Xildhibaan Dheeg Oo Ugu Baaqay Murashaxiinta Xisbiyadu Inay U Haneeyaan Ninka Madaxweynaha Ku Guulaysta

Hargeysa, Somaliland, June 29, 2010 (Saxafi) – Xildhibaan Maxamed Maxamuud Yaasiin (Dheeg) oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland ayaa taageerayasha axsaabta ugu baaqay inay joojiyaan sheegashada natiijooyinka been abuurka ah ee midba midka kale uu leeyahay aniga ayaa kaga cod badan meel heblaayo.
Xildhibaan Maxamed Maxamuud Yaasiin (Dheeg), waxa kale oo uu wax ka tilmaamay sida ay muhiimka u tahay in shacabka iyo axsaabta siyaasadda Somaliland ay ugu qancaan natiijada doorashada Madaxtooyada ee sabtidii toddobaadkan la galay, isaga oo sheegay in hadba musharaxa guulaystaa yahay Madaxweynaha shacabka mucaarad iyo muxaafidba.
XIldhibaanka oo sheegay inuu kormeer ku tegay deegaano ay ka mid tahay degmada Sabo-wanaag, ayaa waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Waxaan u mahad-naqayaa ummadda reer Somaliland ee koone ilaa koone sida wanaagsan ee xadaaradda leh ee Afrikada kale ka ilbaxsan ee ka horeysa u coddeeyay, kuyuuga u qabsaday ee reer miyi iyo reer magaalba kuligoodba aad moodaysay ummad in badan soo coddeynaysay, waxaan soo maray oo aan ka imid hawdka, anigu meel Qori-jabley la yidhaahdo ayaan ka codeeyay ilaa Sabo-wanaag ayaan soo maray, meel walba waxa ay u socotay codbixintu si wanaagsan oo sharaf leh, dhulkaana waxa ka codeynayay dadkii deganaa Haro-digeed inta ay dadkii yimaadeen. Umadda reer Somaliland ee waxaas oo dhan u adkaysanaysay ee intaas oo dhan u soconaysay inay codkooda bixiyaan ee ku raaliga ah aad-baan ugu mahad-naqayaa, waxaanan tacsiyadaynayaa ummaddii jid-goynta loo dhigay ee gudanaysay waajibaadkooda ee komiishanka iyo askarta ahayd ee waxna dhinteen waxna dhaawaca yihiin. Ummadda reer Somaliland ayaan u mahad-naqayaa mar iyo lababa, waxaanan leeyahay saddexda xisbi qaranka musharixiintoodu waa reer Somaliland, waa wada muwaadiniin, kii helaana Somaliland waa u madaxwayne mucaarad iyo muxaafidba, Madadwayne ayuu u wada noqonayaa markaa waxaan leeyahay halagu qanco cid alaale iyo cida soo baxda inay Madaxda Somaliland tahay.”
Xildhibaan Maxamed Maxamuud Yaasiin (Dheeg) waxa uu geba-gebadii hadalkiisa u soo jeediyay taageerayaasha iyo xisbiyada qaranku inay joojiyaan kala sheegashada natiijooyinka mala-awaalka ah, waxaanu yidhi: “Waxaanan u sheegayaa taageerayaasha iyo dadwaynahaba hala joojiyo anaga ayaa helayna iyo anaga helaynada, reer hebel ayay u badan tahay hana la sugo dhawaaqa komiishanku ku dhawaaqayo natiijada doorashada.”

Comments