Jewigii Doorashada 26 June Iyo Khaladaadkii Dhacay

Hargeysa, Somaliland, June 28, 2010 (Saxafi) – Ugu yaraan hal milyan oo qof oo reer Somaliland ah ayaa iskugu soo baxay goobaha codbixinta doorashooyinka Somaliland ee ku kala filiqsan gobolada iyo degmooyinka dalka.
Sida ay ku warameen weriyayaasha Saxafi ee booqanayay goobaha codbixinta Somaliland, badi goobaha waxa la wada furay xilligii loogu talo galay, isla markaana ma jirin wax caqabado ah oo ka horyimid, hase yeeshee waxa ay sheegeen goobaha qaarkood aanay furmin xilligii loogu talo galay, iyada oo ay ugu wacnayd iyada oo qaarkood agabku ka kala dhinaa. “Agabka oo naga kala dhiman.
Faysal xaaji cabdi saleebaan,  “Waxay bilaabantay ilaa todobadii iyo rubuc, waxa keenay dib u dhaca, xagga agabka oo kala dhinaa oo aan la soo dhamaystirin, laakiin iyada oo ay sidaasi jirto, haddana waanu sii wadnaa hawshii, waxaa naga maqan buuggii diiwaanka (registerar-ka) ,ee lagu qorayay magacyada iyo lambarada waraaqaha iyo kaadhadhka, imikana waanu dalbanay, sidaasi darteedna way noo imanayaan Komishankii” Sidaa waxa yidhi, Faysal X. Cabdi Saleebaan oo ahaa Gudoomiyihii goobta doorashada Hargeysa, ee Dugsiga sare ee Faarax Oomaar, oo weriye Saxafi ka tirsan uga waramayay qaabka ay u bilaabeen.
Sidoo kalena waxa ay weriyayaasha goobta guriga shaqaaluhu ku warameen in goobtaasi ay bilawgeed isku dhex yaacsanayd, isla markaana ay buuq badan kala kulmeen ciidamada ilaalada madaxtooyadda oo intooda badani madaxweynaha Somaliland oo goobta yimid 7:30 ay la socdeen, waxaanay hawl-wadeenada goobtaasi la kulmeen buuq iyo is-dhex yaac markii ay ciidamadu dooneen inay hal mar wada codeeyaan, iyada oo ay hawl-wadeenadu baadhida magacyadooda ku mashquuleen, askari welibana doonayay in uu hore u codeeyo. Waxa kale oo intaasi dheer, masuuliyiin badan oo goobta timid ayaa iyaguna buuqaasi qayb ka ahaa “Halkaasi waan ka imid, ee halkeenu tagnaa” Sidaa waxa si cadho leh u yidhi, Xoghayaha Guud ee GOlaha Guurtida C/laahi Habane oo xilligaasi hawl-wadeenada goobta doorashada guriga shaqaaluhu buuqa ku jireen yimid.
“Iga tag, waxba kula hadli maayee, askareey saara” Sidaana waxa tidhi, Gudoomiyihii goobta Kastamka, oo weriye ka tirsan Saxafi weydiiyay, sababta keentay inuu dib u dhac iyo culays fara badani saarmo gelinkii hore ee maalintii codaynta, isla markaana ay dad badani ka cawdeen.
“Ciidanka ayaan si wanaagsan noola wada shaqayn, taasina waa sababta keentay in aanu hawlba wadi kari weyno, waxaanay nagu soo daynayaan dad aad u tiro badan” Sidaana waxa tidhi, gabadh Gudoomiye ka ahayd goobta birta dheer ee degmada Ibraahim Koodbuur, xaafadda Jig-jiga yar.
“Ma jirto ilaa hadda wax carqalad ah oo aanu la kulanay ilaa haddana waxa codkooda ka dhiibtay 347 qof, iyada oo ay goobta ka diiwaan gashan yihiin 630 qof, waxaanan rajaynayaa inaanu ka gaadhsiin doono inta ka horeysa waqtiga la xidhayo” Sidaana waxa tidhi, Gabadh Gudoomiye ka ahayd goobta doorashada ee Degmada M. Haybe.
Fariinta dadweynuhu u direen hogaamiyayaasha ay kala dooranayaan.  ‘Waxa aan rajaynayaa nabad, caafimaad iyo waxyaabo badan oo noo soo kordha, waxaanan u codaynayaa xisbiga KULMIYE,  ma jirto wax dhaliil ama ceebayn ah oo aan u hayo xisbiga UDUB ee (talada dalka haya), balse waxa aan xisbiga KULMIYE ugu codaynayaa inuu ka sii badiyo hawsha oo uu (doorashada dambe soo galo isaga oo dar-dar-qaba) Waxaanan odhan lahaa kii helaba hambalyo, laakiin nabadgelyada iyo danta qaranka ha la wada ilaaliyo” sidaana waxa tidhi, Safiya C/laahi Faarax oo ka mid ah hooyo dhawr carruur ah inta ay guriga kaga timid, haddana dananaysa inay mar uun codkeeda dhiibato, iyada oo goobta timid 10:00 subaxnimo, isla markaana waqtiga ay Saxafi u waramaysay ay ahayd galabnimadii shalay.
Marka intaasi laga yimaado, waxa iyaguna magaalada is-dhex eryanayay xisbiyadda siyaasadda, iyada oo meelaha qaarkood la sheegay in lagu arkay masuuliyiin ka tirsan xisbiyadda siyaasadda, iyada oo meelaha qaarkood la sheegay in la keenay kaadhadh bac lagu sido oo la doonayo in lagu codeeyo la keenay, balse inta badan saraakiisha komishanka ayaa la sheegay inay gaashaanka u daruureen.
Waxa kale oo jirtay in goobo ka mid ah galbeedka Hargeysa ay iskaga daba wareegayeen xisbiyadda UDUB iyo KULMIYE. Sida goobta magaalada Abaarso oo kale.
Goobo kale oo ka mid ah gobolka Hargeysa, ayaa la sheegay inay ciidanka ammaanka iyo gaadiid ka socday xisbiyadda, gaar ahaan xisbiga UDUB is-caydhsadeen meelo ka mid ah bariga Hargeysa.
Baddi dadweynaha ku dhaqan Somaliland ayaa la sheegay in waxyaabaha ay ku kala xulanayeen xisbiyadda siyaasaddu ay ugu badnayd xagga haybta, hase yeeshee waxa jiray iyagu qaar sidaasi ka duwan oo doonayay inay xisbiga ku taageeraan barnaamijkiisa siyaasadeed. “Waxa aan doorashadii hore u codeeyay xisbiga UDUB, waxaanan rajaynayay in waxbarashada iyo caafimaadka magaaladayada wax laga qaban doono, balse taasi may dhicin, imika waxa noo balan qaaday ugu yaraan waxbarasho bilaash ah xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE, isaga ayaanan u codaynayaa” Sidaa waxa yidhi mid ka mid ah codbixiyayaasha magaalada Abaarso oo u waramayay wargeyska Saxafi.
Dhinaca kale, waxa ku geeriyooday tuuladda Kalabaydh ee Koonfurta galbeed ee gobolka Sool, Allaha u naxariistee Mujaahid C/laahi Cabdi Xuseen oo ahaa madaxa gaadiidka ee guutada 7-aad ee ciidanka Qaranka Somaliland, ka dib markii sida la sheegay laga soo dhex-toogtay guri ku yaala magaalada, halkaasi oo ay ciidanka qaranku u raaceen sanaaduuqda codbixinta, halkaasi oo ay ku sii sugayeen maleeshiyada Somaliland-diidka oo ah urur ka dhan ah Somaliland iyo Puntlandba, isla markaana ku dacwiya inay maamul u samaynayaan deegaamo ka tirsan gobolka Sool iyo Sanaag. Waxa kale oo halkaasi ku dhaawacmay laba askari oo kale. Taasi oo sababtay in goobtaasi la xidho.

Comments