Maxamed Xaashi Oo Madaxda KULMIYE U Soo Jeediyay Inuu Isbedelkoodu Noqdo Mid Bedela Nidaamkii Hore ee aan Qof Uun La Bedelin
Hargeysa, Somaliland, June 22, 2010 (Saxafi) – Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, oo ka mid ah siyaasiyiinta xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE ayaa sheegay in Somaliland u baahan tahay badbaadin weyn oo ah in nidaamka wax laga bedelo oo aanu isbedelku ku salaysnaan qof qudha oo meesha laga saaro.
Maxamed Xaashi wuxuu sidaasi ku sheegay mar uu shalay ka qeyb galay xaflad uu ku soo dhawaynayay qurbo jooga xisbiga KULMIYE oo lagu qabtay Huteelka Summer Time ee magaalada Hargeysa, iyadoo ay shirkaas jaraa’id qurba-jooga reer Somaliland oo ka koobnaa taageerayaal iyo masuuliyiin xisbiga KULMIYE ah, kuwaas oo baaq u jeediyay shacbiga reer Somaliland oo ay ugu baaqeen inay badbaadiyaan dalkooda oo ay codkooda siiyaan xisbiga KULMIYE.
Eng. Maxamed Xaashi oo geba-gebadii shirkaas hadal kooban ka jeediyay ayaa waxa hadaladiisa ka mid ahaa oo uu yidhi “Waan idin soo dhawaynayaa haddii aad tihiin qurbo jooga Somaliland waxaanan idin leeyahay soo dhawaada oo dhegahayagu aad ayay idiinku furan yihiine’e dalka horumarkiisa ka qeyb qaata. Maanta dalkeenu badbaado ayuu u baahan yahay sida runta ah laakiin taas u socdaa ma aha Hebel hebel ku bedel, laakiin waxa weeye maxaynu damacsan nahay oo xukuumada soo socota aynu ka damacsan nahay?, isbedelka aynu doonaynaa ma aha in reer hebel Wasiir hebel la siiyo.illaa lixdankiina dariiqo xun ayaynu ku soo jirnay oo odhanaya haddii aynu reer Hebel nahay imisa Wasiir iyo imisa Xildhibaan ayaynu leenahay dabeedna way inala taraartay. Taasna waxa kalifay raggii lixdankii mutacalimiinta ahaa ee doorashadii ka qeyb gali waayay ee markii ay Xamar tageen arkeen in Wasiiro jiraan oo Safiiro jiraan oo ay jiraan wax ka weyn waxan ay iyagu isku qoondeeyeen.”
Waxa kale oo uu Eng. Maxamed Xaashi u soo jeediyay in loo baahan yahay in madaxda KULMIYE la tuso inaynu waxqabad u baahan nahay, waxaanu yidhi “Dariiqaasi hore waa dariiq u baahan inaynu ka leexano oo aynu madaxda KULMIYE ku nidhaahno wax qabad baynu u baahan nahay ee darriiqaasi hore aynu ka leexano, oo aynu ka shaqayno waxyaabaha mudnaanta koowaad aynu siinayno oo ay ka mid noqoto horumarinta Waxbarashada, Beeraha, Biyaha, Caafimaadka iyo sidii aynu cunto u soo saaran lahayn.”
Eng. Maxamed Xaashi wuxuu geba-gebadii shirkaas jaraa’id qurbo jooga Somaliland u soo jeediyay inay kaalin weyn ka qaataan horumarinta dalkooda Somaliland.
Comments
Post a Comment