Hargeysa: Gaadhi-Gacan Lacag Uu Sidday Ka Daatay Oo Ka Nabadgalay Dad Banaabax Xisbi Samaynayey Oo Goobtaas Marayey
Hargeysa, Somaliland, June 25, 2010 (Saxafi) – “Shacabka somaliland waa dad sharafta ku dhinta, isla markaana jecel wadankooda xumaantana ka ilaaliyo, dadkuna kuma dhacaan inay si toos ah u qaataan xoolo aanay lahayn” sidaas waxa ku tiraabay qof dariiqa marayey oo arkay nin gaadhi gacan lacag ah la ordayey oo ay lacagtii ka daadatay oo dadkii dariiqa marayey aanu midna hunguri ka qaban.
Dhacdadan oo ay la kulmeen weriyeyaal ka tirsan wargeyska Saxafi ayaa waxa ay la kulmeen nin gaadhi gacan lacag ah wada ayaa gaadhigii ka qalibmay oo lacagtii uu siday ay dhulka galeen, iyadoo wakhtigaa ay ahayd maalintii uu ololaha soo xidhayey xisbiga kulmiye, waxaana meesha marayey dad farobadan oo taageerayaasiisa ah, iyagoo arkayey lacagta dhulka taala ayaanay buuqii u hoosgelin ee ay iska garab mareen ninkii lacagta lahaa oo guranaya, isagoo ninka lacagtu ka daadatay uu ahaa kaligii.
Dad kale oo meesha marayey ayaa indhaha kala socday oo dusha ka ilaalinayey balse aan u dhowaan lacagta oo ka ilaalinayey in ciddi u hoos raaciso oo ay xaddo, iyagoo iska dhigaya wax la guraya.
Taageerayaashii meesha marayey oo ku dhawaaqayey erayo lagu amaanayo xisbigooda ay taageersan yihiin ayaa hawshoodii banaanbax iska sii watay, iyaga oo aanu hunguri ka galin ninkaa dayacan ee xoolihiisa ka daateen.
Dadkii meesha marayey ee arkayey ninka ay lacagtu ka daatay, isla markaana ka shakisna in dadkan wadada marayaa ay buuqa dhex raaciyaan oo indhaha kala socday ayaa si weyn u amaanay bulshada Somaliland kuna tilmaamay dad wadankooda jecel, isla markaana aan dhaqan u lahayn in aanay wax aanay lahayn hunguri ka galin.
“ bal eeg lacagtan dhulka iska taalla ee ninkan ka daadatay ee qofna aanu waxba ku falayn inuu lacagta qaato, waliba xiligan aynu ku jirno oo ah xili olole oo dadka nooc walba isku soo baxo ayaan dan ka galin oo iska garab maray” sidaasna waxa yidhi nin kale oo dadkii dariiqa marayey oo dadkii meesha marayey u tilmaamayey waxa meesha ka dhacay.
Si kastaba ha ahaatee arrintani waxay muujinaysaa wanaaga iyo sharafta ay u dhasheen bulshada Somaliland, iyagoo aan dan ka galin dahabka iyo lacagta wadhan suuqyada somaliland, isagoo laga yaabo in kii gaajoonayey iyo kii aan waxba haysan mid waliba garab marayo, waxaanu ogsoon yahay in aanu hantida isagu lahayn ee dadkaasi lahayn, isla markaana aanu damaacayn xoolahaas meel walba yaal.
Waana bulsho xaragada iyo gobonimada si weyn u ilaashada isagoo xiitaa waxba haysan hunguri kama gali karo xoolo meel iska yaalla, waxaanu ogyahay in ilaahay qofkaas siiyey, isaguna ay xoolahaasi mar uun soo mari doonto
Comments
Post a Comment