Maxaa Keenay In TV-ga Universal Barnaamiyadiisa Ugu Kala Eexdo Xisbiyada Siyaasadda Somaliland
Faallo – Maxamed Cumar, Weriyaha Saxafi ee Boorama
Telefiishanka satellite-ka ku jira ee Universal, kuna jihaysan dalkii la odhan jiray Soomaaliya ayaa indhawaaleba sii deynayey baarnaamijyo la xidhiidha ololaha doorashada Somaliland, siyaasiyiinta Somaliland iyo guud ahaanba jawiga doorashooyinka Somaliland. Barnaamijyada ka baxa TV-ga af-soomaaliga ku hadla, ayaa inta badan laga dareemayey inuu si aan isku dheellitirrnayn u sii deynayey barnaamiyadii ololaha ee xisbiyada siyaasadda oo kala ah UCID, Udub iyo Kulmiye, kaas oo ama telefishankaas oo qayb ahaan aad moodo inuu barnaamiyadiisa ku muujiyo siyaasiyiin iyo shakhsiyaad reer Somaliland ah ee ku loolamaya doorashooyinka 26-ka Juun.
TV-ga Universal oo ilaa sannadkan bilowgiisiiba ay daawashadiisu ku soo xoogeysanaysay bulshada reer Somaliland, ayaa dhinaca kale istusay inay barnaamiyadiisa siyaasadeed ee Somaliland ku salaysan yihiin arrimo kala duwan oo aan dan u lahayn deggenaanshaha siyaasadda Somaliland.
Inta badan markaan eego barnaamiyada Somaliland iyo siyaasaddeeda ku saabsan ee ka baxa Universal TV waxay cid kastaa garan kartaa sida telefiishankaasi aanu dhex uga ahayn arrimaha siyaasadeed ee Somaliland, isla markaana aad mooddo inuu ka hor imanayo waxa badi shicibka Somaliland doonayaan in lagaga hadlo sida gooni-isu-taagga Somaliland, aqoonsiga, SNM iyo arrimo kaleba, halka telefiishankaasi barnaamiyadiisa ku buunbuuniyo arrimaha dawladda Rayaale, aflagaadeynta xisbiyada mucaaradka ah siiba xisbiga Kulmiye, isagoo dhinaca kalena wakhtiga uu barnaamiyada ka dhanka ah xisbiyada mucaaradka ah uu siiyaa ka yar yihiin kuwa uu siiyo xisbul-xaakimka UDUB iyo madaxweyne Rayaale.
Dhinaca kale tan iyo markii komishanka qaranka Somaliland fasaxay ololaha doorashooyinka Somaliland bil ku dhawaad ka hor, waxa telefiishanka Soomaaliya inta badan iidheh u samaynayey xukuumadda Rayaale, iyo xisbiga UDUB, isagoo inta badan aan barnaamiyadiisa ku soo hadal-q aadin xisbiga Kulmiye, alse marmar ku soo dara xisbiga UCID.
Sida ka muuqata telefiishanka Universal waxa uu inta badan soo daayaa sawirada Rayaale, xisbgiisa iyo shaqooyin, shirar, soo dhaweyno iyo muuqaallo kale oo aan la ogeyn waxay ku soo kordhiyeen Somaliland, halka xitaa wararka caadiga ah aanu telefiishankaasi ku soo qaadin xisbiga Kulmiye iyo madaxdiisa.
Waxaan marakhaati ka ahaa warar ku saabsanaa isu-soo-baxyada xisbiga Kulmiye ee Boorama ka dhacay dhawr jeer, isla markaana wakiilka Boorama u jooga TV-gaasi u diray, oo aanay marnaba soo deynin, halka ay warar iyo barnaamijyo isla Boorama ay ka sameeyeen xisbiyada UDUB iyo UCID si toos ah loo baahiyey, taas oo muujinaysa sida dhexdhexaadnimada ka baxsan ee Universal u kala jeclaysto barnaamiyada siyaasadeed ee Somaliland in kastoon la ogeyn sababta dhabta ah ee TV-ga Universal ugu kala eexdo xisbiyada siyaasadda Somaliland, iyo siyaasiyiinta Somaliland wakhtigan ololaha doorashada, hase yeeshee warar ku dhawdhaw TV-gaasi ayaa sheegeya in arrinta ugu weyni tahay dhaqaale badan oo xisbiga UDUB iyo dawladdu siiyeen masuulyiinta wararka, ama masuulyiinta maamulka ee TV-gaasi, dhaqaalahaas oo lagala masuugay telefiishanada maxalliga ah ee Somaliland saldhiggooduna yahay, sida HCTV iyo Somaliland Space Channel, kuwaas oo dhaqaalaha ka baxaya Somaliland xaq u lahaa inay dawladoodu ku tixgeliso, wixii dheeraad ahna siiso wallaalaheenna Soomaaliyeed, balse looma baahnayn inay dawladda iyo UDUB cadow u arkaan warbaahinta dalka, si loogu baahiyo dacaayadda siyaasadeed ee xisbul-xaakimka, hase yeeshee dawladdu warbaahinta shisheeyaha ka doorbidaan warbaahinta dalalka kale, iyadoo weliba dawladdu haysta ama ku shaqaysta warbaahinta u gaarka ah ee dadweynaha cashuurtiisa laga soo iibiyey. kana jeclaystaan warbaahinta dalalka kale sidaa darteedna telefiishanka Universal wax u dhimi karayo midnimada reer Somaliland, xisbiyada siyaasadda, iyo gooni-isu-taaggaba maadaama masuulyinta TV-gaasi sida caalamka kale aanay aqoonsanayn jiritaanka dawladda Somaliland, kala jeclaysigooda xisbiyadda siyaasadduna Somaliland ka dhigi karo mid la mid ah xaaladda Soomaaliya. , .
Si kastaba ha ahaatee waxa isweydiin leh cadaawadda siyaasadeed ee telefiishanka Universwal ka kasbaday xisbiga mucaaradka ugu weyn ee Kulmiye, kaas oo xisbiyada kale ee UDUB iyo UCID kula tartamayaan madaxtinnimada Somaliland isla markaana aanay ahayn in TV-ga Universal u garba-duubo labada xisbi ee kale ooTV-ga Universal baahin waayo barnaamiyo xitaa xisbigaasi ku bixiyey lacag iyo dhaqaale laga soo ururiyey taageerayaashiisa debedda iyo gudaha, sidaa darteedna uu xisbigaasi haddii talada dalka uu ku guuleysto uu awood u yeelan karo inuu xumayn karo xidhiidhka reer Somaliland, UDUB, iyo telefiishankaasi ka dhexeeya wakhtigan.
Comments
Post a Comment