Tusbax-Furanka Masuuliyiinta Xukuumadda Iyo Wasiirkii U Dambeeyay Ee Ku Dhawaaqay Is-Casilaadiisa

Safiirkii Ireland Iyo Xoghayihii UDUB Ee Gobolka Awdal Oo Xilalkoodii Iska Casiley Iyo Mudaneyaal UDUB Ah Oo Ku Baaqay In Loo Coddeeyo KULMIYE

Hargeysa, Somaliland June 25, 2010 (Saxafi)- Wasiirudawlaha wasaarada Hawlaha guud iyo guriyeynta Shucayb Maxamed Muuse iyo Safiirka Somaliland u fadhiya Ireland Cabdifataax Siciid Axmed ayaa sheegay inay xilkii ay ka hayeen xukuumadda Somaliland ay iska casileen.

Labadan masuul ayaa cadeeyey in ay xilkii ay hayeen iska casileen ka dib markii ay xukuumadda aan waxba qaban wayday. “ dhawr jeer ayaan isku dayey in aan is casilo, waxaana labadaas jeer igu celiyey Madaxweyne ku xigeenka oo ah runtii nin qaali ah, waxaana ognahay in isaga iyo rag kale ay shoog ku noqonayso.

Madaxweyneha aanu saaxiib ahayn oo muddo 12 sanno ah aanu soo wada shaqaynaynay, cid iskaga kaayo dhawina aanu jirin, inta badame runtii xidhiidhkayagii wuu sii xumaanayey sagaalkii bilood ee ugu dambeeyey.

Damiirkayguna wuu isiin waayey in aan shan sanadood oo dambe ay ummadda sii maamusho, waxaana ogaaday in uu wadanku u baahan yahay isbedel.

Xaga ictiraaf raadinta wax badan ayaanu qabanay oo ma odhanayo waxba may qaban waxa la yidhi gaalka dil oo gartiisa sii, laakiin sidii la dooanyey waxba looma qaban haddii ay ahaan lahayd xidhiidhka caalamiga.

Markii aan baadhay ee saddexda xisbi eegay ka wadanka wadi kara waxaan is idhi waxa wadanka wadi kara waa xisbiga KULMIYE, oo hore ayaan xisbiga KULMIYE iyo guddoomiyihiisaba u hambalyey iyadoo aanay ku dhacdeen cid xukuumadda ka tirsan.

Runtii anagu ma ihi nin kursi doon ah, oo meel kale tagaya ma ihi, waxaan doonayaa in aan muddo sanad ah siyaasada ka nasado oo assessment sameeyo, wadankuna isbedel wuu u baahan yahay.

Safiirka ayaa sheegay in uu sodan sanadood ku noolaa wadanka ingiriiska, isla markaana uu muddo dheer ku jiray siyaasada, isagoo yarna uu soo galay, imikana uu doonayo in uu siyaasada ka nasto.

Xoghayihii Xisbiga UDUB Ee Gobolka Awdal Oo Xilkii Iska Casiley Kuna Biiray Xisbiga Kulmiye

Dhinaca kale Xoghayihii xisbiga Udub ee gobolka Awdal Mawliid Daahir Allaale ayaa xilkii xisbigaasi iska casiley xalay.

Sida uu ku soo waramay weriyaha Saxafi ee gobolada galbeedka Maxamed Cumar Sheekh, is casilaadan oo ku soo beegantay wakhti ay maalin kaliya ka hadhsan tahay maalintii coddeynta doorashooyinka madaxtooyada ee dalka Somaliland oo ku midaysan 26 June ayaa waxa uu sheegay in go’aankani uu yahay mid shakhsi oo isaga ka soo go’ay.

Xoghayahan is casiley Mawliid Daahir Allaale ayaa waxa uu is casilaadiisa kaga dhawaaqay shir jaraa’id oo lagu qabtay xarunta xisbiga ee Boorama waxana uu yidhi “Aniga oo ah xoghayihii xisbiga Udub ee gobolka Awdal Mawliid Daahir Allaale waxa aan maanta oo ay taariikhdu tahay 24 June 2010 iska casiley xilkii aan u hayay xisbiga Udub ee gobolka Awdal, is-casilaadaydan ayaan go’aansaday markii aan arkay in duruuufaha maanta dalka ka taagan ay sabab u tahay xukuumadda Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin oo mala’awaal iyo been ku jahwareerinaya dalka, waxa kale oo jirta in siyaasada dalka maanta ka jirtaa ay noqotay mid dhinac u janjeedha isla markaana uu maamulkii xisbiga Udub ee gobolka Awdal uu ku wareejiyay Qabaa’il ay hoggaan u yihiin cuqaal iyo shaqsiyaad aanan waxba ka tarayn duruufaha maanta jira, sidaas aawadeed waxa aan go’aansaday inaan iska casilo xilkii aan hayay isla markaana aan ku biiro xisbiga Kulmiye.”

Maxamed Aadan Suldaan oo isaguna hore u ahaa Guddoomiyaha Xisbiga Udub ee Degmada Boorama isla markaana hore ugu dhawaaqay inuu iska casilay xilkaas oo uu ku biiray xisbiga Kulmiye ayaa sheegay inuu aad u soo dhowaynayo xoghayahan ka soo baxay Udub eek u soo biiray Kulmiye waxana uu yidhi “Waa farxad inuu maanta gartay saaxiibkay inuu Udub ka soo digo rogto waxa uu la mid yahay siyaasiyiinta waawayn ee gartay inuu xilka iska casilo markuu gartay inay Udub talo faraheeda ka baxayso.”

Jaamac Yuuduf Axmed (Gadhle) oo isaguna ka mid ah masuuliyiinta xisbiga Kulmiye ayaa si wayn u soo dhaweeyay xoghayahan is casilay waxana uu yidhi “Waa farxad in uu Xoghayahii Udub ee G/Awdal ku soo biiro xisbiga Kulmiye isla markaana waxa uu is casilaadaasi ku tilmaamay inay tahay mid niyad jab ku ah xisbiga Udub isla markaana garab weyn siinaysa xisbiga Kulmiye.

Afayeenka Xisbiga Kulmiye ee Gobolka Awdal Cabdinaasir Maxamuud Qawrax oo isaguna ka hadlay madashan ayaa waxa uu tilmaamay inay guul u tahay xisbiga Kulmiye xoghayahan Udub ee is casiley, waxana uu sheegay inuu aad u soo dhawaynayo Xoghayaha Iscasiley waxa kale oo uu sheegay in xisbiga Kulmiye oo si weyn ugu diyaargaroobay doorashooyinka isla markaana loo baahan yahay in taageerayaasha xisbigu Nabadgalyo ku codeeyaan.

Mudanayaal Ka Tirsan Xisbiga UDUB Oo Taageerayaashooda Ugu Baaqay Inay Codka Siiyaan Xisbiga KULMIYE

Sidoo kale laba Mudane oo ka tirsan Golaha wakiilada Somaliland, kana soo baxay Xisbiga talada haya ee UDUB ayaa shalay taageerayaashooda ugu baaqay inay maalinta Sabtida ee codbixinta doorashada Madaxtooyada codkooda siiyaan Xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE.

Xildhibaan Cali Aareeye iyo Xildhibaan Cabdikariim Aw Cali Shabeele oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in Xisbiga UDUB uu baaba’ay oo aanay ku hadhin cid ka qayb gasha tartanka doorashada madaxtooyada, waxaanay shaaca ka qaadeen in Xisbigaasi ay ku hadheen oo kaliya Madaxwayne Daahir Rayaale Kaahin iyo Ku xigeenkiisa Axmed Yuusuf Yaasiin.

Xildhibaan Cali Aareye oo ugu horayn halkaas ka hadlay ayaa sheegay in uu Xildhibaan ahaan ka soo baxay Xisbiga UDUB, balse aanu garanayn Gole dhexe iyo Gole fulineed mid uu ka tirsan yahay wakhtigan xaadirka ah.

“ Anigu reerkayagii (Ciise) siyaasadda Xisbiga UDUB way ka soo horjeesteen, waxaanay igu yidhaahdeen anaga ha noo iman adigoo UDUB cod u raadinaya, waxaan ummadda reer Somaliland u sheegaynaa in Xisbigii UDUB uu nagu dul baaba’ay oo aanay maanta joogin cid ka qayb gasha tartanka doorashada. ” Ayuu yidhi Xildhibaan Cali Aareeye

Comments