Wasiirka Deegaanka Somaliland Oo Sababihii Kelifay Inay Doorashadu Ka Qabsoomi Weydo Degmada Xudun Ee Gobolka Sool

Laas-Caanood, Somaliland, June 29, 2010 (Saxafi) – Wasiirka Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga Maxamed Hagar Dirir, ayaa ku eedeeyey xubnihii Komishanka doorashooyinka qaranka uga wakiilka ahaa degmada Xudun in ay ka dambeeyeen caqabada ay halkaas ka sameeyeen maleeshiyaad laga soo abaabulay dhinaca Puntland oo maalintii sabtidii lagu waday in ay ka dhacdo doorashada madaxtooyadu. Hase yeeshee ka baaqatay, markii ay xoog ku soo galeen maleeshiyaad ka soo jeeda deegaankaas oo damcay in ay xoog ku qaataan sanaaduuqdii codbixinta ee ay halkaa u direen komishanka doorashooyinku.
Wasiirka Deegaanka oo shirjaraa’id ku qabtay magaalada Laascaanood, ayaa waxa uu ka warbixiyey ciidamo soo galey magaaladda Xudun, ka dib markii la geeyey sanaaduuqda codbixinta doorashooyinka Somaliland, taas oo ay markii danbe isaga soo baxeen shaqaalihii doorashooyinka Somaliland iyo agabkii loogu talo galey doorashaduba.
Waxaanu arinta ku sheegay in ay ka danbeysay ka dib markii laga war helay ciidamadii damacsanaa in ay boobaan sanaaduuqda ay aad u hubeysan yihiin, kuna soo wajahan yihiin degmadda Xudun.
Md. Hagar waxa uu ku eedeeyey in ciidamada soo galey magaaladda Xudun ay ka bambeeyeen guddida komishanka degmadda Xudun oo uu sheegay in ay la shaqeynayeen kuwii ku soo duulay degmada Xudun.
Isagoo Arrimahaa ka hadlayana waxa uu yidhi “Afartii galabnimo (maalintii doorashada ka horaysay) ayaa waxaa naloo sheegay ciidan Puntland ah, Wasiiradii iyo Baarlamaanadii in ay nagu soo socdaan, meeshana waxaa joogay Anniga iyo ciidan Qaranka ah oo magaalada u dhashay, dabadeetana shantii ayaa nala soo weeraray, taas oo ay ciidanka hogaaminayeen nimanka Komishanka ee degmada iyo nin mar dambe nalagu yidhi kormeere ayuu ahaa, waayo wakhtigii shantii, gaadhigii aanu wadanay ee sanaduuqda waday nin ku jira baarlamaanka Puntland gaadhi uu leeyahay baa noo yimi oo sanaaduuqdii la dhacay lagu qaadey.”
Magaalada Xudun oo ka mid ahayd goobihii loogu talogalay in ay ka dhacdo doorashada madaxtooyada, ayaan maalintii Sabtidii doorashadu ka suurto gelin, ka dib markii ay halkaas yimaadeen maleeshiyo beeleedyo ay Puntland soo abaabushay oo doonayey in ay doorashada deegaankaa carqaladeeyaan, iyada oo markii dambena Komishanku go’aan ku gaadhay in ay sanaaduuqda doorashada ka saaraan magaalada Xudun si aanay doorashada Gobolka Sool khal-khal u gelin.

Comments