“Maanta Maalin Aanu Muuse Biixi Iskaga Dhawnahay Weligayo Maanu Arag” Axmed Siillaanyo


“Xisbiga UDUB Ee Jabay Habaarkoodu Waa Dibada, Waxaanan Leeyahay Hoostiina La Hela Oo Idinka Ha Idinku Eekaado” Muuse Biixi
Hargeysa, Somaliland, June 21, 2010 (Saxafi) – Guddoomiyaha xisbiga siyaasiga ah ee Kulmiye Mujaahid Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo wefti sare oo ay xubno ka ahaayeen guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee xisbiga Kulmiye Mujaahid Muuse Biixi Cabdi, guddoomiyaha ololaha doorashada gobolada Bariga Dr. Maxamed Cabdi Gaboose iyo saraakiil sarsare oo ka rirsan xisbigaas ayaa shalay dib ugu soo laabtay magaalada Hargeysa ka dib markii ay diyaarad khaas ah ka soo raaceen magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag.
Weftigan uu horkacayay guddoomiyaha xisbiga Kulmiye oo muddo laba toddobaad ah socdaalo ku soo marayay gobolada Bariga ayaa markii uu shalay ka soo degay madaarka Caalamiga ah ee Hargeysa, waxaa halkaas si diiran ugu soo dhaweeyay xubno sarsare oo ka mid ah xisbiga kulmiye, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Xoghayaha guud ee xisbiga Kulmiye, guddoomiyaha ololaha doorashada ee gobolada galbeedka, guddoomiyaha ololaha doorahsada ee gobolka hargeysa, xoghayaha maaliyada, xoghayaha warfaafinta iyo xubno ka jid ah golaha dhexe ee xisbigaas.
Guddoomiyaha iyo ku xigeenkiisa koowaad oo saxaafadda ugu waramayay qolka nasashada ayaa sheegay inuu socdaalkoodu ahaa mid ay ugu kuurgalayeen xaalada dhaqan dhaqaale ee shacabka ku dhaqan goboladaas iyo waliba ololeha doorashada.
Guddoomiyaha oo uu xilligaa barbar fadhiyay guddoomiye ku xigeenkiisa 1-aad ayaa war aan sal iyo raad toona lahayn ku tilmaamay wararka sheegaya in uu khilaaf soo kala dhex galay hoggaanka xisbooga, waxaanay si wada jir ah u sheegeen in warkaasi uu ku kooban yahay xisbiga UDUB iyo xukuumada ay hada taladeedu sii dhamaanayso.
“Waxa aanu soo marnay gobolka Togdheer qaybo ka mid ah, Sanaag, qaybo ka mid ah gobolka Sool iyo waliba Oodweyne, meel kasta oo aanu soo marnayna aad iyo aad ayaa naloogu soo dhaweeyay, aniga oo ka faa’iidaysanaya fursadan ayaa waxa aan jecelahay in aan hambalyo u diro dadkii tirade badnaa ee na soo dhaweeyay, mahadnaq aad u balaadhan ayaanu u soo jeedinaynaa dhamaanba, dhamaana dadka waxa aan leeyahay aynu u diyaar garowno doorashada madaxtooyadda, si nabad ahna u ilaaliya amaanka, kana hortaga wax kasta oo dhibaato inagu keeni kara,” ayuu yidhi Axmed Siillaanyo isagoo ka warbixinaya socdaalkii ay dhawaan ugu baxeen gobolada bariga.
Intaa ka dib waxa ay wariyeyaashii shirkaas shirkaas jaraa’id goob jooga ahaa ay weydiiyeen su’aalo, waxaanay u dhaceen sedan.
Gudoomiyaha KULMIYE oo ka jawaabayay su’aal laga weydiiyay waxyaabihii socdaalkooda goboladaas uga soo baxay iyo sidii halkaas loogu soo dhaweeyay ayaa yidhi: “Gobolada aanu soo marnay oo dhan waxa aanu dadka kala kulanay soo dhaweyn laxaad leh, waxaanan uga mahadnaqayaa dadkii deegaankaas nagu soo dhaweeyay sidii fiicanayd ee ay noola dhaqmeen, runtiina waa mid aanan ilaabib Karin oo taariikhda geli doonta, taasina waxa ay na gelisay kalsooni aad ah.”
Mar la weydiiyay su’aal u dhignayd “Waxa jiray warar sheegayay in adiga (Axmed Siilaanyo) iyo Muuse Biixi oo ah guddoomiye ku xigeenkaagu uu khilaaf xooggani idin soo kala dhex galay, arrintaas bal idinka oo sida wada jir ah uga hadlaya maxaad kaga jawaabi lahaydeen” ayuu Axmed Siillaanyo kaga jawaabay “Guusha uu gaadhay xisbiga Kulmiye ayaa waxa jira rag ka soo hojeeda oo doonaya in ay colaad aan jirin xisbiga ka dhex abuuraan, wax aan ahayn wada shaqayn iyo wada socod iyo wanaag aan ahayn mooyaane wax kale oo na dhex maray ma jirto, Muuse Biixina waxa jirtay marar badan oo uu arrintan ka jawaabay, maantana waaba ka halkan jooga, way na soo gaadheen wararkaasi, laakiin dadka faafinaya maad weydiisaan oo aad tidhaahdaan saw kuwan wada socda arrintaas xageebaad ka keenteen ayay ahayd, markaa xageebaanu iska qabanay, maanta maalin aanu iskaga dhawnahayna waligayo maanu arag.”
Sidoo kale Mujaahid Muuse Biixi oo isla su’aashaas ka jawaabaya ayaa yidhi: “Horta qoliyihiinan saxaafadda, wax walba waad qaadaan, dadkana waad weydiisaan, waar qoladan UDUB ee jabtay habaarkoodu waa dibadda, iyaga ha ku eekaado, idinka ayaaba wax ka soo qaadaayee, wax aleyaale wax ay tarayaan ma jirto, waxaanay aniga ila tahay in arrintaasi ay tahay mid ku eg hadhaagii UDUB, kuwaas oo waayay miciin aan ahayn habaar.”
“Waxa jira warar sheegaya in markii aad tagtay magaalada Oodweyne aad sii kaxaysatay ciidan tiro badan oo ahaa ciidan beeleed arrintaas maxaad ka leedahay” ayaa haddana la weydiiyay gudoomiyaha KULMIYE, waxaanu taas kaga jawaabay: “Arrintaasi waa mid aan sal iyo raad toona lahayn, waxa ila socday odayaashii degaanka iyo siyaasiyiin ka soo jeeda deegaankaas, markaa mabayn oolin xaalad aan ku kaxaysto ciidan beeleed, waana degaan sida runta ah si weyn nalooga soo dhaweeyay, markaa ciidamada aad sheegaysaa waa dacaayaadka aanay waxba ka jirin.”
Mujaahid Muuse Biixi Cabdi, oo isna isla su’aashaas ka jawaabaya ayaa yidhi “Ina rayaale waa murashax oo waxa uu wataa intaas oo tikniko ah, Axmed Yuusuf Yaasiin oo ah murashaxa madaxweyne ku xigeenka UDUB ayaa isna waxa uu wataa intaas oo tikniko ah, murashaxa xisbiga UCID iyo ka Kulmiye midna ciidan qaran oo la soo raaciyay ma jirto, marka la doonayao in doorashada loo diyaar garoobayo, la iskama ilaalinayo cadow, waa maxay caqliga odhanaya murashaxiinta ku tartamaysa doorashada madaxtooyada midna tiknikadii qaranka halagu ilaaliyo midna ha la dayaco.”
Ugu dambayntii gudoomiyaha KULMIYE Axmed Siillaanyo oo la weydiiyay nolosha dadka gobolada bariga ay ku nool yihiin, ayaa ku jawaabay “Nolosha dadkaasi walaahi aad iyo aad bay u hoosaysaa, haddii ay noqoto dadka iyo waliba jidadka aanu maraynay oo dhan, dadkaasna wax aleyaale wax loo qabtay ma jirto, waxa ugu daranina waa jidadka iyo baahiyaha kale ee badan, waa dad aad arkayso in la dayacay.”

Comments