U Meel Day Codkaaga!

“Guusha ugu weyn ee Doorashada Madaxtooyada Somaliland waa iyada oo libaysata oo si nabadgelyo ah u qabsoonta, la iskuna raaco natiijooyinkeeda oo la isu hanneeyo!”
Mar afraadkii ayay inagu wada oogan tahay oo ina haysaa xummaddii kacaa-kufeed ee hannaanka geeddi-socodka Dimoqraaddiga ah ee Somaliland.
Saddexdii goor ee hore ee doorashooyinkii Golaha Degaanka, Tii Madaxtooyada iyo Tii Golaha Wakiillada, saddexdaba waxa ka soo baxay natiijooyin hoosta ka xarriiqaya in shacabka Somaliland u sii xuub-siibanayo hanashada hab-dhaqanka siyaasadeed ee tartan gelinta iyo kala xulashada cidda marba loo igmanayo maaraynta iyo hawadinta hawlaha dawladnimo ee dalkooda.
Ma sahlana garashada arrintaasi iyo sugashadeedu, gaar ahaan marka laga hadlayo dad iyo dal ka sabool ah dhur iyo dhaqanka, kana mid ah Afrikada taawinta muruqeed iyo awood-boobka maamuleed is maandhaafyada ka dhashayi hagaasiyeen. Hase yeeshee waxa muuqanaysa in ilbaxnimada is doorasheed tahay mid ku sii milmaysa duxda dhaqanka siyaasadeed ee nolosha dadka Somaliland.
Ra’yul caalamka ama adduun-aragga dadyowga dunida waxa soo jiidanaysa sida togan ee axsaabta siyaasaddu ugu kaltamayaan aloosinta banbaxeed ee ololayaashooda doorasheed iyo sida milgeed ee dadku ay arrintaas ula falgelayaan, sida xasilloon ee ay dariiqyada iyo fagaareyaasha u goglan yihiin ee ay murrashixiintooda ugu soo dhowaynayaan min magaalo weyn illaa huluulaha tuulooyinka meelaha dadban ku yaalla.
Waxa aan ka mid ahay in badan oo aaminsan in doorashada oo si nabagelyo ah u dhacdaa oo loogu kala baxaa tahay guusha ugu weyn ee doorashadaas laga fili karayo. Taas baana ah imtixaan iyo cashar daray ah oo diirran oo wax laga baran karayo. Shaki kuma jiro in Somaliland isbeddel dhab ah u baahan tahay. 20 sannadood ku dhowaadka ay Somaliland jirto, waxa ugu weyn inta u qabsoontay in ay u dhismaan haykalkii iyo hay’adihii dawladeed ee madax iyo minjo la’aan lagaga kaaftoomayey. Taas oo la geliyey tacab weyn oo naf iyo maal, mood iyo noolba leh.
Muuqaallada taban ee jiraa waxa ka mid ah in haykalka iyo hay’adahaas dawladeed u shaqayn la’ yihiin nuxur ahaan sidii wax-ku-oolnimada ahaan lahayd ee lagu higsan kari lahaa hir caleemeedka horumar la iska dhex arki karo iyo higsiga nolol leh sareedo aayatiin ay noolayaashu ku xasilaan.
Somaliland waxa ay sidaas habacsan ee dhaadmadeedu hoosayso ku fuushay buur aanay sii fanan karayn haddii maanta aan wax laga beddelin surma-seegtooyinka muqleeyey geeddi-socodkii horumarinka loo baahan yahay iyo qaayaha mas’uuliyad gudasheed quwayntiisa.
Waxa ka mid ah oo ugu daran muuqaallada indhasarcaad ee dhallaan-habaabiska ah, sida marka awoodda maamuleed ee dawliga ah lagala macne iyo muunad dhigo maskabyo lagu geedo-goosto oo maal urursi uun u jeeniqaaran iyo isirro lagu awr-kacsado oo maalinba qof ama qolooyin ku guuraan:
Madax dalqada indho ku leh oo damiirku yahay caloosha damqashadeeda! Madax wada arkaa-qaad ah! Madax aan xilkas ahayn oo laba-gar-daymoodta, laba garab-ku-daaqna ah! Talada madax noocaas ahi mayalka u qabataanna waqeed laguma tanaado oo wax liibaan ahi kama soo naaso caddaato! Waana halkaas meesha ay u dhimatay Somaliland ee isbeddelka dhabta ah maanta u baahini: Madax xilkas ah oo aan ka muruxsanayn milgaha xalaal-miirasheed iyo xildhibeennimada mas’uuliyadeed ee wax-isku-faleennimo, ayaa madasha iyo madaxtooyaduba u baahan yihiin. Isbeddelka la doonayo ee doorashadan laga durraamanayaana waa bilowgii raad-goobka xulasheed ee qayaadad qaayahaas leh, qiyamtaasna rumaysan oo iyagu aan ku adeegsan ee dadka ugu adeega sidii shaqaale dhega-nugul.
Sidaas darteed waa muhiim in laga feejignaado oo indho gudin-quraaradeed loo yeesho wixii is qardhaaf iyo qardoofooyin ku keeni kara habsami u socodka iyo libaysiga Doorashooyinka Madaxtooyada Somaliland oo adduunkuba ka wada dhursugayo marka la eego waxa “belo iyo baas” ogogga Somaliland ka ilmo roganaya iyo waxa awood-maroorsi gobolka Geeska Afrika isku wada hor iyo dabo mutuxan.
Dareenka awoodda badan ee ardaawiga qabiileed ee axsaabta ka dhex muuqdaa waa gol-jilicda bahalo-galeennimo ee waraabihii gol-qabata yiqiin galagalaysan karo galaafasho ahaan. Ardaaga qabaliga ah ee mindida daabka hayaa waxa uu jiidanayaa warmo sumayn kara macaanka iyo suurka doorashooyinka laga quuddarraynayo. Magacyada beeleed ee dadka iyo axsaabta dhexdooda guurguurayaa waa tabnaan aan indhaha laga lalin karayn oo guuldaarrooyin horseedi kara.
Sidii saddexdii doorashooyin ee hore u dhacay waxa mar kale maantana macduun ah codkeenna; cod-bixinta dadweynaha oo ah iidaankii calafka gunnada xujaysan ee la isku garbinayo. Sow haddaba ma hagaagsana in aynu si taxaddir leh u adeegsanno oo u miidaan dayno codkeenna?! Shaki la’aan way habboon tahay in aynu codkeenna u meel dayanno oo macne iyo milgeba u yeello, lana siiyo qof hadhowto soo qabsoomi kara oo lala xisaabtami karo, wax-isku-faleen ah oo lexlo-jeclo ka qaba duuggiisa iyo aayaha danta loo igmanayo, dad iyo dal ahaanba.
Guusha ugu weyn ee Doorashada Madaxtooyada Somaliland waa habsani qabsoomiddeeda nabadgelyeed iyo lib isu hibeyneed, taas oo aayatiin wacan u ah shacabka Somaliland, sooryo waayeelna guug ahaan u ah inta ku tartamaysa, gaar ahaanna madhax wanaagsan taariikhda ugu dhitayn doonta madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin oo libtiisa ugu weyni ku suntami doonto in maamulkiisu xilligiisii Somaliland ka hirgeliyey doorashooyinkaas is dabayaalka ah ee Somaliland uga qabsoomay sida ilbaxa ah.
Waa taas ta laga dhursugayaa quud-darrayn ahaan maalmahan fara-ku-tiriska ah ee kaabiga inagu soo haya. Sokeeye iyo shisheeyeba naawilaaddaasi way ag taallaa. Barbarkay ka baxdaana waa bakayle qaleen!
Qalinkii: Maxamed Baashe X. Xasan
mohamedbashe@hotmail.com

Comments