Xisbiga UCID Oo Dhoolatusyo Ku Soo Bandhigay Cududda Taageerayaashiisa Gobolada Iyo Degmooyinka Dalka
“Xukuumadda UDUB way u dhamaatay ee intuu KULMIYE idinku soo bixi lahaa UCID siiya codkiina” Fayal Cali waraabe
“Haddaan Hudda (xaaska Madaxweynaha) ahaan lahaa jidka Boorama iyo Dila waa hore ayaan dhisi lahaa “ Saynab Xasan Axmed
Hargeysa/Boorama, Somaliland, June 21, 2010 (Saxafi)- Gudoomiyaha xisbiga Siyaasiga ee UCID inj.Faysal Cali Waraabe ayaa shalay Taageerayaashiisa xisbiga UCID ee Boorama kala qaybgalay dhoolatus ballaadhan oo ay ka soo qaybgaleen dad aad badan .
Guddoomiyaha oo safarkiisa Boorama ku wehelinayeen musharaxa mansabka Madaxweyne ku xigeenka Prof.Maxamed Rashiid sh.xasan iyo saraakiil sarsare oo ka tirsan xisbiga UCID heer Qaran iyo heer gobol ,ayaa fagaaraha khayriyadda Boorama kula hadlay dadweyne tiro badan oo halkaasi isugu yimi .
Guddoomiayaha xisbiga UCID ayaa khudbad dhinacyo badan taabanaysa u jeediyey taageerayaashiisa '" Walaalayaal waad og tihiin inaan aniga iyo Maxamed Rashidii nahay reer Boorama ,kana soo baxnay dugsiga Cammuud sidaa darteedna waxaad maanta (shalay) u codeynaysaan shilin iyo badh, halkii aad shilinka uga codeyn jirteen.
Rayaale waxan ka badbaadiyey xil ka xayuubin, waxaan ka difaacay xasiloonidarro dhici lahayd doorashadii horena anigaa u hanneeyey isagoo lagu qabsan lahaa madaxtinimada ,maantana waxaan leeyahay UDUB waad ogtihiin in ay u dhammaataye UCID siiya codkiina. isagaa shaqo u samayn ubadkiina. dadka gaajo ayaa haysa,beeraha ayaan u dhaqaajin doonaan.
Madaxweyne Rayaale dalka wuxu kusoo waday nabadgelyo aan caano lahayn, dadkii geela lahaabaa ugu daran idinku waxbaad qodataane haddii aad codkiina na siisaan waxaad nagula xisaabtamaysaan waa barnaamijka xisbiga.maanta Rayaale way u dhamaatay ee codkiina siiya si aanu kulmiye idiinkusoo bixin ".
Musharrax mansabka Madaxweyne ku xigeenka xisbiga UCID Maxamed Rashiid oo isna halkaas ka hadlay, ayaa ka sheegeeyey siyaasada xisbiga iyo barnaamijkiisa haddii la doortay uu ku hagi doono dalka, waxaanu ka codsaday dadka in codkooda u hibeeyaan xisbiga.
Waxaanu dadweynaha ugu mahadnaqay sidda diiran ee ay u soo dhaweeyeen weftiga.
Afhayeenka xisbiga UCID, Xasan Xuseen oo isna halkaas ka hadlay ayaa yidhi “ maanta waa haadba haad kici, waxa aad muujiseen taageeradiina iyo isu soo bixiina ka xoog batay isusoobaxyada xisbiyada kale, waxanad na tusteen inaad UCID codkiinna siinaysaan”
Maxamed Xuseen Dhamac ,oo isna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi " reer Awdal berigii hore ayey ka wanaagsanaayeen sida ay maanta yihiin ,waxana u talin jiray odayaal iyo waxgarad, balse maanta ma jirto cid wax u sheegta madaxweynaha. waxan ahaa ragii ugu dhawdhawaa Rayaale waxan arkay in madaxweynuhu lahayn saaxiibtiinnimo iyo ehelnimo,haddii ehel kiinna yahay Booramay ka muuqan lahayd .reer Boorama waxan leeyahay hadduu kii idin xigay waxba idiin qaban waayey ,wax kalena aanu hayn ,halkana ka yidhi gorofkaygu wuu buuxaa, garan maayo cid uu wax ka siiyey,ama saaxiib uu wax ka siiyey ,waayo kama muuqato, haduu u buuxo iyo hadduu dhiman yahayba isagay ku koobantahay.Ragbaa ku ololeeya waxa tartamaya Isaaq iyo Samarroon, waxa la arkaa in Awdal Somaliland tahay , siday idiinka muuqata waxaad doonaysaan cid wax idin qabata, cida wax idin qabanaysaana waa UCID ee doorta”
Xoghayaha warfaafinta xisbiga UCID, Kayse C/laahi oo isna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi "saddex xisbi ayaa ku tartamaya dalka , ee ma tartamayaan qabaai'il, ciddii aad u malaynaysaan in ay wax idiin qabanayso codkoona siiya oo ka fiirsada codkiinna "
Saynab Xasan Axmed oo ka mid ah masuuliyiinta xisbiga UCID ee heer qaran ayaa tidhi " waad naga farxiseen ee illaahay ha idinka farxiyo, waxan islahayn madaxweynahooda mooye cid kale masoo dhaweyn doonaan, laakiin madaxweynihii wuu idinka xumaaday ,waxan madaxweyne idiin noqonaya Md: Fsyal Cali waraabe .iyo Maxamed Rashiid oo ku xiga, kuwaas oo kasoo baxay dadkiinna iyo dugsigiinna Cammuud. afar sannadood ka hor ayaan soo maray jidka Boorama iyo Dila ,waa wax laga xumaado in sideed sannadood waxba laga qaban waayo, ka idiin dhisi waayey miyuu iga kiin xigaa. Haddaan Huda ahaan lahaana jidkaasi ma ahaadeen sida maanta uu yahay ee waan dhisi lahaa oo wallaaahiya. cidina igama sheegan karto Dila iyo Boorama"
Guddoomiyaha iyo wefdigiisa ayaa waxay shalay galab u kaceen dhinaca xeebaha galbeedka ka dib markii magaalada Boon ay ku qabteen xaflad la mid ah tan shalay Boorama ku qabteen oo kale .
Xidhiidhiyaha xisbiga UCID ee gobolada Awdal /Selel, Axmed Muumin Seed iyo musharaxa mansabka Madaxweyne ku xigeenka UCID, Maxamed-Rashiid Sh Xasan ayaa meelihii ay marayeen ka codsaday inay codkooda siiyaan.
Dhinaca kale, Xisbiga caddaalada iyo daryeelka ee UCID, ayaa fagaaraha beerta Xoriyada ee magaalada Hargeysa ku soo bandhigay Dhoolatuskii balaadhan oo ay cududoodo taageero ku muujiyeen.
Xisbiga UCID oo kaltanka ololaha doorashada maalintiisii lixaad ahayd ayaa isoo soo bax balaadhan oo uu taageerayaashiisa iskugu keenay fagaaraha weyn ee beerta xoriyada ku soo bandhigay awoodooda taageero, isla markaana waxa taageerayaasha kala qaybgalay masuuliyiin badan oo ka tirsan xisbiga siyaasiga ah ee UCID.
Xoghaya Guud ee xisbiga UCID Muuse Xaaji Muxumed Guuleed[Muuse Inji] oo halkaa ka hadlay, ayaa si weyn ugu mahad-celiyey taageerayaasha xisbiga UCID sida ballaadhan ee ay isugu soo baxeen fagaaraha beerta Xoriyada, isla markaana u muujiyeen awooda uu xisbiga leeyahay.
Xoghaye Muuse Inji oo la hadlayey dadweyne aad u faro badan wa oo ka tirsan taageerayasha xisbiga ayaa hadalkiisa ku bilaabay “ Saddexda xisbi ee la kala dooranayaa waa UCID, UDUB iyo KULMIYE. UDUB iyadu way ina daysay oo way u dhamaatay, laakiin weli dhibaatadeedii ayay weli sii wadaa. Waxa ay iibsanayaa Kaadhadhkii oo meel ay gaynayso garan maayo. Waxa aan ka codsanayaa labada xisbi ee UCID iyo KULMIYE In loo midoobo sidii aanay dhibaato uga dhici lahayn waxa ay UDUB waddo oo ah Kaadhadhka ay iibsanayso. Waxaana ay doonaysaa inay nabadgelyo darro dhacdo. Arrintaa labada xisbi ma u midoobaan, si ay doorasho nabad ahi inoogu dhacdo, oo isbedel rasmi ah lagu sameeyo.
Xisbiga UCID halka uu maanta marayo waad arkaysaan, oo isbedelkii dadku way qaateen, oo waxa ay goosteen inay UCID u codeeyaan. Sidaa daraadeed waxa aan lee yahay maalinta la gelayo doorashada, qof walawba waxa aad maskaxdaada ka keentaa oo aad xasuusnaataa in waxa aad doonaysaa uu yahay isbedel, mid-kaana waxa kuu haysa UCID. Iyada ayaa idiin kugu xukumaysa oo dhalinyarada wax u ogol.”ayuu yidhi muuse Ingi oo dardaarmaya taageerayaashiisa.
Xoghayaha Maamulka iyo qorshaynta ee xisbiga UCID Maxamed Xasan Dirir oo isna halkaas ka hadlay, ayaa taageerasha xisbiga UCID ku tilmaamay inay muujiyeen isu-soo-bax layaab leh, waxaanu sheegay in ay Somaliland hadda haysato fursad qaaliya “ Maanta waxa inoo soo baxay sideed sano oo aynu cidhiidhi ku jirnay ka dib Obama-ha Somaliland, oo ah Faysal Cali Waraabe , haddii aynu Obamaha Somaliland dooran wayno sidii Maraykan-ka ayuu dhaqaale bur-bur iyo nabad burbur inagu dhici doonaa, soo ma dooranayno ‘HAA.’ Waa inoo sidaas.
Diinta Islaamka ee xisbiga UCID idiinku baaqay waa mid xaqiiq ah oo uu ka dhabayn doono, waa mid ilaa 1960-kii dawladihii kala dambeeyey laga waayay cid u badheedha, cidda u badheedhay waxa weeye xisbiga caddaalada, diinta iyo daryeelka ee UCID.”
Waxa uu jawaab kulul ka bixiyay hadal dhaleecayn ah oo Wasiirka hawlaha guud Siciid Sulub u soo jeediyey xisbiga UCID oo uu ku tilmaamay inuu xidhiidh la leeyahay kooxda Alshabaab,isagoo arrintaas ka hadlaya waxa uu yidhi “ Dad-baa waxa ay ka xun yihiin awooda cusub ee xisbiga UCID maalmihii u dambeeyey uu sidii Obama toban cisho gudahood uu la soo baxay, waxa ay ka xun yihiin Diinta Islaamka ee uu ku dhawaaqay, waxa ay yidhaahdeen Alshabaab ayaad tihiin, ee miyeynu ka rumaysanaa,?
Ninka sidaa yidhi waa nin weyn oo xil idiin haya oo Siciid Sulub la yidhaahdo, kaas oo sheegay in Alshabaab la soo hadashay oo ay tidhi‘Xisbiga UCID ha loo codeeyo.” Soo beentii maaha ‘HAA”. Waxa ay Somalidu ku maahmaahdaa nin walba halkii bugtaa isaga ayay belbeshaa. Awooda xisbiga UCID markii uu arkay waxa uu ku marmarsooday inuu Diinta Islaamka wax ka sheego. Waxa aynu leenahay qofka Diinbta Ilaahay wax ka sheegayaa waa qof diinta Ilaahay ka baxay, Diinta Ilaahay cidda diida in la isku xukumaa waa gaal.Waxa aynu leenahay waxa aad tahay nin weyn oo masuul ahe ilaahay u toobad-celi.
Siciid Sulub iyo Alshabaab Telfoonka ay ku wada hadleen muxuu yahay, waa mid aynu garan la’nahay Siciid Sulub Alshabaab waxa ka dhexeeya, isaga ayaanu u daynaynaa oo yaqaana. Ummada Somaliland waxa ay ka sugaysaa inuu caddeeyo halka ay Alshaab ku tidhi UCID ha loo codeeyo , Siciid Sulub waa dilaalka koowaad ee dawlada xarku galay, waa ninka u badheedhay inuu xoolaha Ummadeena wada iibiyey. Waxa aan aad uga xumahay inuu Ummada horteeda wax ka sheego. Marka aanu talada dalka ku guulaysano waxa aanu ka dhigi doonaa inuu Saylada ka noqdo Dillaal caadiya ilayn waxa uu u bartay inuu dilaal noqdee.”
Faadumo Cali Madar oo ah xoghayaha arrimaha dibada ee xisbiga ayaa iyaduna halkaas ka hadashay, waxayna tidhi “ Xisbiyada qaar ayaa waxa ay idinku sasabtaan reer Somaliland-naw anaga ayaa nabada idiin haynaye na doorta, kuwaas been ayay idiin sheegaan, waayo dadka nabada suga ee ilaaliyaa waa reer Somaliland oo waa shicibka. Haddii aanay nabada ilaalin lahayn shacabka iyo ciidamada mushaharku ku yaryahay, anigu uma malaynayo inay dawladi sugi lahayd.”
Waxa aya u soo jeedisay bulshada reer Somaliland meel kasta oo ay jogaan joogaan inay heegan u ahaadaan ilaalinta nabada, isla markaana waxa ay sheegtay inay xisbi ahaan diyaar u yihiin inay waddanka ka hirgelin doonaan isbedel dhab ah oo dhinac kasta taabanaya.
Sidoo kale waxa isaguna halkaas ka hadlay xoghayaha arrimaha gudaha ee xisbiga UCID Maxamed Ibraahim Qabo, Waxaanu yidhi “ Waxa aan idinku boorinayaa todoba habeen ayaa ka hadhay masiirkii iyo mustaqbalkii Somaliland, Waxa aan idiin sheegayaa waxa aad tihiin mutacalimiin oo laba sannadood ayaa jaanis la idiin siiyey aad wax ku kala garataan. Masiirkii Ummadani waxa uu ku jiraa gacmahiina, Waxa aan idinku adkaynayaa inaad UCID u codaysaan, oo aad codkiina siisaan. Si ay Somaliland u badbaado oo aynu u gaadhno himilada aynu hiigasanayno.”
Prof. Siciid Sheekh oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay in xisbiga UCID u taagan yahay inuu waddanka ka hirgeliyo shareecada Islaamka, isla markaana uu Somaliland ka abuurayo is-bedel dhab “Walaalayaal xisbiga UCID waxa uu ku baaqayaa inuu shareecada Islaamka waddanka ku dhaqayo, waxa uu maanta sheeganayo maaha ee waa wax ku qoran buugiisa siyaasadeed. Qodobka ugu horeeyaa waxa uu ka hadlayaa inuu shareecada Islaamka waddanka ku dhaqayo.” Ayuuu yidhi Prof. Siciid Sheekh.
Walaaloyaal maamulka Rayaale, waa ka Adduunka ugu liita oo aan waxba u qaban bulshadiisa, walaalayaal wasaarad shaqaysaa ma jirto, 11-ka subaxnimo marka ay gaadho meel shaqaysaa ma jirto, iyada oo laga doonayo inay shaqeeyaan sideed saacadood, Maamulkiisu waxa uu ku caam-baxay in uu dadka uu wax u qabanayo wax-ba la socodsiin.’
Gudoomiyaha ololaha doorashada ee xisbiga UCID ee Gobolka Maroodi-jeex Mr : Jiir,waxaanu dadka ugu baaqay inay codkooda siiyaan xisbiga UCID, isagoo bulshada kula dardaarmay in ay si taxadar leh u hubsadaan cida ay codkooda siinayaan.
Waxa isugana halkaa ka hadlay Xuseen Axmed Ildab oo ka mid ah masuuliyiinta sar sare ee xisbiga UCID, oo sheegay in la joogo kama dambaystii ololaha doorashada, isla markaana taageerayaasha looga baahan yahay ina codkooda u dhiibtaan si nabadgelyo ah.
Intaa ka dib waxay Gaadiid faro badan oo ay saaran yihiin taageerayaasha xisbigu ay ku wareegeen dariiqyada waaweyn ee magaalada iyagoo ku dhawaaqayey erayo ay ku amaanayaan xisbiga iyo musharaxiinta xisbiga.
Dhinaca kale, gobolka Saaxil xaruntiisa Berbera ayaa iyaduna si weyn la iskugu soo baxay, iyadoo dadweynaha reer Berbera ku muujiyeen cududooda taageero.
Masuuliyiintii halkaas ka hadashayna waxay dadweynihiih halkaas iskugu yimid ka codsdeen in codkooda ay siiyaan xisbiga UCID.
Magaalada Burco
Taageerayaasha xisbiga ucid ayaa shalay iskugu soo baxay khayryada magaalada Burco, kuwaas oo sitay Calanka xisbiga ucid si wayna ugu dhawaaqayay erayo ay ku taageersan yihiin Xisbigaasi, waxaana kala Hadlay Dadkan aadka u tirada Badnaa masuuliyiin Sarsare oo ka tirsan Xisbiga Ucid oo uu hor kacayo Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliland mudane C/raxmaan Maxamed C/laahi (Cirro).
Ugu horeyn waxa halkaas ka hadlay guddoomiyaha UCID ee gobolka Togdheer Cismaan Afgaab oo amaan iyo Hadalo kale oo Dhiiri gelin ah uga soo jeediyay Shacabka reer Burco sida weyn ee ay u taageersanyiin Xisbiga cadaaladda iyo Daryeelka Ucid.
Prof: C/raxmaan jaamac C/laahi ayaa isna si weyn u dhaliilay labada xisbi ee KULMIYE iyo UDUB, kuna tilmaamay laba xisbi oo aan waxba is dhaamin, waxaanu tusaale u soo qaatay wasiiradii iska casilay Xukuumadda Rayaale iyo kuwii ka horeeyeyba inay isla markiiba soo xidhaan shaadh kale oo ah Kulmiye.
gudoomiyaha Jaaliyadda Yurub ee Xisbiga UCID mr siciid Cumar Axmed ayaa sheegay wax uu ku tilmaamay been oo uu yidhi waxaa sheegtay xukuumadda Madaxweyne Rayaale, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen, Dhagax dhigga Wershedda Sibidhka Berbera, Dhisidda Wadooyinka Oodwayne iyo Ceerigaabo, lacag ka bedelidda Gobolka togdheer, waxaaana ay Dadwaynihii halkaasi ku sugnaa si wayn ula dhacsanaayeen Hadalada uu halkaasi kasoo jeediyay guddoomiyaha xisbiga UCID ee YURUB.
Aadan mire Waqaf, gudoomiye ku Xigeenka koowaad ee Xisbiga UCID ayaa ku dheeraaday sida muhiim u tahay in la wada ilaaliyo nabadda iyo Xasiloonida shacabka Somaliland, waxaanu KUla Dardaarmay reer Burco in haday Diyaar u yihiin iSbedel waxtarle Inay codkooda siiyaan Xisbiga UCID.
Aadan Waqaf waxa kale oo uu si kulul uga juwaabay Hadalo uu sheegay inay yidhaahdeen wasiiro xukuumadda ka tirsan, kuwaas oo xisbiga ku tilmaamay inay xidhiidh la leeyihiin argagixisada Al-shabaab, isla markaana kaas bedelkeed uu wasiiradaas ku tilmaamay safiiro u fadhiya urur weynaha Al-qaacida ee Somaliland .
Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed C/laahi Cirro ayaa ku dheeraaday Amaan iyo dardaarano kala Duwan oo uu u soo jeediyay Taageerayaasha Xisbiga Ucid ee Burco,isla markaana waxa uu ku booriyey in ay Codkooda siiyaan Xisbiga Cadaaladda iyo Daryeelka ee UCID
Comments
Post a Comment