Xisbiga KULMIYE Oo Doorashadii Ka Dhacday Gobolka Awdal Ku Tilmaamay Mid Aan Xor Iyo Xalaal U Dhicin

Waxa maalin ka hor la sii xidh-xidhay siyaasiyiintii, salaadiinti iyo goobjoogayaashii iyo masuulyiintii Xisbiga Kulmiye “
‘Ciidammo beelaysan oo ka yimi dalka Itoobiya ayaa afduubay qaar ka mid ah qurbajoogii xisbiga Kulmiye ee kormeerayey goobaha codbixinta
Boorama, Somaliland, June 28, 2010 (Saxafi) – Musharraxa Mansabka Madaxweyne ku xigeenka xisbiga KULMIYE Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil iyo xidhiidhiyaha xisbiga UCID ee gobolada Selel iyo Awdal  ayaa shalay tilmaamay in xukuumadda iyo maamulka gobolkuba aanay waxba iskula hadhin sidii ay uga fogayn lahaayeen xisbiyada mucaaradka goobaha codbixinta.
Sida uu ku soo waramay weriyaha Saxafi ee gobolada galbeedka, Maxamed Cumar Sheekh, Musharaxa Mansabka Madaxweyne ku xigeenka xisbiga Kulmiye, C/raxmaan Saylci oo ka hadlaya arrimahaasi ayaa yidhi: “Waxaan hambalyo u dirayaa guud ahaan shacbiga Somaliland, anigoo ugu hambalyeynaya sidii ay ugu dhabar adaygeen inay gutaan waajibaadkii ka saarnaa doorashada madaxtooyaa ee shalay (doraad) ka dhacday somaliland
Waxa si cad Boorama iyo Gobolka Awdalba uga dhacday wax laga filaayey Xukuumadda Rayaale oo si aan xishood lahayn goobjoogayaashii caalamiga ahaa ee gobolka joogay nala yaabeen  sidii loola dhaqmayay dadkii usoo dareeray codbixintii shalay, halkaas oo dadka lagu khasbayey inay u codeeyaan  xisbiga UDUB.
Shaqaalihii dawladda ee ka yimid Hargeysa, Wasiiradii, iyo masuuliyiintii gobolka Awdal iyo kan degmada Booramaba aanay dheg jalaq u siin sharcigii doorashada oo iyagu meesha ay doonaan ay mareeyeen halka cadaadis laga saaray saraakiisha xisbiyada Mucaaradka.
Waxa vusga 25keedii la xidh-xidhay Salaadiin iyo Siyaasiyiin ka tirsan xisbiga Kulmiye, kuwaas oo loo xidhay xisbiga ay katirsan yihiin awgeed, ragaas oo waliba ka soo jeedday beesha madaxweyne Rayaale ee Jibriil Yoonis. Raggaasi maanta (shalay) oo doorashadii dhammaatay  ayaa lasoo daayey, Waxa la xanibay dhamaan gaadiidkii xisbiyada mucaaradka, halka gaadiidkii dawladduna si cad u daadgureynayeen shaqaalaha iyo taageerayaasha UDUB , Waxa la xidh-xidhay goobjoogayaal xisbiga Kulmiye ku lahaa galbeedka magaalada, iyadoo halkaasi noqotay meel u xisbiga UDUB.Waxa la afduubay xubin ka tirsan qurbajoogga reer Awdal ee dalka UK, isago kormeerayey habka ay doorashadu u socoto, waxaana afduubay ciidamo hubaysan oo ka yimid dhinaca Itoobiya, gaar ahaan goobta doorashada ee la yidhaa Cunaqabad ee u dhaxaysa soohdinta Itoobiya iyo somaliland. Ninkaas la afduubay oo watay gaadhigiisi iyo saaxibkii, waxaana magaciisa la yidhaa Cali Xaamud Jibriil ayaa loo tallaabiyey dhinaca Itoobiya, ka dibna uu halkaasi ka soo baxsaday.Waxa wax lala yaabo ah in komishankii qaranka ee gobolka Awdal waxba laga dhegeysan waayo, amaradiisiina dawladdu qaadan weyday, waxayna dhammaan arimahaasi doorashada shalay ku dhammaadeen taageerayaasha xisbiyada mucaaradka oo aan ka baajinnay inay dagaalamaan, si aanay ugu dhaqaaqin wax nabadgalyo daro ahanaga oo dhawrayna masiirka ummadda ee doorashada ku xidhan, annagoo weliba ku guuleysannay inaan goobaha codbixinta ka joojinno ku shubista kumaankum kaadh  oo gacanta ugu jiray Xukuumadda iyo xisbiga UDUB, waxanan si cad cabasho ugu gudbinnay komishanka doorashooyinka goobaha khiyaamooyinku ka dhaceen oo kala ahaa goobaha Boorama  ee kala ah dugsiga Ardaale ee Boorama, Xaawo taako ,Degmo laqas, qul- ujeed, Qoorgaab, Hubdhigista, Sheed-dheer  iyo waraaqa.
Goobahaasi oo dhamaan taageerayaasha UDUB iyo masuuliyiinta dawladdu iska maamulanayeen cid kalena aanay la joogin. Sidaa darteed waxan komishanka qaranka ka codsanaynaa inay tallaabo ka qaadaan arintaasi, islamarkaana baadhaan xaqiiqdeeda, ciiddi geysatayna loo ciqaabo “
Axmed Muumin Seed ahna xidhidhiyaha xisbiga UCID ee gobolka Awdal iyo Selel ayaa isaguna shirkaa’jara’id ku sheegay arrimo la xidhiidha arrintan cadaadinta leh ee xisbiyada mucaaradka ah lagu samaynayey, waxaanu tilmaamay in ay dawladu waday fawdo ay doonaysay inay ku carqaladayso doorashadii shalay, balse taas bedelkeeda uu sheegay inay xisbiyada mucaaradku ka roonaadeen oo taageerayaashoodi aanay wax dhaqdhaqaaq ah aanay samayn.
 Axmed Mumin Seed isagoo arrintaas ka hadlaya waxa uu yidhi “Dadweynaha Somaliland waxay mudan yihiin ammaan iyo in looga mahadceliyo doorashadii shalay ay u babac dhigeen, Waxaan filaynay inay dawladda iyo maamulka gobolku ka xishoodaan waxyaalaha ka hor imanaya sharciga doorashada.
Arrimahan ay wadeen ee goobaha ay ka waddeen shaqaalaha dawladda ee heer qaran iyo heer degmo ayaa ahaa kuwa ku fadhiya qabyaalad iyo gobolaysi kala fogeyn kara dadweynaha Somaliland, kuwaas oo lagu waaninayey inay u codeeyaan Madaxweynaha gobolkooda ka soo jeeda iskana diidaan waxay ku shegeen  nus shilinka, taasina ay ahayd mid ay si cad goobaha doorashada ugaga dhawaaqayeen taageerayaasha xisbiga UDUB iyo maamulayaasha dawladdu .Waxa la arkayey oo goobjoogayaashii caalamigu arkayeen kumanyaal kaadh codeyn ah oo loo dhiibayey dad aan lahayn, balse wax yari uga dhaqaaqeen, ceebtaasina ay ahayd mid caalamku indhihiisa ku arkayey .
Tusaale ahaan meesha layidhaa Laylakaal ee xadka dhinaca Itoobiya ku taal  iyo galbeedka Boorama, ayaa masuuliyiinta Boorama heshiis kula galeen in goobahaasi laga sifeeyo taageerayaasha xisbiyada mucaaradka ah, halkaas oo  la keenay ciidamo sitay dirayska Itoobiya, balse u dhashay deegaankaasi , kuwaas oo dadka goobaha soohdinta ku khasbayey inay UDUB u codeeyaan, hadii kale meesha ka tegaan. tobannaan gaadiid dawladda iyo shicibka UDUB taageera ayaa  iskaga gooshayey soohdinta labada dal iyo magaalada dhexdeedaba, taas oo ka hor Imanaysa sharcigii doorashada  ee la kala saxeexday, Komishanka Qaranka ee G/Awdal oo isagu ku ammaanan hawshii uu qabtay, balse waxa ka xoog batay hawlaha lagu musuqmaasuqayey doorashada ee ay wadeen dawladda iyo xisbiga UDUB ,sidaa darteed waxaan ummadda somaliland u sheegeynaa inaanay gobolkan Awdal ka dhicin doorasho xor oo xalaal ah , komishanka qaranka ayeyna u taalla arrimahaasi  inuu tallaabo ka qaado."

Comments