Mr. 20% Oo Soddon Kun Oo Dollar Laaluush Kaga Qaatay Agoontii Mujaahid Maxamed Cali

By Cabdirasaaq Sh Cali Askar
Xoriyadda aynu maanta ku naaloonayno ma’aha mid dhayal innagu soo gashay, waxay ku timid kadib markay nafahoodii qaaliga ah u hureen boqolaal kun oo mujaahid ahi, tiro intaa leegina ay xubanahoodii qaaliga ahaa ku waayeen. Waxaan qabaa in aynaan maanta wax jira aynaan noqoneen oo aynaan xoriyadan iyo qarankan ahaaneen, haddii aan alle inoo bixin mujaahidiintaa halganka ku shahiiday.
Mujtamaca caalamku shakhsiyaadka nafahooda u hura qaranimadooda, kuwa ku naafooba iyo maatiyaha ay ka tagaanba waxay u hibeeyaan maqaamka ugu sareeya ee nololeed si ayna u xasuusan shakhsiyaadkii ku qaaliga ahaa ee kabaxay iyo waliba kuwa kunaafoobay oo xubnahoodii ugu mudnaa ee ay ku waayeen aanay isku ciil kaambiyin.
Dib haddaan u milicsado ujeedada qoraalkaygan , shaki kuma jiro in xukuumada hadda talada haysaa ee Daahir Rayaale hormoodka ka yahay inay dalkan ay umaddiisu daranyada ku nooshahay ay ka urursadeen malaayiin doolar mudadii ay talada dalka hayeen balse dhacdada xusida mudani waxay tahay in ay ka xishoon wayday Agoomihii iyo maatidii mujaahidiinta aynu soo xusnay oo halkii ay wax ugu qaban lahayd kula kacday ficilo laga yax-yaxo oo shacabka intii maqashay ku beertay warwar xoogan intii aan maqalna aan go’aansaday inaan warbaahinta ugu soo bandhigo. Muddo dhawr bilood laga joogo ayay ahayd markii Agoontii Marxuum Corneel;Maxamed Cali oo lagu naanaysi Jirey ( Kaarto-Ayuub) alle ha u naxariistee oo ahaa mujaahid dalka usoo halgamay kuna geeriyooday isaga oo ku guda jira hawl qaran uu Madaxweyneheenii hore ee geeriyoodalay alle ha u naxariisto e Maxamed Ibrahin Cigaal uu u hibeeyay oo uu siiyey agoonta dhul ama baloodho ku yaal oo dhinaca koonfureed kaga beegan xarunta kaydka dawooyinka ee layidhaa Asbima , baloodhadaa oo ay agoontu go’aansatay inay dib u iibsadaan si ay uga helaan hooy( guri) iyo faraqabsiimo ay noloshooda kula tacaalaan maadaama oo ay jiraan ubad badan iyo hooyadood, waxa intaa raaca iyaga oo ay u wada dhamaayeen guud ahaan waraaqihii ( documents) caddaynayey inuu siiyey Marxuum Cigaal, waxaase timid in uu Wasiirka Hawlada Guud Siciid Sulub ganafka ku dhuftay oo uu u diiday inay talaabadaa iibka qaadaan muddo haddal uu socday kadib waxa uu Wasiirku ka dalbaday lacag 30’000 (sodon kun oo doolar ah) taas oo aakhirkiina gacanta laga saaray si ay isaga furfuraan.
Gabagabadii, waxaan shacabka usoo bandhigayaa su’aal ah ,ma nidaamka agoontii Mujaahidiintii dalka u geeriyooday ka baxsan waayeen ayaynu dalka iyo hogaaminta qaranka kus sii eeganaa ?
Cabdirasaaq Sh Cali Askar
Hargeysa, 4418174
Comments
Post a Comment