Komishanka Doorashooyinka Awdal Oo Ambabixiyey Badi Hawlwadeenadii Iyo Sanaadiiqdii Codbixinta ee Gobolka Kaddib Muran Dib Udhigay

Boorama, Somaliland, June 26, 2010 (Saxafi) -- Komishanka doorashooyinka G/awdal ayaa shalay si halhaleel ah u ambabixiyey badi hawlwadeenadii, sanaadiiqdii codbixibta iyo ciidamadii ilaalinayeyba, kaddib markii ay hawlahaasi shalay gelinkii hore ay hadheeyeen muran soo kala dhex galay hawlwadeenada ka yimid Hargeysa iyo komishanka doorashooyinka,kaas oo ku saabsanaa xilka hawadeenadaasi ka qaban doonaan goobaha codbixinta ee loo cayimay, murankaas oo khalkhal ku abuuray guud ahaanba jawigii reer Awdal ku geli lahaayeen doorashooyinka.
Shalay Galab oo uu weriyaha Saxafi Maxamed Cumar, tegay xarunta komishanka Boorama ayuu ku arkayey tobannaan gaadiidka qalabka iyo shaqaalaha doorashooyinka lagu raray una sii kicitimaya galbeedka iyo bariga magaalada , kuwaas oo ay gelbinayeen ciidamadaa qaranka ee ka hawlgala g/awdal.
Jawiga magaalada Boorama ayaa ahaa mid kacsan, balse gelinkii dambe degey, iyagoo dadweynuhu dhinaca kale ku ballamaya goobaha codbixinta oo looga shakisan yahay inay hadheeyaan musuqmaasuq ka yimaadda dhinaca dawladda iyo xisbigaUDUB, lana sheegay inay diyaar la yihiin kumaamaankum kaadh oo la sheegay inay ka iibsadeen, ama ka qaateen goobihii diiwaangelinta ee degaanada G/awdal, loogana shakisan yahay inay ku shubtaan sanaadiiqda codbixinta. 

Comments