay ka faa’iideystaan tababarkan maalinta doorashadana cilmiga ay barteen laga arko hawsha ay qabanayaan.
Tababarkan oo ah kii ugu dambeeyey ee komishanka doorashooyinku ka qabanqaabiyo gobolka Awdal ayaa la filayaa 26ka Juun deegaanka Boorama ka qabtaan hawsha doorashada.

Comments