Shirkad Ku Dacwiday Inay Somaliland Kula Jirto Iskaashi Qodista Saliidda Qaydhiin, Oo Ku Baaqday In Hogaamiyaha Ku Guulaysta Doorashadu Ixtiraamo Heshiisyadda Dawladii Hore Gashay

Hargeysa, Somaliland, June 26, 2010 (Saxafi) Shirkad sheegtay inay heshiis iskaashi ganacsi oo qodaalka saliida caydhiin ah kula jirto Somaliland ayaa sheegay inay Somaliland dooran doonto xukuumad ixtiraamta heshiisyada ay saaxiibadood la galeen iyo weliba shirkad rabta inay si wanaagsan oo xalaal ah ula ganacsato.
Sida lagu sheegay qoraal ay shirkadani ku baahisay maxaddada ay ku leedahay internet-ka Shirkadan oo magaceeda la yidhaahdo ENEX-Somaliland waxa ay qayb ka tahay shirkad weyn oo xarunteedu ku taalo magaalada Houston ee gobolka Taxes ee dalka Maraykanka, oo qoda, isla markaana soo saarta saliida caydhiin iyo tamarta dhulka hoostiisa ku duugan.
Shirkaddani waxa ay dawladda Somaliland la gashay heshiis iskaashi ganacsi ah oo lagu soo saarayo saliida Somaliland, waxaanay kulamo kala du-duwan la yeelatay masuuliyiinta Somaliland, waxaanay wada hadaladeeda kula jirtay xukuumadda Somaliland ilaa iyo intii ka dambaysay sannadkii 2003.
Hase yeeshee, sida ka muuqata qoraalka shirkadda waxa shirkaddan Enex-Somaliland oo ay mulkiilayaasheedu yihiin rag badan oo khubaro dhinacyada sharciga dhaqaalaha iyo weliba ganacsiga ah yihiin waxa qorshahoodii dib u dhac ku yimid, markii la gaadhay xilligii ay doorashadu ku beegnayd sannadkii 2008.
Ilaa waqtigaasi shirkadda Enex-Somaliland may samaynin wax horumar ah, waxa kale oo muuqata in waxoogay ay kala maageen xukuumadda Somaliland, inkasta oo aanay qoraalka ku cadayn, haddana waxa ay shirkadu sheegtay in Somaliland u socoto wadadii is-bedelka, isla markaana dawladda cusub ee Somaliland noqoto mid ixtiraamta heshiisyada ay kula jirto saaxiibadeed iyo weliba shirkad danaynaysa hab ganacsi xor ah.
Shirkadani intii ay wada hadalada kula jirtay Somaliland waxa iyaduna meesha soo gashay shirkad kale oo sahan ku samaysay Somaliland saliida ku duugan oo magaceeda la yidhaahdo TGS-Nopec.
Shirkadani waxa ay sheegtay inay Somaliland ka caawisay dhinacyada caafimaadka, isla markaana ay dekeda Berbera ka soo dejisay koontaynar dawo ah sannadkii 2009-tii. Laakiin shirkadani waxa kale oo ay sheegtay inay olole ugu jirto sidii Somaliland aqoonsigeeda ugu mari lahayd dhinaca dhaqaalaha iyo ganacsiga, waxaanay sheegtay inay masuuliyiinta xisbiyadda siyaasadda Somaliland iyo weliba dawladdaba wada hadalo kula yeelatay dalka Ingiriiska, isla markaana ay dawladda Somaliland iyo arrimaheeda kala hadleen Mudane ka tirsan aqalka odayaasha Ingiriiska oo la yidhaahdo Averbury.
Waa markii ugu horeysay ee ay shirkad ka mid ah, shirkadaha caalamiga ah ee xukuumadda heshiiska kula jirto ka dhawaajiso nooca heshiiska ay kula jirto Somaliland iyo waxa ay ka sugayaan dawladda cusub ee la filayo inay Somaliland u dhalato (Insha ALlaah) doorashada ka dib uu soo dhiso saddexda hogaamiye ka guulaystaa.
 “ENEX Somaliland Inc. waa shirkad loo abuuray ujeedo gaar ah oo ah inay noqoto calaamad Somaliland ku meel marto, si ay u fududayso sahaminta saliida, horumarinteeda iyo soo saarideeda Somaliland. Shirkadda waxa leh, isla markaana maamusha shirkadda xagga hore Somaliland kaga lamaan ee ENEX, waxaana la yidhaahdaa ENEX-Somaliland INC, xarunteeduna waa Delaware U.S.A. shirkadani waxay ahayd mid ay wada leeyihiin dawladda Somaliland iyo shirkadda ENEX oo heshiis kula jirta tan iyo sannadkii 2005-tii. Inta ka horeysa aqoonsiga caalamiga ah, waxa lagu dhaqi doonaa sharciyadda Ingiriiska.” Ayaa lagu yidhi, qoraal lagaga waramay shirkaddani oo lagu baahiyay website-ka ay shirkadaasi leedahay.
“Gaar ahaantayo si siman maalgeliyayaashayadu waxay sal ku leeyihiin inay maalgeliyaan barnaamijyada saliida iyo gaaska, isla markaana daneeya barnaamijyada sahaminta, oo loo bixinayo sida uu dhigayo heshiiska iskaashiga ganacsi (ee lagu wada jiraa)” ayay shirkaddu ku dartay qoraalka ay iskaga warantay.
Hase yeeshee, waxa kale oo ay shirkadani sheegtay in heshiiska ay kula jirto Somaliland aanu keli ah xoogga saaraynin arrimaha ganacsiga, balse taasi bedelkeeda waxay shirkaddu iyada oo ka waramaysa tidhi. “ENEX waxay aqoonsan tahay in aanu heshiiska iskaashigu dhigayo in aanay Somaliland u baahnayn oo keli ah in lagu jeedsado uun saliida iyo gaaska soo saaridooda, balse sidoo kale laga taageero dib u soo kabashada dhaqaalaha. Iyada oo waqti xaadirka diiradda la saarayo dekedda Berbera, baahida ay qabaan cusbitaaladda dalku iyo weliba in la siiyo talada ugu wanaagsan ee xagga sharciga ah ee horumarinta xidhiidhka (Somaliland) iyo Britain, iyada oo laga caawinayo fursadaha iyo meelaha loo baahan yahay inay Somaliland aqoonsigeeda u marto, maadaama oo ay tahay dal dimuqaadi ah oo madax banaan”

Comments