Hadal-Hayntii Ugu Badnayd Oo Noqotay Mala-Awaalka Tirada Codadka Xisbiyadu Kala Heleen Doorashadii

Hargeysa, Somaliland, June 28, 2010 (Saxafi) – Wararka ugu badan ee shalay bulshadu iswaydaarsanaysay waxa uu ahaa dhibcaha ay isdheeryihiin xisbiyadu, iyadoo qof waliba qofka kale uu waydiinayey inuu war ka hayo tirade ay isdheer yihiin xisbiyadu.
Dadweynaha ku dhaqan Somaliland ayaa si fiican ugu soo wada baxay doorashada, iyagoo doonaya in Somaliland noqoto dal madaxbanaan, sidaa darteed dhawaaqa ka soo yeedhaya dadweynaha shalay ka hor waxa uu ahaa ma codaysay iyo yaad u codaysay, maanta iyo shalayna waxa la iswaydiinayaa yaa badiyey iyo sidee loo kala adkaaday, iyadoo ruux waliba jeclaysanayo in xisbiga uu u codeeyey guuleysto.
Shacabka Somaliland ayaa meelaha ugu badan ee dadku iskugu yimaadaan ku hadal hayey xisbi hebel ayaa badiyey iyo anaga ayaa badinay, iyadoo ilaa hadda wax rasmiya oo cad aan la soo saarin ayaa dadku waxay isku dayayeen asxaabtooda komishanka ka shaqaynayey waraystaan, isla markaana ay ogaadaan goobo badan, inkastoo taasi aanay siinayn warbixin cad, laakiin waxay noqonaysay mid ay ku maararoobaan.
Sidoo kale waxa iyaguna shalay aad loo iibsanayey qalinmaanta wax lagu qoro, iyagoo dadku inta badan uu mid waliba qalin uu ku qorto dhibcaha iska soo daba dhacaya ku qoran lahaa, isla markaana waxa si weyn loo waraysanayey waxna laga waydiinayey dhalinyaradii ka hawlgashay goobaha codbixinta ee degmooyinka iyo gobolada ka soo noqotay.
Waxa iyadana isticmaalkiisu kor u kacay ku hadalka Mobilka, waxaana dhamaan dadkii ka hawlgalay hawsha Komishanka lala hadlayey, taas kor u qaaday ku hadalka mobilka gacanta iyo isticmaalkiisa si xog dheeraad ah ay u helaan.
Si kastaba ha noqotee, dadweynaha ayaan ilaa shalay wax kale iswaydiineen oo aan ka ahayn gobol heblaayo imisa ayuu maraya, gobolkaas xisbi hebel ayaa ku badiyey iyo erayo caynkaas ah.

Comments