Weriye Xadiis Wuxuu Wehel La Noqday Xadhig Bilaa Maxkamad Ah



Saxafi Writers
Ciidanka bileyska Somaliland ayaa maalin ka hor xilligii doorashada madaxtooyadda ee 26-kii June, 2010, waxa ay ciidanka bileysku ka soo qabteen hudheelka Hadhwanaag ee magaalada Hargeysa, Xadiis Maxamed Xadiis, ka dib markii ay halkaasi ugu tageen ciidan bileys ahi isaga oo ka yimid aas. “Waxaan ka imid aas, gabadh aan adeer u ahay, ka dibna aniga iyo dhawr qof oo aanu ehel nahay, annaga oo hudheelka Hadhwanaag fadhina ayaa waxa noo yimid ciidan bileys CID-da ka socda, waxaanay igu yidhaahdeen, waxa lagaa doonayaa saldhiga, markii aanu nimidna ilaa imika waan xidhanahay mana garanayo sababta aan u xidhanahay” Sidaa waxa u sheegay weriye ku booqday saldhiga dhexe ee magaalada Hargeysa, Xadiis Maxamed Xadiis.
Inkasta oo aanu isku daynay in aanu wax ka weydiino ciidanka bileyska sababta xadhigiisa, haddana way ka gaabsadeen, hase yeeshee mid ka mid ah saraakiisha saldhiga dhexe ee Hargeysa oo codsday in aan magaciisa la sheegin ayaa yidhi. “Waxa loo xidhay waxay ahayd uun baadhis, balse waa la sii dayn lahaa ee doorashadani ayaa ku soo beegantay”.
Hase yeeshee maaha markii u horeysay ee la xidho Xadiis Maxamed Xadiis, balse ugu yaraan dhawr jeer oo hore ayaa la xidhay, waxaana loogu marmarsoodaa inuu cid kale xidhiidh la leeyahay.
Haddaba qaar badan oo ka mid ah bulshada Somaliland ayaa isweydiinaya, haddiiba oo ay jirto dambi ay xukuumadda Somaliland ku ogtahay inuu Xadiis ku jiro, maxay ugu soo cadayn weyday?
Hase yeeshee waxa ay arrintani muujinaysaa meel ka dhac joogto ah oo ay kula kacdo xukuumaddu weriyayaasha madaxa banaan leh, waxaanay Xadiis u tun-jileecsanaysaa, maadaama oo uu markii hore ku noolaan jiray magaalada Muqdisho.
Inta badan tuhunada ay xukuumaddu banaanka soo dhigto waxa ka mid ah halkee ayuu ka iibsaday gaadhiga uu wato, halkuu lacagta ka helaa iwm? Dhammaanba arrimahani ma noqon karaan qaar la odhan karo waxay noqonayaan dambi, sababta oo ah waxa aan qofna ka qarsoonayn inuu Xadiis website-kiisa ku shaqaysto, isla markaana xayeysiisyo badan ka helo meelo kala duwan, waxaana intaasi u dheer qandaraasyo uu ka qaato hay’adaha ama dadka kale ee dananaya inay helaan sawiro iyo waxyaabo loo qaado, markaasi way dhici kartaa inuu ka iibsan karo gaadhi ama wixii kale ee ay naftiisu u baahato, sababta oo ah Xadiis waa nin aan jaadka cunin, waxna dhigan kara.
Marka intaasi laga yimaado, waxa beryahan dambe Xadiis ku soo kordhay in mararka qaarkood sawiro uu dad ajnebi ah u qaaday ay xukuumadda Somaliland ka horjoogsato, tusaale ahaan horaantii sannadkani ayay ahayd markii uu Xadiis huteelka Maasnoor ee magaalada Hargeysa uu wasiir ku xigeenka waxbarashada Somaliland ka horjoogsaday in lacagtii la siiyo sawiro uu u qaaday gabadh Afrikaan ah oo aqoon isweydaarsi ay hay’addi bixinaysay madax ka ahayd.
Waxa kale oo intaasi dheer in meelo badan oo uu ka shaqaysan jiray xukuumaddu ka horjoogsatay ama shaki gelisay.
Sida la ogyahay Xadiis waxa uu yimid Somaliland sannadkii 2001, markii la isku dayay in la dilo, sababta oo ah waxa uu su’aal weydiiyay masuul ka tirsanaa xukuumaddii Carta, ee Somalia, su’aashaasi oo la xidhiidhay, sababta ay u sheeganayaan inay xukumaan Somaliland, halka ay iyagu Xamar ka dejin la’yihiin, sababta uu masuulkani u sheeganayo inuu metelo dadka reer Somaliland oo aan qayb ka ahayn xukuumaddaasi, balse taasi bedelkeeda qabanayay aftidii dastuurka. Arrintani waxa ay noqotay mid ay jawaabtiisu ku adkaato masuulkani, maalintii dambena wuxuu bilaabay inuu isku dayo inuu khaarajiyo Xadiis, waxaanay taasi sababtay inuu Xadiis u soo baxsado Somaliland-tii uu hadlayay. Inkasta oo markii hore si fiican loo soo dhaweeyay, haddana caadifadda dadka reer Somaliland waxa ay marar badan Xadiis geyeysiisay cadho iyo ciilkaambi, sababta oo ah waxa laga yaabaa inay ku  yidhaahdaan ereyo ay ka mid yihiin “Walaweyn yar baad tahay” iyo wax la mid, iyada oo laga yaabo in qofka k u odhanayaa aanu waxba ula jeedin, isagana damqaysa.
Laakiin isaga dhibaatada ugu badani waxa weeyaan eedaynta xukuumadda “Waxay iila mid tahay bah-dil iyo in dadka la igaga shakisiiyo, haddii ay wax hayaan may keenaan markhaati oo ay maxkamad igu geeyaan” ayuu yidhi Xadiis.
Meel ka dhac kasta oo loo geysto Xadiis waxay noqonaysaa nabsi laga gelayo, isla markaana waxa lama huraan ah in Xadiis arrintiisa xukuumaddu ay dadka uga waranto, ama ay dalkan ay dadka ku dulmayso joojiso.

Comments