Xubno Ka Tirsan Goob-joogayaasha Caalamiga Ah Oo Boorama Si Gooni-gooni Ah Ugula Shiray Masuulyiinta Xisbiyada Ee Gobolka Awdal

“Waxay U Sheegeen I Dawladdu Iibsatay Ku Dhawaad 30, 000 Oo Kaadh, Iibsanna Doonto Dhawr Goobood"

Boorama, Somaliland, June 25, 2010 (Saxafi) – Xubno ka tirsan goob-joogayaasha caalamiga ah ee kormeeri doona doorashooyinka berri ka dhici doona Somaliland, ayaa shalay galab si gooni-goooni ah ula kulmay masuulyiinta xisbiyada qaranka ee Gobolka Awdal.

Sida uu ku soo waramay weriyaha Saxafi ee gobolada galbeedka Maxamed Cumar Sheekh, kulankan gooni-goonida ah oo ka dhacay Huteel Rays, ayaa waxa ka qayb qaatay masuulyiinta gobolka Awdal ee xisbiyada UDUB, UCID iyo Kulmiye, iyagoo la kulmay nin magaciisa la yidhaahdo Jhon Antenzzwiski.

Inkastoo aanay masuulyiinta xisbiyada qaranku saxaafadda u sheegin waxay ka wada hadleen, balse sida ay sheegeyaan warar xog-ogaal ahi, waxay goob-joogahaasi xisbiyada mucaaradku ku wargeliyeen inay dawladdu doonayso boobka doorashooyinka isla markaana ay iibsatay ku dhawaad 30, 000 oo kaadhadhka coddeynta ah, kuwaas oo la geyn doono meelo ka baxsan gobolka Awdal, lana iibsan doono hawlwadeenada iyo ciidamada qaranka ee ilaalinaya halkaas, ciddii ka hadashana la xidhi doono.

Dhinaca kale warar kale ayaa iyaguna sheegaya in masuulyiinta mucaaradku u sheegeen goobjoogahaasi in meelo bilaa laydh ah lagu eegeyo sawirada dadka coddeynaya, sidaa darteedna aan la kala garanayn wejiyada dadka coddeynaya, taas oo ay sheegeen inaanay doorashooyinku noqon karin xor iyo xalaal hadii arrimahaasi wax laga qaban waayo, isla markaana la fadhiisin waayo gaadiidka dawladda ee lambarada laga furay ee gaaf-wareegeya dhulka xeebaha, kuwaas oo sida la sheegay ay saaran yihiin kumanyaal kaadhadhka coddeyn ah. Inkastoo la sheegeyo in gaadiidkaasi qaar ka mid la qabqabtay, hase yeeshee weli ma cadda meesha lagu joojiyey iyo cidda ay ahaayeen.

Comments