Maxay Kaga Jawaabeen Saddexda Murashax Su’aashii Ahayd: Ma Adigaa Isku Coddeeyay, Haddiise Hal Cod Lagaaga Badiyo Ma Aqbalaysaa?



Hargeysa, June 28, 2010, (Saxafi) – Hogaamiyayaasha xisbiyadda Somaliland ee u sharaxan doorashooyinka madaxtinimada ee dalka Somaliland ka qabsoontay 26-kii June, 2010, ayaa siyaabo kala duwan u qaabilay su’aalo isku mid ah oo ay weriyayaashu weydiiyeen, kuwaasi oo kala ahaa bal inuu musharax kastaa isagu iskugu riday iyo inuu xisbiyada ka soo horjeeda midkood u codeeyay, iyo weliba waxa uu yeeli doono haddii lagaga adkaado hal cod oo keli ah.
Haddaba, ugu horeyn madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin, oo isagu ahaa musharaxii ugu horeeyay ee codkiisa ka dhiibtay doorashada saddexda musharax ee u taagan madaxtinimada, waxa uu isaga oo ka hadlaya arrinta inuu aqbali doono natiijada ka soo baxda doorashada waxa uu yidhi. “Waan aqbali doonaa, si wanaagsana waan ugu wareejin doonaa, haddii la iga helo doorashada” hase yeeshee mar madaxweynaha la sii weydiiyay, haddii hal cod lagaaga helo maxaad yeeli doontaa, waa uu ka gaabsaday wax jawaab ahna kama bixin.
Sidaasi oo kale, waxa la weydiiyay su’aasha kale, ee ah, “Madaxweyne, codkaaga ma adiga ayaa iskugu riday, mise musharaxiinta kaa soo horjeeda ayaad siisay?” hase yeeshee Madaxweynuhu wuxuu su’aashaasi kaga jawaabay aamus.
sidoo kale, Gudoomiyaha xisbiga MUcaaradka ah ee KULMIYE, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo aanay noo suurto gelin in aanu ka helno goobtii doorashada, maadaama oo uu ahaa musharaxii ugu dambeeyay ee codkiisa goobta guriga shaqaalaha codkiisa ka dhiibtay. Balse weriyayaal ka tirsan wargeyska Saxafi oo laba maalmood doorashada horteed kula kulmay huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa, ayaa isaga oo ka jawaabaya inuu aqbali doono natiijadda haddii lagaga helo doorashada in ka yar tiradii markii hore lagaga guulaystay waxa uu yidhi. “Ilaahay inaguma keenee, natiijadda ka soo baxda doorashada horeba waan u sheegay in aan ku kalsoonahay shacbiga codkooda dhiibanaya iyo Komishanka doorashooyinkaba, waananu aqbalaynaa  natiijadda”.
Balse taasi bedelkeeda, Gudoomiyaha xisbiga qunyar socodka ah ee UCID, Faysal Cali Waraabe, ayaa isagu si aan gabasho lahayn uga jawaabay labada su’aalood ee kala ah, haddii hal cod lagaaga helo ma hanayn doontaa? Iyo Gudoomiye codkaaga ma adiga ayaa iskugu ridaya, mise musharaxiinta kale ayaad u codaynaysaa? Waxaanu Faysal Cali Waraabe, isaga oo arrintaasi ka hadlaya yidhi. “Hal cod haddii la igaga helo iyo haddii boqol cod la igaga helaba, waan hanaynayaa Insha Allaah. Waana in la ogolaadaa go’aanka shacbiga, go’aanka Ilaahay Subxaanahu Wa Tacaalaa”. Hase yeeshee, Gudoomiyaha oo la weydiiyay, su’aasha kale ee ah inuu isku codaynayo iyo inuu codkiisa siinayo musharaxiinta ka soo horjeeda waxa uu yidhi. “Horta hal cod, ma keeno kala duwanaasho (different), laakiin (Ilaahay baa Mahad leh SUbxaanahuu wa tacaalaa) waxaan siinayaa, codkayga aniga ayaa iskugu ridaya”

Comments