Masuuliyiinta Mucaaridka Ee Awdal Oo Ka Qayliyey Xafiiska Komishanka Oo La Dejiyay Xarunta Badhasaabka
Boorama, Somaliland, June 21, 2010 (Saxafi) – Masuuliyiin ka tirsan xisbiyada Mucaaridka ee UCID iyo KULMIYE ee gobolka Awdal, ayaa si adag gaashaanka ugu dhuftay tallaabooyin ay Komishanka gobolka Awdal qaadeen, waxaanay caddeeyeen inaanay doorashada ku geli Karin haddii aan si degdeg ah arrimahan oo ay ku tilmaamay kuwo khatar geli kara xor iyo xalaalnimada codbixinta doorashada Madaxtooyada ee gobolka Awdal.
Sida uu ku soo waramay weriyaha Saxafi ee gobolada galbeedka Maxamed Cumar Sheekh, shir jaraa’id oo ay shalay Boorama ku qabteen Xildhibaan Abuubakar Cabdiraxmaan Good oo ka tirsan golaha Wakiilada Somaliland, Axmed Muxumed Geelle (Dacar) oo ah Afhayeenka xisbiga KULMIYE ee gobolka Awdal, Cali Xaamud Jibriil oo isna ka tirsan saraakiilka gobolkaas ee xisbiga KULMIYE iyo Axmed Muumin Seed oo ah Xidhiidhiyaha gobolada Awdal iyo Selel ee xisbiga UCID oo isagu isgaadhsiinta telefoonka kaga qayb-galay shirkaas jaraa’id, ayaa waxay kaga hadleen saddexda arrimood ee ay sheegeen inay ku dhaqaaqeen masuuliyiinta komishanka ee gobolka Awdal.
Masuuliyiintani waxay sheegeen xafiiskii komishanka gobolka Awdal laga dhigay xafiiskii gudoomiyaha gobolka Awdal, halka xafiiskii komishanka ee degmada Boorama isna la dejiyay xafiiskii Maayarka Boorama, taas oo u muuqata inaanay marnaba xafiisyada komishanka ee gobolka iyo degmaduba noqonayn kuwo ka madax banaan maamulka gobolka Awdal iyo degmada Boorama.
Waxa kale oo ay masuuliyiintani shirkooda jaraa’id ka sheegeen in 59ka hawl-wadeen ee Komishanku u dhaariyay inay ka hawl-galaan goobaha codbixinta, lana qorsheeyay in loo qaado gobolada kale ee dalka laga reebay 39 ka mid ah, laguna daayey inay ka hawl-galaan degmooyinka Lughaya iyo Saylac, taasna waxay masuuliyiinta xisbiyada mucaarid sheegeen inay ka soo horjeedaan in hawl-wadeenada laga bedelo qorshihii komishanka Qaranku u soo qorsheeyay, sidaas darteed aanay marnaba ogolaanaynin.
Masuuliyiintan ayaa arrintan saddexaad ee ay shirkoodan jaraa’id ka sheegeen inay ka soo horjeedaan ku tilmaamay nin magaciisa la yidhaahdo Maxamed Daheeya oo hore u ahaan jiray maayarka Boorama, isla markaana ah xubin ka tirsan golaha dhexe ee xisbiga UDUB oo laga shaqaaleysiiyay xafiiska Komishanka ee gobolka Awdal. Maxamed Daheeya ayaa ah nin uu Abti u yahay Madaxweyne Rayaale, isla markaana ay isku jufo ka soo jeedaan.
Ugu dambeyntii waxay masuuliyiinta ka dhawaajiyeen inay guud ahaanba saddexdan arrimood si weyn uga soo horjeedaan, isla markaana aanay doorashada ku gelayn haddii aan wax laga qaban.
Sida ay ilo xog-ogaal ahi Saxafi u sheegeen arrinta xafiisyada gobolka Awdal iyo degmada Boorama ee Komishanka la dejiyay ayaa waxa ka dambaysay wasaaradda Daakhiliga oo iyadu ku khasabtay wakiilada Komishanku inay degaan xafiisyada Badhasaabka Awdal iyo Maayarka Boorama, iyadoo sidoo kalena la sheegay in xafiisyadaas laftoodu ay yihiin kuwo ku yar shaqaalaha ka hawl-gelaya wakhtigan iyo muddada doorashadaba.
Sidoo kale 59 hawl-wadeen ee komishanka shalay loo dhaariyey lana qorsheeyay in la geeyo gobolka kale ee dalka, ayaa la tuhunsan yahay in qorshaha lagaga reebay 39-ka hawl-wadeen uu ka shaqeeyay xubinta komishanka kaga jirta gobolka Awdal, Faarax Abiib Suldaan (Asbiima), taas oo ay labada xisbiba si weyn uga soo horjeedaan.

Comments
Post a Comment