Wasiirka Daakhiliga Oo Ka Naxay Taageerayaal Uu Filayay Inay Tagaan Fagaaraha Beerta Xoriyadda Oo Isku Shubay Xarunta Kumiye
Hargeysa, Somaliland, June 22, 2010 (Saxafi) – Wasiirka Arrimaha Somaliland C/llaahi Ismaaciil Ciro ayaa ka murugooday, isla markaana si weyn uga xumaaday kadib markii taageerayaal uu filayay inay ka soo qayb galaan isu soo bixii u danbeeyay ee ololaha xisbiga UDUB oo shalay lagu qabanayay fagaaraha Beerta xoriyada ee Hargeysa ay mar keliya isku shubeen xarunta xisbiga Kumiye.
Taageerayaashan oo watay dhawr Bas ayaa waxay ahaayeen kuwo uu wasiirka arrimaha guduhu doonayay inay shalay ka xaadiraan Beerta xoriyada oo Musharaxa xisbigaas ee Daahir Rayaale khudbad ka jeedinayay, isla markaana uu qorshahiisa ku darsaday inay qayb ka yihiin dadkii loo ururinayay Beerta xoriyada ilaa habeenimadii, si ay subaxnimada ugala qayb galaan fagaaraha, Balse dadkaa oo ay hogaaminayeen Cumar Boonge oo ka mid ahaa saraakiisha xisbiga UDUB ee magalada Hargeysa, isla markaana ahaa xubnaha ugu dhow dhow wasiirka arrimaha gudaha C/llaahi Ismaaciil Shabeel (C/llaahi Ciro) iyo Khadar Ciise Faarax (Ina Ciise Daboole) oo mar ahaa gudoomiyaha gobolka Hargeysa ee xisbiga UDUB ayaa shalay isku shubay xarunta guud ee xafiiska xisbiga Kulmiye ee magaalada Hargeysa, halkii laga filayay inay ka qayb galaan isu soo baxa fagaaraha Beerta xoriyada ee Hargeysa oo ay ku sugnaayeen Daahir Rayaale iyo Wasiirka arrimaha gudaha C/llaahi Ciro.
Waxayna arrinataasi ka cadhaysiisay wasiirka arrimaha gudaha iyo musharaxa xisbigaa Daahir Rayaale, kuwaas oo dhacdadaasi ku noqotay guuldaro iyo weji gabax lagu sagootiyay maalintii u danbaysay ee ololaha doorashada, isla markaana waxa soo baxayay ilaa gelinkii danbe ee shalay warar sheegaya inuu Wasiirka arrimaha Gudaha C/llaahi Ciro is casilay, markii ay taageerayaashii ugu danbeeyay ee uu haystay ku biireen xisbiga Kulmiye, isla markaana ay gebi ahaanba xafiisyadii ay ku lahaayeen waaxda 26 juun ku wareejiyeen xisbiga Kulmiye. Inkastoo ay wararka sheegaya is casilaada wasiirka arrimaha guduhu sii xoogaysanayeen, haddana dad ku dhow dhow wasiirka ayaa xaqiijiyay in aanay waxba ka jirin is-casilaada wasiirka.
Comments
Post a Comment