Tirada Codadka Aan Rasmiga Ahayn Ee Ay Musharaxiinta Saddexda Xisbi Ka Heleen Doorashadii Madaxtooyada Ee 26-kii June Dalka Ka Dhacday Iyo Sida Ay Ugu Kala Horeeyaan

Hargeysa, Somaliland, June 29, 2010 (Saxafi) – Sida ay muujinayaan tirooyin hordhac ah oo laga soo xigtay ilo ku dhaw-dhaw hawl-wadeenada Komishanka doorashooyinka ee gobolada iyo degmooyinka dalka waxa xisbiga talada dalka haya ayaa ku guulaystay inta badan codadka gobolada Awdal iyo Saaxil, oo ay ka soo kala jeedaan labada musharax ee jagada madaxweynaha iyo ku xigeenka uga sharaxan xisbigaasi, Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, iyo Axmed Yuusuf Yaasiin, hase yeeshee xisbiga KULMIYE ayaa isaguna ku adkaaday gobolada Hargeysa, Togdheer, Sool iyo weliba Sanaag.
Inkasta oo marka la eego tirooyinka hordhaca ah ee ka soo baxay gobolada iyo degmooyinka dalka ay sheegeen in aan xisbiga UCID isagu gobolna ku adkaanin, haddana, waxa uu kaalinta 2-aad ka galay gobolka Hargeysa oo uu ka soo jeedo Gudoomiyaha, isla markaana ah musharaxa madaxweynaha ee xisbigaasi UCID, Faysal Cali Waraabe.
Tusaale ahaan gobolka Hargeysa waxa la sheegay in xisbiga KULMIYE marka laga yimaado tirooyinka boqolka ka sareeya uu keenay tiro lagu qiyaasay ilaa 102 kun oo cod, halka xisbiga UCID oo isagu kaalinta 2-aad kaga jiraana helay 56 kun, iyada oo xisbiga talada dalka hayaa, uu ka galay gobolka Hargeysa kaalinta saddexaad oo uu helay 46 kun oo keli ah.
Hase yeeshee xisbiga UDUB-na waxa uu ku guulaystay tirooyinka hordhaca ah ee ka soo baxay gobolka Awdal, tusaale ahaan xisbiga UDUB waxa uu gobolka Awdal ka helay ilaa 43 kun oo cod, halka uu xisbiga KULMIYE-na helay 19 kun, iyada oo uu UCID-na ka helay 11 kun.
Sidoo kale waxa ay natiijooyinka tirinta codadka gobolka Togdheer ee uu ka soo jeedo, Musharaxa madaxweyne xisbiga KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) inuu xisbiga KULMIYE ka helay 96,793, halka xisbiga UDUB-na helay 23,176, iyada oo uu xisbiga UCID-na helay 14,520.
Waxa kale oo ay muujinayaan natiijooyinka naga soo gobolka Saaxil in xisbiga UDUB helay 15,400, halka uu xisbiga KULMIYE-na helay 10,515, iyada oo xisbiga UCID-na helay 3,296,
Gobolka Sool ayaa iyana la sheegay in xisbiga KULMIYE helay 15, 013, halka xisbiga UDUB-na 3990, iyada oo uu xisbiga UCID-na 1491.
Sidoo kale waxa la sheegay in gobolka Sanaag uu xisbiga KULMIYE ka helay 42,616 cod, halka uu xisbiga UDUB-na helay  22,267, iyada oo uu xisbiga UCID-na helay 7,154 UCID.
Waxa kale oo ay wararku intaasi ku dareen in badi tirinta codadka ee gobolada iyo degmooyinku soo dhamaatay, isla markaana la filayo in Komishanka Doorahsooyinka Qaranka Somaliland maanta ahaan ku dhawaaqaan natiijadda rasmiga ah ee ku meel gaadhka ah.
Xisbiyadda siyaasadda ayaa la sheegay inay inta badan wada ogyihiin natiijadda ka soo baxday codbixinta, sababta oo ah, sida uu dhigayo xeerka 20- ee doorashooyinka Madaxtooyada Somaliland ee wax ka bedelka lagu sameeyay bishii April ee sannadkan, natiijadda doorashada waxa lagaga dhawaaqayaa goobta, degmada, gobolka ilaa xarunta dhexe oo natiijadda kama dambaysta ah ee ku meel gaadhka ah ku dhawaaqaysa.

Comments