Hal Milyan Iyo Dheeraad Reer Somaliland Oo Maanta U Dareeray Doorashada Madaxtooyada Iyo Goob-Joogayaasha Caalamiga Ah Oo Ka Hadlay Qiimaha Ay Ugu Fadhido Doorasho Xalaal U Dhacdaa

Hargeysa, Somaliland, June 26, 2010 (Saxafi) – In ka badan Hal Milyan oo reer Somaliland ah oo Nabad ku ku dooranaya Madaxweynaha dalka shanta sannadood ee soo socota Insha Allah
Ku dhawaad milyan iyo sagaal iyo lixdan kun oo reer Somaliland ayaa saaka si nabad ah ugu dareeraya goobaha ugu yaraan 1783 goobood oo ku kala filiqsan 21-ka degmo ee uu dalku ka kooban yahay, waxaanay dadweynaha reer Somaliland kala dooran doonaan saddexda nin ee musharaxiinta saddexda xisbi qaran, Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, iyo Axmed Yuusuf Yaasiin, xisbiga UDUB, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo C/Raxmaan C/laahi Saylici xisbiga KULMIYE, halka ay Faysal Cali Waraabe iyo Maxamed-Rashiid Sheekh Xasan ay iyaguna ka sharaxa yihiin xisbiga UCID.
Dadweynaha ku dhaqan magaalooyinka ayaa la sheegay inay habeenimadii xalayba safaf dhaadheer galeen, iyaga oo u kala horeynaya safafka si aan looga buuxinin.
Sida la ogyahay, waxa khamiistii todobaadkan la soo gebagabeeyay gebi ahaanba ololihii doorashada madaxtinimada, iyada oo ay maanta oo ku began konton guuradii ka soo wareegtay markii ay dadweynaha reer Somaliland xornimadooda ka qaateen Boqortooyadii INgiriiska.
Doorashadani oo ah tii afraad ee dalka Somaliland laga qabto, isla markaana ah tii labaad ee ay dadweynaha reer Somaliland ku xulanayaan hogaamiyaha dalkooda ee muddada shanta sannadood ee soo socota ayaa la filayaa in maanta galabta haddii alle yihdhaado si nabad ah lagu soo gebagabeeyo.
Doorashadani oo dhawr jeer oo hore dib u dhacday intii ka dambaysay waqtigii ay ku beegnayd ee bishii April 2008, ayaa dadweynuhu waxay aad u xiisanayaan inay mar kale Jamhuuriyadda Ilaahay dhiigooda ay hureen ku siiyey ay u soo xulaan madaxweyne iyaga oo warqad isticmaalaya, ka dib markii ay muddo 31-sannadood ay ku hoos jireen maamulkii ka iman jiray Somalia, isla markaana ay kala kulmeen xasuuq arxan darro ah iyo musuq iyo xad-gudubyo joogto ah, maamulkaasi oo ay iskaga rideen dagaal socday muddo 10 sannadood ah oo uu hogaaminayay ururkii SNM.
Sidoo kale waxa ay muddo ku dhaw 20 sannadood dadweynaha reer Somaliland ku hawlanayeen sidii ay wadada ugu xaadhi lahaayeen in madaxweyne kasta oo la soo doortaa maalinta ay muddadiisu ka dhammaato uu xilka si nabad ah ku wareejiyo.
Dhinaca hay’adda Progressio oo xidhiidhinaysa goob joogayaasha caalamiga ah ee ka qayb galaya doorashada Somaliland ayaa sheegtay in doorashadani meeqaam sare u soo jiidi doonto Somaliland, isla markaana ay ku qanacsan tahay ilaa hadda sida ay hawluhu socdaan.
Hay’adani waxa ay intaas ku dartay in dhammaan goob joogayaashu wada tageen goobihii loogu talo galay ee gobolada iyo degmooyinka, isla markaana ay ilaalin doonaan sida ay doorashooyin u qabsoomayaan.

Comments