Madaxwayne Rayaale Oo Weedho Xanaf Iyo Cambaareyn Leh Ku Soo Gunaanaday Tartankii Ololaha Xisbiga UDUB
“KULMIYE Waxa Ku Jira Rag Ku Sifoobay Xag-Jirnimo…Dalna ma hagi karo niman cadhaysan oo iyagoo aan xilka qaban waanu aargoosanaynaa leh”
Hargeysa, Somaliland, June 22, 2010 (Saxafi) – Madaxweynaha Somaliland ahna musharaxa jagada Madaxwaynenimo ee u tartamaya xisbiga talada dalka haya ee UDUB Daahir Rayaale Kaahin, oo shalay khudbadiisii gebogebada ololaha xisbiga UDUB ka jeediyay fagaaraha beerta Xoriyadda Hargeysa ayaa xisbiga KULMIYE ku tilmaamay mid ay ku jiraan rag ku sifoobay xagjirnimo.
Isu-soo-baxan shalay ay sameeyeen xisbiga UDUB ayaa ahaa maalintii u dambaysay maaalmihii Ololaha doorashada ee xisbiga UDUB kaltanka u yeeshay.
Madaxweyne Daahir Rayaale, Wasiiro ka tirsan xukuumada iyo madaxda xisbiga ayaa kala qaybgalay isu soo baxa taageerayaasha xisbiga UDUB isugu soo baxeen Beerta Xoriyadda Hargeysa, halkaas oo uu khudbad uga jeediyey madaxweyne Riyaale, kaas oo hoggaamiyeyaasha asxaabta mucaaradka ku tilmaamay kuwo cadhaysan oo doonaya in ay aargoostaan, isagoon madaxweynuhu cadayn ragga uu sheegay kuwo ay yihiin.
Musharaxa Madaxweynaha ee xisbiga UDUB Daahir Rayaale Kaahin waxa kale oo uu sheegay in xukuumadda xisbiga UDUB ay qabatay wax badan oo lagu faani karo, waxaanu tilmaamay in ay Xukuumaddu wax ka qabatay dhinacyada waxbarshada, caafimaadka iyo fidinka maamulka oo uu sheegay inay tahay wax sida cadceeda u cad oo aan la qarin karin.
Rayaale oo ka hadlaya kaltanka ololaha ee soo gebogabawday ayaa yidhi “Maanta (shalay) waxaanu u taaganahay maalintii ugu dambaysay ee ololaha xisbiga UDUB uu u lahaa, iyadda oo doorashadii ay inaga xigto maalmo kooban, xisbiyada tartamaya, xisbiga UDUB waa hooyadii dimuqraadiyadda Somaliland, dimuqraadiyadda xisbiga UDUB ayaa bilaabay waa hooyadii nabada Somaliland, intii xisbiga UDUB talada dalka hayay ma balaayo ayaa dalka ka dhacday?, nabadbaa ka dhacday. Xisbiga UDUB waxa uu ummadda balan ugu qaadayaa midnimo, walaaltinimo, shacabka Somaliland oo ul iyo diirkeed ah oo aan la kala qayb-qaybin, waxa ka reeban xisbiga UDUB xag-jirnimo, xisbiga KULMIYE rag badan oo xag-jirnimo ku sifoobay ayaa ku jira, xagjirnimadu waa noocyo badan, xisbiga UDUB mid caadifad ku shaqeeya maaha, waa xisbi dagaanaanshiyo oo arrin kasta ka fiirsada. Dal waxa hagi kara hogaan talada ka fiirsada oo meel gaadhsiin kara, ma hagi karo niman cadhaysan oo iyaga oo aan xilka qaban waanu aargoosanaynaa leh dad ma hagi karaan.
Nimanka maanta sii dhaaranaya ee leh dadkayaga ayaanu ka aarsanaynaa baritana maxay samaynayaan, wax aan loo joogin ayay samaynayaan. Waxaan halkan idiinka sheegayaa xisbiga UDUB mudadii uu joogay waxqabad ayuu muujiyay wixii uu qabtay wax la qarin karo maaha oo sida qoraxda ayay u muuqataa, haddii ay tacliin tahay, haddii ay caafimaad tahay iyo haddii ay tahay fidinka maamulka oo dalka oo dhan la gaadhsiiyay, xisbiga UDUB ayaa sameeyay wax alaale wax xisbiyada kale ku darsadeen ma jirto. ”
Rayaale isagoo hadalka siiwata waxa uu yidhi “Xisbiga UDUB waa xisbi u taagan midnimada iyo wada noolaanshaha umaddan, waa xisbi ay ka reeban tahay wax kasta oo xajiin ah oo bulshada dhexdeeda laga samaynayo, waa xisbi u taagan in qaranka la isku hayo ilaa waligiiba oo uu noqonayo qaran jira oo uu ummadaha ka mid noqonayo.
Rag baa yidhaahdaa Maxjarka waanu baa’bi’inaynaa adeer xoolihii Sucuudiga dib ugu noqday ayaan baa’bi’inayaa ayuu leeyahay taas ma danbaa ummadda ugu jirta. Waxa aan idiin sheegayaa inay qolada Bolour ay dhisayaan dekedeena Berbera oo ay ku darayaan qayb koontiinarada ah, laba qaybood oo Koonteenaro ah ayaa laga samaynayaa midna Wajaale midna Berbera si xoolaheenu uga dhoofaan Itoobiya. Walaalayaal waxa inoo balan ah in 26-ka Juun aad UDUB codka ugu ridaan. ” Ayuu ku soo xidhay madaxweynuhu hadalkiisii.
Comments
Post a Comment