KULMIYE Oo Sharci-Daro Ku Tilmaamay Xadhigga Axmed Xaashi Oday Oo Muddo 3 Maalmood Ah Xabsiga Ku Jira

Hargeysa, Somaliland, June 29, 2010 (Saxafi) – Xisbiga Kulmiye ayaa sheegay inuu sharci daro ku xidhan yahay Axmed Xaashi Oday oo ka tirsan xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE oo maalintii doorashada dhacaysay la xidhay.
Axmed Xaashi Oday oo ka mid ah guddida fulinta ee xisbiga kulmiye ayaa maalintii doorashada sabab la’aan la iskaga xidhay, isagoo ilaa hadda ku jira saldhiga dhexe ee magaalada Hargeysa.
Mar duhurnimadii shalay ay weriyeyaal ka tirsan wargeyska Saxafi Axmed Xaashi Oday ku booqdeen saldhigga dhexe ee Bileyska Hargeysa ayaa waxa uu sheegay in la iskaga xidhay sabab la’aan, isla markaana dadkii xidhay aanay u iman, waxaanu sheegay inuu iskaga jirayo ilaa inta ay imanayaan dadkii xidhay.
Xoghayaha guud ee xisbiga KULMIYE Keyse Xasan Cige ayaa saraakiisha bileyska ka codsaday inay xoriyaddiisa u soo celiyaan Axmed Xaashi Oday, kaas oo uu sheegay inuu ku xidhan yahay si sharci-darro ah.
Xoghayaha KULMIYE oo shalay soo saaray war-saxaafadeed kooban oo uu ku lifaaqan yahay qoraal codsi ay taliyaha Bileyska kaga dalbadeen sii-deynta masuulkaas ka tirsan xisbiga KULMIYE, ayaa waxa uu ku sheegay in xadhigga Axmed Xaashi ay ka dambeeyeen masuuliyiin ka tirsan xisbiga UDUB. Waxaanu war-saxaafadeedkiisa ku bilaabay: “Waxaanu aad uga xunnahay inuu ku xidhan yahay Saldhiga Dhexe ee Booliska ee Hargeysa Md. Axmad Xaashi Oday oo kamida Guddiga Fulinta ee Xisbiga Kulmiye iyadoo ilaa hadda aan Boolisku sheegin sababta loo hayo. Markii la weydiiyey madaxda Saldhiga Dhexe sababta loo xidhay waxay sheegeen inuu ku xidhan yahay amarka Taliyaha Ciidanka Booliska.
Ma aha markii ugu horreysay ee madaxda iyo taageerayaasha Kulmiye ay ciidamada Booliska iyo sirdoonka qaranku ay iska xidhaan iyadoon wax dambiya lagu soo oogin.
Md. Axmad Xaashi waxaa laga qabtay Xarunta Shaqaalaha ee Hargeysa habeenimadii la bilaabay tirsiga codadka, waxaana la sheegayaa inay ka dambeeyeen xadhigiisa mas´uuliyiin ka tirsan Xisbiga Udub.
Waxaanu mar kale cambaareynaynaa xadhiga Axmad Xaashi. Waxaanu ku talinaynaa inay sida ugu dhakhsaha badan xorriyadiisa ugu sii daayeen Axmad Xaashi, kana waantoobaan xadhiga, hanjabaada iyo tacadiga loo geysanayo madaxda iyo taageerayaasha Xisbiga Kulmiye.
Waxaanu u qornay warqad Taliyaha Ciidamda Booliska oo aanu kaga codsanayno siidaynta Md. Axmad Xaashi.
Waxanu halkan idinku soo gudbinaynaa nuqul kamida codsigaasi.
“Ref: XK/XG/04012/10 Taariikh:-  28/06/2010
KU:  Taliyaha Ciidamada Booliska, Hargeysa
OG:  Hogaanka Xisbiga, Hargeysa
Ujeedo: Codsi
Waxaa ku xidhan Saldhiga Dhexe ee Booliska seddexdii  maalmood ee ugu dambeeyey  Md. Axmad Xaashi Oday oo kamida Guddiga Fulinta ee Xisbiga Kulmiye iyadoo aan la ogeyn sababta loogu hayo Saldhiga.
Waxaanu idinka codsanaynaa inaad Md. Axmad aad marisaan wadada sharciga, haddii kalena aad u sii daysaan xorriyadiisa.
Allah Mahad Leh,
Md. Kayse Xasan Cige
Xoghayaha Guud ee Xisbiga”
Dhanka kale waxa isaguna xadhigan ka hadlay Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Kulmiye, waxaanu ku tilmaamay arrin xaqdaro ah oo sharciga aan waafaqsanayn, isla markaana waxa uu tallaabadan ku tilmaamay inay tahay mid kibir ah oo dadka la iskaga xidh-xidhayo.
Waxa isaguna arrintan ka hadlay xoghayaha warfaarinta ee xisbiga KULMIYE Maxamed Cilmi (Ilka case) oo isaguna sheegay inay ka xun yihiin xadhigga Axmed Xaashi iyo taageerayaal kale oo iyagana la xidhay oo ka tirsan xisbiga Kulmiye, waxaanu saraakiisha booliska ka codsaday in wadada sharciga ah la mariyo ama la siidaayo

Comments