Qaar Ka Mid Ah Masuuliyiinta Xisbiga UCID Ee Gobolka Awdal Oo Dacaayadihii Ololaha Ku Jeediyey Kulmiye

Boorama, Somaliland, June 19, 2010 (Saxafi) – Qaar ka mid ah masuuliyiinta xisbiga Siyaasiga ah ee UCID ee gobolka Awdal ayaa beryahan dambe u muuqda kuwo dacaayaddii dhinaca siyaasadda ee ay ku weerari jireen xisbiga UDUB, u leexiyey dhinaca xisbiga Mucaaradka ah ee Kulmiye, iyagoo fagaarayaasha deegaanada Gobolka Awdal ka jeediya dhaleecayn iyo eedeymo ay usoo jeediyaan xisbiga Siyaasiga ee Kulmiye.
Dacaayadahan ka dhanka ah xisbiga Kulmiye ee kasoo yeedhaya qaar ka mid ah masuuliyiinta xisbiga UCID ee Gobolka Awdal, ayaa waxa ugu dambeeyey hadallo ka soo yeedhay mid ka mid ah masuuliyiintaasi, kaas oo xisbiga UCID u qaabilsan dhinaca ololaha G/ Awdal magaciisana la yidhaa Ismaaciil Geelle, ayaa shalay fagaaraha Khayryada ee Boorama dhaliilo iyo eedeemo calculus u soo jeediyey xisbiga KULMIYE, iyagoo dhaliilahaa ay u soo jeediyeen xiitaa ku hadal xisbiga UDUB, waxayna masuuliyiinta xisbiga Kulmiye ku tilmaameen kuwa aan wadi karayn dalkan .
Xil.Axmed Cabdi Siciid, horena u ahaan jiray musharaxa mansabka Madaxweyne ku xigeenka xisbigaasi ayaa isaguna xisbiga Kulmiye u weeraray sida xisbiga UDUB, isagoo xisbiga KULMIYE ku tilmaamay foosto gabowday, isla markaana sheegay in xisbiga KULMIYE ka xun yahay dawlada hadda jirta.
Hadalada kale ee ka soo yeedhay xisbiga UCID masuuliyiintiisa Gobolka Awdal, ayaa waayadan dambe aad moodaysaa in ololaha dhinaca siyaasadda ay kala siman yihiin xisbiga UDUB ,iyagoo bulshada reer Awdal taageero kaga doonaya dacaayadaha xisbiga Kulmiye ,dhinaca kalena dadweynaha reer Awdal u sheegay in xisbiga UCID ka xigo xisbiga Kulmiye , fartana ugu fiiqay in xisbigoodu yahay mid ku abtirsada gobolka Awdal , balse aan ku abtirsan gobolada fog ee ay ka soo jeedaan masuuliyiinta xisbiga Kulmiye, taas oo loo qaadan karayo in xisbiga UCID guusha doorashada ku doonayo qabyaalad iyo gobolaysi , dhaliilaha xisbiga UCID ee Kulmiye ayaa sidoo kale kusoo beegmay wakhti madaxweyne Rayaale booqasho ku joogay Boorama ,isla markaana uu fagaaraha khayriyadda ee Boorama xisbiga Kulmiye iyo kuwa mucaaradka ahba ugu geystay eedeymo iyo cambaareyn aan hore loo arag .
Si kastaba ha ahaatee hadaladan oo kale ayaan looga baran masuuliyiinta sarsare ee xisbiga UCID ee heer Qaran, gaar ahaan aan hadaladan oo kale laga maqal musharax mansabka Madaxweyne ku xigeenka xisbigaasi Dr: Maxamed Rashiid Sh Xasan, Guddoomiyaha xisbiga Eng: Faysal Cali waraabe, Afhayeenka Xasan Xuseen iyo ku xigeenka guddoomiyaha Aadan Waqaf, Iyadoo loo qaadan karayo in masuuliyiinta xisbiga UCID ee gobolka Awdal ka leexdeen anshixi doorashooyinka, loona baahan yahay inay ku socdaan siyaasadda guud ee xisbiga UCID ee dhinaca mucaaradka ah iyo isbedel doonka ku salaysan.
Qaar ka mid ah masuuliyiinta xisbigaasi ka jeediyeen khayriyadda Boorama ayaa sidoo kale laga dareemayey in badi raga xisbigaasi uga wakiilka ah gobolka awdal aad mooddo inay ololaha ka dhanka ah xisbiga Kulmiye kula safan yihiin xisbiga UDUB.
Ilaa imika masuuliyiinta xisbiga Kulmiye ee heer gobol iyo heer Qaran, ayaan laga haynin hadallo dacaayad ku ah xisbiga UCID oo laga jeediyey khayriyadda Boorama ama meelo kaleba.

Comments