Wasiirka Arrimaha Dibada Oo Jawaab Kulul Ka Bixiyey Hanjabaadii Hoggaanka Al-Shabaab

Hargeysa, Somaliland, June 25, 2010 (Saxafi) – Wasiirka Arrimaha Dibada Cabdilaahi Maxamed Ducaale ayaa u jawaabay hadalka soo yeedhay guddoomiyaha ururka Al-shabaab oo dhaleeceeyey doorashooyinka Somaliland.
Wasiir Ducaale oo waraysi siiyey VOA-da qaybta somalida la hadashay ayaa si kulul uga jawaabay hadalkaasi, isagoo ku tilmaamay guddoomiyaha Al-shabaab mid iska hadlay, oo aanay doorashada Somaliland isaga iyo qayrkiitoona loo joojinayey, Somaliland-na ay gaadhay meel aad u saraysa,doorashadana aanay ahayn tii kowaad ee ay tahay tii afraad ee dalka ka dhacda.
Wasiirka Arrimaha Arrimaha Cabdilaahi Maxamed Ducaale ayaa sheegay in ay amaankooda ay si fiican u ilaalinayaan, ciidamada amniguna uu feejigan yahay, isla markaana uu shacabku ilna cadowga iskaga ilaalinayo, gacana ku codaynayaan.
Wasiirka oo ka hadlaya arrimaha doorashada waxa uu yidhi " Doorashadani tii noogu horreysay maaha, waa doorashadii afraad, tani waa doorashadii labaad ee Madaxtooyada, aftidii dastoorka ayaannu galnay, doorashadii dawladaha hoose ayaannu galnay, doorashadii Wakiillada ayaannu galnay. markaa kalsooni weyn baannu ku qabnaa inay si fiican noogu dhacdo, dalkan iyo dadkanina dastoor buu leeyahay ay 97% kiiba u codeeyeen, oo dunida oo dhami ogtahay, shareecada islaamka ayuu ku dhisan yahay."
Wasiir Ducaale isagoo u jawaabayey ururka Al-shabaab ee xaruntiisu tahay dalka Somalia ayaa yidhi " Cid allaala ciddii istidhaahda dalkan hagar-daamo u gaysta waxay doonaan ha isku ahaadaane loo dul-qaadan maayo. Markii ugu horreysay ee la duray dalkan ama loo gaystay dhibaato, hadday tahay argagixiso ama jar laga tuuro qaddiyadda Somaliland maaha, dad badan baa dhaawac u gaystay waanay u xidhan yihiin, doorashadii Baarlamaanka ee hore dad badan baa u xidhan, waana la ogyahay oo caal0amka oo dhan waa laga ogyahay.
Hanjabaadda Al-shabaabna dhag u dhigi mayno, iyagaana iska hadlay. Horta Hay'adihii qaranka oo dhami waa heegan, xukuumaddanina inkaaniyaadkii iyo agabkii xagga amniga waa la diyaariyey, Wasaaradda daakhiligu way diyaarisay, hay'adihii sharciga, Booliskii iyo wax waliba waa diyaar, xagga nabadgalyadu way noo adagtay, feejignaan dheeraad ah ayaanu u leenahay oo annaga oo codaynayna ayaannu foojignaanta wadaynaa. Wixii is yidhaahda wax yeelleeyana gacan bir ah ayaannu ku qabanaynaa. Waxaanannu ugu baaqaynaa cid allaala ciddii is tidhaahda arrintaa maanta xumeeya walaallayaaloow ha ku hungoobina.".
Cabdilaahi Maxamed Ducaale oo shacabka Somaliland dhiirigalinaya, isla markaana cadowga fariin u diraya waxa uu yidhi " Shacabkani waa shacab nabadeed, shacabkani waa shacab dimuquraaddiyadeed, xasilloonida gobolka meel weyn bay kaga jiraan, dimuquraaddiyadda gobolka meel weyn bay kaga jiraan, cid ay dhib ku yihiin ma jirto, cid walba way ixtiraamayaan, ma doonayno walaallayaal in maanta faragelin iyo dhib dalka lala yimaaddo, waanannu ka waaninaynaa oo waxaannu leenahay wallaallayaal ka waantooba, caalamkana sidaas ayaannu ugu baaqaynaa. dhinacna waannu ka codaynaynaa, dhinacna ishayadu waa furan tahay oo dhegta ayaannu dhulka ku haynaa."
Ururka Al-shabaab ee inta badan ka taliya Somalia ayaa hanjabaad u soo diray Somaliland, isagoo doorashooyinka Somaliland ku tilmaamay kuwo gaalo wadato, isla markaana aanay banaanayn oo ay xaaraan tahay.

Comments