Labadii Wasiir Ee Xukuumadda Iska Casiley Oo Taageero Ka Lumiyey Xisbiga KULMIYE Iyo UDUB Oo Shaanbad Kaga Dhigtay Kana Faa’iidaysatay

Hargeysa, Somaliland, June 28, 2010 (Saxafi) – Dadweynaha Somaliland ayaa sheegay in teegeero badan ay ka lumen labadii wasiir ee dhawaanta iska casilay xukuumada Madaxweyne Rayaale, ka dib markii ay Xukuumaddu fursad u heshay borobogaadhno ka dhan ah xisbiga KULMIYE, taas oo keentay inay taageeraal badan oo xisbiga markii hore ahaa ku kasbatay.
Dadbadan ayaa aaminsan in labadaas wasiir ee mar is wada casilay ee ku soo beegmay xilli uu ololuhu dhamaaday ay keentay in dad badan oo hore u ahaa KULMIYE ay ka leexdeen wakhti daayici, waxaana kasbashada dadkaas xukuumadda ka caawiyey Tv-ga dawlada oo si weyn bulshada ugu tilmaamay sabab aana hayn sababta ay sheegeen labadaas wasiir ee is casilay, taas oo suurtagaliyey in dad badani ay rumaystaan hadalka Madaxweyne Rayaale ee uu sheegay in uu daacad u ahaa wasiiraad balse uu sheegay in waxyaalo aanu magac dhabin in ay u qarsoonaayeen.
Hadalka Madaxweynaha iyo raxan wasiir ah oo arrintaas mar qudha ka wada hadlay ayaa noqotay mid soo jiidata dhagaha dadweynaha.
Dad badan oo aanu maalintii doorashada kula kulanay goobaha laga codbixinayey ayaa noo sheegay in markii hore ay taageersanayeen xisbiga KULMIYE, balse labadii maalmood ee ugu dambeeyey ka leexdeen xisbigii ay hore u taageersan yihiin.
“Waligay madaxweynaha hadalkiisa saamayn iguma yeelan jirin, laakiin hadalkii uu maalintii dhowayd warbaahinta ka sheegay ee uu yidhi anigu daacad aayan u ahaa wasiiradaas ee iyaga wax kale u hooseeyey ayaa igu keentay in ay fikirkeyga bedesho oo aan ka leexdo xisbigii markii hore aan taageersana, waayo madaxweynuhu waxa uu ku calaacalay  oo uu sheegay in doorkii horaba lagu doortay somalilandnimo imimana la igu dooranayo sidaas.
Marka hadalkaasi ayaa aniga si weyn I soo jiitay, taas ayaa bedelay mawqifkaygii, wasiiradaas marka kaliya iscasilayna waxay ka lumeen xisbiga taageero, in badan oo shacabka ka mid ahina waa ila mid ayaan u malaynayaa ?” sidaas waxa yidhi nin magaciisa iigu sheegay Axmed Maxamed oo ku jira safka uu codka ka bixinayey.
Qaarka mid ah dadweynaha ku dhaqan caasimadu waxa ay aaminsan yihiin in arrinkan iscasilaadu ay siyaasad ahayd oo la doonayey in wax loogu dhimo xisbiga KULMIYE si ujeedooyin kale loogu macnaysto.
 “Anigu waxaan aaminsanahay in labadaas wasiir ee iscasilay ay ahayd siyaasad ay ka dambeysay Xukuumadda madaxweyne Rayaale, isla markaana ay ku soo beegantay  wakhti  ay xasaasiyad taagan tahay, waayo markii ay iscasileen habeenkii ku xigay dhamaan golaha wasiiradu ayaa ka wada hadlay, kuwaas oo ku xidhay dhacdadani inay  la mid ahayd dhacda wakhtigii xukuumadda Cabdiraxmaan Tuur dhacday oo isla sidan wasiiro hal mar isku casileen, taasina waxay saamayn ku yeelatay taageerayaal badan oo uu haystay oo markii dambe ka caloolyoobay inay xisbiga u codeeyaan, ” sidaasna waxa yidhi wiil dhalinyaro oo ka faaloonayey xisbiyada.
“Waxaan filaayey in aanay UDUB soo heybsan KULMIYE, oo uu kulmiye ku soo labanlaabmo, aad ayaan uga xumahay in ay xiitaa isku soo dhawaadaan, dadku wakhtigii ololaha lagu jiray aad baa loo taageersana laakiin imika waxa la sheegay in ay meelaha qaar isku dhow yihiin, sidaasna maan jeclaysan” sidaas waxa yidhi wiil kale oo aanu kula kulnay xarunta KOmishanka Doorashooyinka oo sitay waraaq ay ku qoran yihiin goobo laga codbixiyey, isla markaana ka warwarsanaa in uu xisbiga uu taageersan yahay ee KULMIYE laga badiyo.
Si kastaba ha ahaatee, dadkii shalay ka agdhowaa xarunta komishanka oo qorananey inta ay is dheer yihiin xisbiyadu ayaa tilmaamay in xisbiga kulmiye taageero badan ku waayey wasiiradaas iscasilay ee hadana KULMIE ku biiray, taas ayaa dadka qaar sheegayaan in codad badan ka  lumeen.
Taageerayaasha xisbiyada KULMIYE ayaa siyaabo kala duwan uga hadlayey guushooda iyo guuldarada, igoo kolba dhinac ka eegaey waxyaalaha ay taageerada ku helaaan iyo waxyaalaha naaqus kara kasbashada dadkooda, arimahana waxay ahayd waxyaalaha ay xisbigooda ku dhaliilayeen. 

Comments