Komishanka Doorashooyinka Oo Axsaabta Uga Digay Inay U Dabaal-Degaan Guul Ka Hor Intaanay Ku Dhawaaqin Go’aankooda, Saxaafaddana Ugu Baaqay Inaanay Soo Saarin Natiijo Odoros Ah

“Dadweynaha waxaanu leenahay Somaliland waad u wan-qasheen.. Axsaabta Qarankana Yaanu Xisbi-na Guul Sheeganin oo doorashadii Wacneyd Yeynaan Tukhaantukhinin”
Hargeysa, Somaliland, June 28, 2010 (Saxafi) – Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland, ayaa dadweynaha reer Somaliland ku hambalyeeyay sidii ay u guteen waajibaadkii ka saarnaa doorashadii Sabtidii dorraad dalka ka qabsoonta, isla markaana ay ugu fududeeyeen fulitaanka hawsha doorashada hawl-wadeenadii komishanka iyo axsaabta qaranka ka soo socotay, iyagoo dhinaca kale digniin culus uga jeediyay saddex xisbi iyo Saxaafaddu inay soo saaraan ama odoroosaan natiijo la xidhiidha doorashadii qabsoonta ka hor inta ay Komishanku si rasmi ah ugu dhawaaqayaan natiijada doorashadii sabtidii qabsoontay.
Sidaana waxaa sheegay Guddoomiyaha Komishanka Qaranka Somaliland, Ciise Maxamed Yuusuf (Ciise-Xamari) oo shir jaraa’id xalay caweysinkii ku qabtay xarunta guud ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka ee magaalada Hareysa, shirkaas jaraa’id oo ay sidoo kale goob-joog ka ahaayeen Afhayeenka Komishanka Maxamed Axmed Xirsi Geelle, iyo wakiilo ka socda saddexda xisbi Qaran ee KULMIYE, UCID iyo UDUB.
Guddoomiyaha Komishanku waxa uu ugu horeyn ku ammaanay dadweynaha reer Somaliland sidii fiicnayd ee ay u suurto-geliyeen inay qabsoonto doorashada Madaxtooyada oo dorraad Sabtidii dalka ka dhacday, waxaanu taas ku tilmaamay mid Somaliland mar kale loogu wan-qalay, waxaanu yidhi: “Haddii aanu nahay Komishanka Doorashooyinka Qaranka waxaanu hambalyo u diraynaa dhammaan dadweynihii reer Somaliland ee sida wacan u gutay waajibkoodii una fududeeyay hawl-wadeenadii ka qayb-galay doorashada , ama kuwii komishanka ha noqdeen ama goobjoogayaashii xisbiyada iyo dhammaan dadkii kale ee ka qayb-galay hawshaas fulinteedii, ammaan weyna waanu u haynaa, waxaanuna leeyahay Somaliland waad u wan-qasheen.”
Waxa kale oo uu guddoomiyaha Komishanka Ciise Xamari digniin adag u jeediyay Axsaabta qaranka isagoo uga digay in xisbi xisbiyada ka mid ahi sheegto guul ama yidhaahdo xisbigayagaa ku guulaystay doorashadii qabsoontay, taas oo xusay inay keeni karto buuq, isla markaana wiiqi doonto doorashadii sida fiican dalka uga dhacday, waxaanu guddoomiyaha Komishanku carabka ku adkeeyay in iyaguna Komishan ahaan ay ka soo bixi doonaan waajibaadkooda qaran ee hawshaas ay uga xilsaaran yihiin, isagoo arrimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi: “Waxaa inoo bilaabmaya wejigii labaad oo ah inaanu tirino, hubino iyo inaanu yeedhino jawaabtii (natiijadii) ka soo baxday doorashadii aynu Sabtidii (dorraad) galnay, haddaba si ay taasi u suuro gasho waxaanu doonaynaa dhammaan dadweynaha reer Somaliland, taageerayaasha axsaabta, Saxaafadda iyo saddexda xisbi qaran inay ka digtoonaadaan inay sheegtaan natiijo oo ay cidi guul sheegato oo ay tidhaahdo annagaa guulaysanay, taas oo keeni karta  hadhowto inay buuq inagu abuurto, wixii wacnaa ee ay soo qabateen yeynaan tukhaantukhinin, wixii wiiqayana aan ka ilaalino, insha Allaah annaguna lumin-mayno hawshaas wanaagsan ee aad qabateen siday tahay ayaanu uga soo baxaynaa, siday tahayna jawaabteeda waad u helaysaan.”
Ugu dambayntii guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Qaranku waxa uu si gaar ah digniin ugu jeediyay Saxaafadda Somaliland iyo ta caalamka ee ka hawl-gasha Somaliland inay baahiyaan ama soo saaraan natiijo odoros ah oo keeni kara khalkhal, sidaas darteedna waxa uu saxaafadda u soo jeediyay inay sugaan inta ay komishan ahaan soo saarayaan go’aanka natiijada doorashadii dalka ka dhacday, waxaanu yidhi: “Waxaan ku adkaynayaa saxaafadda dhammaantooda inay ka digtoonaadaan, iskana ilaaliyaan wax odoros ah inay sii daayaan ama natiijo odoros ah, taasaana bilaabi karta khalkhal, inta go’aanku naga soo baxayana hala sugo.” 
Arrintan ayaa u eg mid ay komishanka Doorashooyinku kaga hortegayaan sidii dhacday doorashadii Madaxtooyada ee sannadkii 2003, taas oo ka hor intii aanu Komishankii wakhtigaasi ku dhawaaqin natiijadii ku-meel-gaadh ahayd ay xisbiga KULMIYE iyo taageerayaashiisu u dabaal-degeen inay ku guulaysteen doorashadaas, hase yeeshee markii dambe isbedeshay markii ay Komishanka doorashooyinku ku dhawaaqeen natiijadii ku meel-gaadhka ahayd, taas oo ay ku sheegeen in 80 cod uu xisbiga talada hadda haya ee UDUB ku guuleystay, inkastoo la odhan karo doorashada hadda la galay way ka duwan tahay tii hore, iyadoo la saadaalinayo in tiro taas hore ka badan lagu kala guulaysto, haddana waxay digniintani ka hortegaysaa in muran ka yimaado natiijada lagu kala guulaysan doono ka hor inta aanay komishanku iclaamin cidda ay aqlabiyada shacabku u dooratay inay talada dalka hoggaamiso.

Comments