Xog-Ururin Uu Sameeyay Mac-hadka Siyaasadda Ee Bariga Afrika Oo Saadaal Ka Bixiyey Xisbiga Ku Guulaysan Kara Doorashada Somaliland

“Xisbiga KULMIYE Ayaa La Filayaa Inuu Ku Guulaysan Doono Doorashada Madaxtinimada Somaliland”
“Hantida meel khaldan la mariyey iyo lacagta ay lunsadeen shirkado qandaraas la’aan heshiisyo lagula galay, waxaa lagu qiyaasaa inay kor u dhaaftay 100,000,000 (Boqol milyan oo doolar) muddadii uu Madaxweyne Rayaale talinayey”
Warbixin uu soo saaray Mac-hadka Siyaasadda Bariga Afrika (East Africa Policy Institute)
Hargeysa, Somaliland, June 21, 2010 (Saxafi) – Mac-hadka ku takhasusay arrimaha Siyaasadda ee wadamada Bariga Afrika (East Africa Poliy Institute “EAPI”) ayaa warbixin uu toddobaadkan soo saaray waxa uu saadaal kaga bixiyay xisbiga la filayo inay murashaxiintiisu ku guulaystaan jagada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka, waxaana warbixinta saadaasha ah lagu sheegay in loo adeegsaday cod-qaadis tijaabo ah oo ay khubaro mac-hadkaas ka tirsan ka qaadeen dhammaan magaalooyinka waaweyn ee Somaliland.
Warbixintan ayaa lagu sheegay in cod-ururinta mac-hadkani sameeyay lagu ogaaday in xisbiga UDUB ay ku adkaan-doonto inuu ku sii jiro tartanka, isla markaana uu guul-darro weyn la kulmi doono maalinta codbixinta marka loo eego codadkii 80-ka ahaa ee uu doorashadii hore kaga guulaystay xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE.
Sidoo waxaa warbixinta lagu sheegay in hoos u dhaca taageerada xisbiga talada haya ay sababeen musuq-maasuqyo ay xukuumaddu ku lunsatay malaayiin dollar iyo waxqabad la’aanta xukuumadda ee siddeedii sannadood ee ay talada dalka haysay.
Haddaba warbixintan oo ah mid aad u dheer oo ku qornayd Af-ka Ingiriisa, balse uu inoo soo turjumay qoraaga Cabdirisaaq Caqli ayaa waxaa lagu bilaabay sidan:
“Doorashada soo socota, si xiiso iyo danayn weyn leh ayaa loo eegayaa, waxaana kala caddaan doona inay ugu danbayn Somaliland hanato dimoqraadiyad dhab ah iyo inay dib ugu noqoto xaaladdii hore ee ay ku jirtay. Warbixinada nooga imanaya lixda gobol ee uu dalku ka koobanyahay waxay muujinayaan in mucaaridku, gaar ahaan KULMIYE uu leeyahay gacanta sare marka la eego cududda bannaanbaxyadii ololaha doorashada, taas oo inoo tilmaamaysa saadaalinta hore.
Labada xisbi mucaaridba si fiican ayey dadweynaha ula hadlayn, waxayna ku guuleysteen inay codbiyayaasha dhinacooda u soo jiitaan, halka uu xisbiga UDUB todobaad ka dib uu codbixiyayaasha u ballanqaadayey inuu shanta sano ee soo socota u qaban doono ballanqaadyadii hore loogu yaqaanay oo kale. Tallaabadii ugu wacnayd waxaa ku dhaqaaqay KULMIYE oo u ballanqaaday ururada cusub inuu u furi doono tartanka siyaasadeed si ay uga qayb qaataan doorashada deegaanka ee soo socota, taasoo uu ku kasbaday taageeradii ururka Qaran ee hore loo mamnuucay iyo hogaamiyahooda firfircoon Dr Gaboose. Xisbiga UCID wuxuu xoogga saaray arrimaha daryeelka sida waxbarasho lacag la’aan ah iyo maamul wanaagga. Wuxuuna meesha soo geliyey gudoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdiraxmaan Cirro si uu u noqdo wejiga labaad ee xisbiga taasoo uu ballanqaaday haddii uu doorashada ku guuleysto iyo haddii kaleba inuu noqon doono Guddomiyaha cusub ee xisbiga.
Sidoo kale waxay mucaaridku hareereeyeen xisbiga talada haya, tiiyoo ay u diideen inuu UDUB helo gobol keliya oo uu gaar u yeesho, xataa gobolkii uu ka soo jeeday Madaxweynuhu, taasoo ay labada xisbiba u soo sharraxeen Madaxweyne-ku-xigeenka laba musharrax oo ka soo jeeda gobolkaasi oo soo leexin kara qaybta codadka beelaha ay ka soo jeedaan. Arrimahaasi oo ay weheliyaan sida ay dadweynuhu uga biyo-diidsnayihiin hab-dhaqanka xisbiga talada haya ee todabadii sannadood ee u danbeeyay ayaa badi dadka wax indho-dheeya ku qanciyay inay rumeeyaan in taageeradii xisbiga talada hayaa ay soo yaraatay, taasoo aan marnaba laga filayn cududdi doorashooyinkii hore lagu yaqaannay oo kale.
Tijaabo saadaalinta codadka ah oo ay khubaro ka tirsan mac-hadka EAPI ku sameeyeen dhammaan magoolooyinka waaweyn (Hargeysa, Berbera, Burco, Sheekh, Boorama) waxay muujisay inay ku adkaan doonto xisbiga UDUB inuu tartanka ku sii jiro. Waxaana suurtogal ah inay guul-darro weyni soo gaadhi doonto maalinta codbixinta, marka la eego codadkii tirada yaraa ee uu doorashadii hore ku guuleystay ( Sideetan cod oo keliya).
Waxaa tijaabadayadaasi sii xoojinaya aragtida ay codbixiyayaashu qabaan, taasoo sii iftiimisay sida ay dadweynuhu u diidanyihiin xukuumadda maanta jirta iyo siday u maamulaysay dalka todobadii sannadood ee ugu danbeeyey, taasoo uu musuqmaasuqu si weyn u baahay, dhaqaalihii joogsaday, talo maroorsi iyo sharciyadii dalka oo la baalmaraana ay caado u noqotay xukuumadda maanta joogta.
Hantida xukuumadda ee meel khaldan la mariyey iyo lacagta ay lunsadeen shirkado qandaraas la’aan heshiisyo lagula galay, waxaa lagu qiyaasaa inay kor u dhaaftay 100,000,000 (Boqol milyan oo doolar) mudadii uu Madaxweyne Rayaale talinayey. Heshiisyadaas qandaraas la’aanta lagu galay, kootadana lagu siiyey ganacsadaha sacuudiga ee AL-Jaabiri, ee loo xidhay inuu keligii dhoofiyo xoolaha, waxay abuurtay in qiimihii neefka adhiga Somaliland ee aadka loo jecelyahay, qaaligana ah, ee suuqa sacuudiga ka taagan $ 100 Boqol doolar), in loo xadido inuu ku iibsado $30 (sodon doolar oo keliya. Waxaana xaaladda xun ee uu dalku ku jiro sababay tiiyoo ay xukuumaddu halkii doolar ee dalka soo geli lahaaba, lagu qasbay ganacsatada adhiga Somaliland inay ka hesho soddon senti oo keliya, ayaa hadana islamarahaantaasi lagu sii kordhiyey qiimaha shidaalka oo kooto loogu xidhay shirkadda Total, taasoo keentay in Etoobiya oo aan lahayn dekad, uu shidaalku kaga jabnaado magaalada Berbera ee dekaddu ku taallo.
Tiiyoo ay Somaliland qabsatay hawlo wax ku ool ah, talaabooyin muuqdana ay ka gaadhay sidii ay u hirgelin lahayd dimoqraadiyad dhaqanka dalka ku salaysan, taasoo nooc ahaan u eg dimoqraadiyadda dalka Maraykanka lagaga dhaqmo oo kale, ayey hadana mudadii danbe wax walba ku seegtay maamul xumida dhaqaalaha yar ee soo gala, iyo musuqmaasuqa sida xooggan u saameeyey madaxda ugu sarreeya ee xukuumadda.
Sida ay sheegayaan ilo ku dhow dhow xafiiska arrimaha dibedda ee dawladda Maraykanka iyo gudi-hoosaadka arrimaha Afrika ee kongreeska Maraykanka, waxaa xukuumadda Rayaale lagu tiriyaa xukuumad dhibaato ah oo awoodi kari la’ inay fuliso oo ay ilaaliso sharciyadeeda, iyo heshiisyada ay mucaaridka iyo beesha caalamka la gasho. Doorashooyinkii oo kolba dib loo dhigayey, oo hadana mar walba la kordhinayey mudada xilka Madaxweynaha, ayaa loo arkaa mid ku sii abuuraysa xasilooni darro gobol ay saameeyeen xagjirnimo iyo xukuumado ligliganaya. Sida uu horeba u sii saadaaliyey mac-hadka EAPI warbixin uu soo saaray bishii September ee sannadkii 2008, diiwaangelinta lagu cabudhinayo doorashada ayaa ahaa qalad foolxun oo dalka dhawr jeer khatar geliyey.
Xakamayn la’aanta awoodaha sida qaldan loo isticmaalayo ee mararka qaarkoodna lagu xad gudbayo xuquuqda aasaasiga ah ee dadweynaha ayaa carqalad ku ah dimoqraadiyadda iyo la xisaabtankaba (Accountability), sida ka muuqata warbixin-sannadeedka xuquuqda aadamaha ee uu soo saaray xafiiska arrimaha dibedda ee Maraykanku.
Dhacdooyinkaasi isbiirsaday ee awood maroorsiga iyo maamul xumida iskugu jira ayaa saamayn foolxun ku yeeshay dhaqaalihii dalka, islamarahaantaasina cidhiidhi geliyey noloshii dadweynaha caadiga ah, laga bilaabo qofkii reer miyiga ahaa ee xoolihiisa dhaqanayey ilaa iyo qofkii magaalada degganaa ee wax dillaalayey. Waxaa intaasi sii dheer xad-gudubyada aan la soo koobi karin ee had iyo jeer lagula kacayo dad aan waxba galabsan oo iskugu jira dadweyne caadi ah iyo siyaasiyiin caan ah. Waxaa taasi ka sii daran bileyska rasaasta ku hadhaynaya dad bannaanbaxaya ee qudha ka jaraya. Waxaasi oo dhan ayaa dadweynihii isku biirsaday, taasoo ay ka muuqato inay maanta diyaar u yihiin inuu isbeddel yimaaddo.
Doorashadii Golaha Wakiilada ee ugu danbaysay ee qabsoontay sannadkii 2005, waxay tirada dadka codeeyay ahaayeen 670, 328 qof. Dooashada maanta waxay dadka codayn karayaa kor u dhaafeen hal milyan oo qof, kadib markii serverku dib u sii kala shaandheeyey. Tiiyoo la tixgelinayo xaqiiqada muujinaysa in badi gobolada ay tirada codadka ugu badan u soo korodhay ay yihiin gobolada laga taageersanyahay mucaaridka, gaar ahaan KULMIYE, iyo jawiga xumaanta isbiirsatay ee lagu diidanyahay xisbiga talada haya wuxuu Mac-hadka EAPI sii saadaalinayaa inuu si fiican xisbiga KULMIYE u guuleysan doono doorashada soo socota.
Haddii ay xisbiyada UCID iyo KULMIYE soo korodhsadaan 5-10% ee tirada codadka oo keliya waxaa KULMIYE u suurtogelaya inuu codad lagu qiyaasay 50,000 ilaa 100,000 oo cod uu dheeraado xisbiga UDUB marka dib loo fiiriyo sideetankii cod ee doorashadii hore ee madaxtooyada lays dheeraa. Boqol kun oo cod oo uu KULMIYE dheeraado xisbiga UDUB waxay muujinaysaa guul weyn oo KULMIYE u soo hoyatay.
Badi dadka indho-indheeya Somaliland waxay u arkaan in dalkani hodan ku yahay wixii horumar keeni lahaa oo idil marka la eego baaxadda dhulkiisa, tirada dadkiisa, khayraadka dabiiciga ah ee uu leeyahay iyo dadweynaha u heellan inay mustaqbalkooda dhisaan. Laakiin waxaa loo baahanyahay in la helo madaxdii hogaamin lahayd ee himiladaasi hirgelin lahayd. Taasina waxaa lagu gaadhi karaa codadka oo wax lagu bedelo ee laguma gaadhi karo xabbad wax lagu bedelo.
Waxaan dadweynaha Somaliland u rajaynaynaa inay wax ka dhex arkaan ceeryaanta hadhaysay doorashooyinkii hore oo ay dalka iyo dadkoodaba mustaqbal cusub ku hagaan.”

Comments
Post a Comment