Toddobo Sababood Oo Xisbiga Kulmiye U Suurtagaliyey Inuu Shacbiyad Badan Ka Helo Bulshada Somaliland
Barkhad-ladiif M. Cumar
Sida aynu ka warqabno waxa gebogabo ku dhow ololaha doorashada oo muddo 21 cisho ah ka socday dalka, taas oo xisbi waliba soo bandhigay barnaamijkiisa siyaasadeed ee uu ku hagayo shanta sannadood ee dambe, iyagoo mid waliba waxyaalo badan sheegay inuu qabanayo.
Hadaba taageerayaasha ay kala haystaan ayaa la moodaa inay u badan yahay isbiga Mucaaradka ah ee KULMIYE, waxayna ka muuqataa maalmaha uu kulmiye u leeyahaya kaltanka ololaha, waxaad arkaysaa dad badan oo iskood isku soo abaabulay, oo subaxa hore ee maalintiisa si niyad ah u imanaya.
Si hadaba aan arrintan u baadho oo aanan iska qorin war aanan hubin ayaa waxaan u kuur galay intii ololuhu socday, waxaana maalin walba iman jiray fagaarayaasha ay xisbiyadu ku soo bandhigayaan awoodooda taageero, anigoo eegayey dareenka dadka ka muuqda iyo qaababka ay taageerayaashu isku soo abaabuleen.
Bal hadaba waxaan jeclaaday waxaan indhahayga ku soo arkay iyo sida qushuuqda wajiyada dadka ka muuqday aan qoraal macnayanaya ka diyaariyo, sidaa darteed waxaan arkay in Taageerayaasha xisbiga kulmiye ay yihiin dad si weyn ay uga go’an tahay inay si niyad ah u taageeraan, waxaad arkaysa dadkii oo baabuurta iskood shidaalka ugu shubanaya, waxaad arkkaysa dadkii oo iskood xafiisada u kiraysanaya oo iyagu ay kharashka isku qabaan, kaliya ay doonayaan uun in ay madaxdu soo marto oo ay ka hadlaan xafiisyada ay kiraysteen, sidaa darteed xisbiga KULMIYE ayaa taageerayaashiisu yihiin dad aad u xamaasad badan, dhaqdhaqaaq badan maalmaha ololaha doorashada, isagoo qofkasta iskii u gurmanayo oo uu u cararayo isagoo cidna waxba ka rabin.
Dad badan ayaa iswaydiiya waxa keenay in taageerayaashu ay iskood iyagoo madax banaan isku soo abaalaan una taageeraan, iyagoo kharash u huraya, iyagoo aynu ognahay in dad badani ay xisbiyada u galaan aad wax ka heshid oo inta ololaha doorashadu socdo ka faa’iidaysta, balse taageerayaashan intooda badani kuma hamiyaan aad wax ka faa’iidaysatid, taasna waxaan dareemay in dadweynuhu ay doonayaan in isbedel, iyagoo rajadoodaba u arkay inay ku xidhan tahay isbedel ka dhaca dalka.
Si kastaba wax ha u jiraana, waxa isku dayey in aan baadho sababta ka dambeysay taageeradan xad dhaafka ah ee xisbiga la siinayo, waxaana isoo baxay sababta xisbiga kulmiye loo taageerayaa inay tahay nafsi maal uu xisbigu helay, iyagoo muddo badan u soo samray hamigooda ah inuu mar uun dalka xukumi doono, maadaama oo wakhti adag oo hore-ba uu guddoomiye u ahaa jabhad duurka ku jirta, oo darxumo iyo silic ku qaatay noloshooda qayb ka mid ah, sidaa darteed, uu dadkiisa ugu abaal guddi doonaan in marka uu dalku xoreebo loo dhiibi doono darajada ugu sarayse ee madaxweynimada, balse taasi ma dhicin oo kama helin abaalkii uu gashaday, markii uu arkay inay dadkii uu abaalka u galay la hiiliyeena waa uu iska samray, oo waxa uu noqday samra sidkii hela, bulshadisiina wuu ku raacay go’aanka ay qaateen.
Hadaba waxaan aaminsanahay nafsiga laga galay xisbiga kulmiye iyo guddoomiyihiisa inuu maanta helay, waana sababta ay cid waliba wax ku caawinayso, oo ay haweenku ay iskood lacag iskaga ururinayaan, oo dhalinyarada shaqaysa iskood lacag iskaga ururinayaan oo qurbojoogu ay lacag iskaga ururinayaan
Taasi waxay marag u tahay inuu xisbiga kulmiye uu nafsi maal helay oo nafsi laga galay oo uu nafta u sheegay inay calool adaygto mar haddi ay dadkiisu dayaceen, taasna uu maanta helay.
Sida darteed, Waxa jira 7- sababood oo xisbiga kulmiye u suurtagaliyey inuu shacbiyad badan ka helo bulshada Somaliland, waxayna kala yihiin:
1. Guddoomiyaha xisbiga kulmiye iyo guud ahaan xisbiga oo tartankii doorashada galay 2003-dii ayaa xisbiga talada haya ee UDUB kaga badiyey 80 cod oo kaliya, markay arkeen sida ay wax u jiraana si ay dadkooda iyo dalkooda u badbaadiyaan iska samray oo iska liqay wixii jirayba, una hibeeyey xisbiga UDUB inay dalka xukunto, iyagoo waxay doonaan samayn karayey, balse ka damqaday dadkooda in dhibaato gaadho, iyadoo taasina aanay ka dhicin dalalka afrikaanka ah in nin madaxweyne u tartamayo oo codad aad u yar lagaga guuleysto oo haneeyey, iyadoo aynu ognahay dawlada Kenya dhibaatada ka dhacday ee doorashadu keentay, iyadoo xiitaa dawladaha reer galbeedku maka ay dhibco yar ku kala badiyaan aan xisbi kaliya kaligii dawlad dhisi karin, oo la sameeyo dawlad wadaag ah sida hadda ka dhacday dawlada ingiriiska oo la yidhi xisbina kaligii xukuumad ma dhisi karo oo kalsoonidii shacabka mid ma heiln ayuu guddoomiyaah xisbiga kulmiye ogolaatay una daayey inuu kaligii Xukuumad dhiso, dib dambana aanu uga hadal, iyagoo kala haysta kalsoonida shacabka labada xisbi ee UDUB iyo Kulmiye 42%, oo aanu midkoodna kaligii dawlad dhisi karin, balse isagu u daayey, taasina waa ta keentay shacbiyada badan ee uu maanta haysto.
2. Ta kale ee iyaduna u hiilisay maanta ee uu shacabku ku taageeraa, wuxu ahaa guddoomiyaha SNM ee ugu mudada dheeraa, kaas oo hadana xilka wareejiyey iyadoo SNM ay ku jirto xili aad u xanuun badan oo haddii uu khilaaf iman lahaa ama uu xilka isku dhajin lahaa sida afrikaanka uu halgankii burburi lahaa himiladii ummaddana ay baabi’lahayd, taas bedelkeeda waxa uu si wanaagsan oo qurux badan u wareejiyey xilkii guddoomiyenimo, kuna hambalyeeyey guddoomiyihii helay taasina waa fursad kale oo xusid mudan, oo keentay in ilaa wakhtigan uu noqdo qof la jecel yahay bulshada dhexdeedana karaamo iyo cisi ku dhex leh.
3. Ta kale waa nin xilal kala duwan oo wasiiiro ah soo maray, kana soo noqday dawlado kala duwan, mid walbana isagoon laga qaadin iskii iskaga casilay, taasina waxay cadaynaysa in aanu ahayn dadka kursi jecel, ee ilaa bulshadu wada caydo aan ka tagin ama laga dajin, islam arkaana waxa uu ka dagaa isagoo sharaf leh, marka uu xilka ka tagana aan cidnaba aflagaadayn, taasina waa fursada kale ee bulshadu ku taageersan tahay kuna jeceshahay.
4. Waa oday dulqaad badan waa ninka kaliya ee isku haya rag wada qoodha oo nin waliba uu leeyahay tayda ha socoto, mid walibana taageero miisaan leh sita, kuwaas oo mid waliba uu doonayo in uu isagu muuqdo, kala afkaar duwan, kala dabeecad iyo dhaqan duwan, kala bii’ad duwan. Isla markaana uu mid walba ku yidhi xisbiga adigaa iska leh, taasina waxay keentay in uu ku helo taageero yaal badan, marka aad barbar dhigtid xisbiga UDUB oo nin wal oo uu isyidha hunguri ayuu yeelan kara oo xisbiga ayuu kaala wareegi karaa uu dibada u saaro, marka uu meel u cararo garan waayana uu xisbiga KULMIYE isku soo shubo, soona dhaweeyo, isagoon ka shakiyeen bilow adiga ku damcaa. taasna waxa laga cabir qaatay shakhsiyada Axmed Siillaanyo, taas oo la isku raacay inuu yahay qof dulqaad badan, oo samir badan mar hadduu ragaas kala duwan ee mujaahidka leh, ee cornaylka leh, ee aqoon yahanka leh, ee dhakhaatiir leh, ee enjineer leh, oo nin waliba uu iskiii u yahay awr baarqab ah oo aanay cidi hor istaagi karin ajandihiisa ayuu mid walba isku dayaa inuu qanciyo, hogotusaaleeyo, taasina waa ta keentay in lagu hirado laguna kalsoonaado guddoomiyaha Siillaanyo.
5. Qodobka shanaad ayaa dadku waxay ku taageerayaan in uu Axmed Siillaanyo Odaynimada, iyagoo isleh Axmed Siillaanyo haddii uu dooran helo mar kale isma soo sharaxi karo, taasina waa ta keentay in dadku jeclaystaan inuu Axmed Siillaanyo madaxweyne noqdo oo ay taageeraan.
6. Ta lixaad dadka somalilada ayaa dhaqan ahaan jecel inay kolba weji cusub arkaan isla markaana kolba qofka cusub taageea, haddii uu qof ku indho batana ama uu muddo soo joogay waxay jecel yihiin in la bedelo, taasina waa ta keentay inuu dadku mar qudha ay taageeraan xisbiga KULMIYE.
7. Axmed Siilaanyo oo ka nadiif ah musuqmaasuq, isla markaana aqoonyahan ah, maamulkiisa hore loo arkay oo uu maamul fiican yahay, taasina waa sabab kale oo keentay in la taageero
Isku soo wada duuboo arrimahaasi iyo kuwo kale oo badan ayaa sab ab u ah taageerada xad dhaafka ah ee la siinayo guddoomiyaha Axmed Siillaanyo iyo xisbiga KULMIYE, waxaana qabaa inuu helay abaal uu dalkan gashaday iyo samir badan oo uu dalkan iyo dadkan u samray.
Haddii hore loogu maahmaahay abaal waa la gala ee lama guddo, waxa beeniyey bulsho weynta Somaliland oo xisbiga KULMIYE ku taageeray abaal badan oo uu u galay, nabsi maalkena maanta oo u baahan yahay helay.
Marka yaanu qofna isku wareerin dadkan laxaadka leh ee taageersan xisbiga KULMIYE muxu ku akhriyey dad badan ayaa sidaas aaminsan, arrintana waxay tusaale fiican u noqonaysa siyaasiyiinta mustaqbalka, qofkii u naxa shacabka ee sidaas Axmed Siillaanyo u dhaqma ee bulshada u hiiliyaaa wuu heli doonaa abaalka uu u galay, bulshadana maaha bulsho dadka abaalka u galay ilowda ee waa bulsho nadiif ah oo jecel, isla markaana sharafta cida abaalka u gashay ee wax u qabatay.
Comments
Post a Comment